Dhegeyso: Mid ka mid ah Soomaalidii laga soo badbaadiyay badda Mauritania oo BBC u warramay

Qoraalka Codka, Muhaajiriin badan ayaa ku dhinta badda iyagoo kusii jeeda Yurub.

Doon ay la socdeen muhaajiriin ka socdaalay Afrika oo doonayay in ay ka soo galaan qaaradda Yurub dhinaca Spain ayey soo badbaadiyeen dhawaan ciidamada Morrocco.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay waxaa ka mid ahaa 18 Soomaali ah. Shan ka mid ah Soomaalidaas markii la soo badbaadiyay ayey ka baxeen halkii lagu hayay.

Ilaa 13 ka mid ah ayaa hadda ku sugan magaalada Bir-Gandouz ee xadka ku taal halkaas oo safiirka Soomaaliya uu ku booqday.

Maxamed-Amiin Cali Yuusuf waxa uu ka mid yahay 13-ka ku sugan magaalada ee la soo badbaadiyay, BBC-da ayuuna uga warramay safarkooda halist ahaa.