Maxkamad qaadaysa sidii ay u kala saari lahayd lamaane ku heshiin waayay saddex sano magac u bixinta ilmo ay dhaleen

Magac u bixinta ilmaha ayaa inta badan waxaa isku khilaafa hooyada iyo aabbaha meleo badan oo dunida ka mid ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Magac u bixinta ilmaha ayaa inta badan waxaa isku khilaafa hooyada iyo aabbaha meleo badan oo dunida ka mid ah.

Inta badan lamaanayaasha ayaa waqti dheer ku qaata in ay magac u bixiyaan ilmahooda marka ay dhashaan, lamaanayaasha qaar ayaa xitaa ku murma mudadaas, laakiin malaha waligaa ma maqal ama arag lamaane maxkamad ugu socda magaca ubadkooda.

Lamaane u dhashay gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa muddo saddex sano ah ku heshiin waayey magaca wiilkooda, sidaas darteed ugu dambeyntii waxay ku qasbanaadeen in ay maxkamad tagaan.

Intaa kaliya kuma ekaan ee dagaalkan magaca wiilka ku bilowday ayaa cirka isku sii shareeray oo xataa waxaa la hadal hayaa furiin.

Dhammaantood waxay bilaabeen 2021-dii. Haweeneyda oo aan magaceeda la shaacin waxay dhashay wiil waxayna aaday guriga waalidkeed dhowr toddobaad ka dib markii ay u mushay.

Dalka Hindiya waxaa caadi ka ah in haweenku marka ay umulaan ay guriga waalidiintooda aadaan si ay ugu nastaan, kadibna ninka ayaa maalmo ka dib guriga ku soo noqda si uu xaaskiisa iyo ilmahiisa ugu soo celiyo guriga.

Laakiin markii haweeneydan 21-jirka ah ay diiday magaca ninkeeda uu u soo jeediyay ee uu doonayay in loo bixiyo wiilkooda, aabbaha ayaa ka carooday xaaskiisa, sidaa darteedna kumuusan soo celin guriga.

Haweenaydai waxay u dooratay wiilka yar magaca 'Aadi', hase-yeeshee aabbaha ayaa arrintaas isna ku gacan sayray.

Bilo iyo sanado ayaa haweenaydu ku noolayd guriga waalidkeed, waxaana ay go'aansatay in ay tagto maxkamad.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haweeneydan ayaa dacwad gaysay maxkamada deegaanka ee degmada Mysore iyadoo dooneysay in ninkeeda ay masruuf ka hesho maadaama ay xanaaneyneysay cunuga yar oo ay u dhashay.

Qareenka u doodaya haweeneydaasi oo lagu magacaabo MR Harish ayaa BBC-da u sheegay in arrintu ay gaartay heer ay haweeneydu dalbato in la furo.

Kiiskan ayaa markii hore loo gudbiyay maxkamad deegaanka ah, balse markii dambe waxaa loo badelay 'Maxkamadda dadka' oo loo yaqaan 'Lok Adalat', taasoo khilaafka ku xalisa hannaan dhexdhexaad ah.

Inkasta oo ay dhawr jeer isku dayeen garsoorayaashu in ay xal u helaan magac u bixinta ilmaha yar, haddana ma dhicin arrintaas, laakiin waa in ay ogolaadaan magaca ay soo jeediso maxkamaddu.

Sida laga soo xigtay xeer ilaaliyaha guud Soumya MN, magaca ilmaha hadda waa 'Aryavardhana', oo macnaheedu yahay 'sharaf'.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Hindiya ay maxkamadi soo farageliso arrinta ku saabsan magac-bixinta ilmo yar.

Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, ilmo ku nool Kerala ayaa loo diiday inuu galo dugsiga sababtoo ah shahaadadiisa dhalashada ayaan wax magac ah ugu qorneyn.

Hooyada dhashay ilmahan yar ayaa maxkamada la soo xiriirtay waxayna sheegtay inay ku hawlanayd sidii ay u diwaan galin lahayd ilmaha oo hadda afar jir ah, balse maamulka ayaa diiday inay buuxiyaan foomka, sababtoo ah ilmaha aabbihii hadda ma wada joogaan hooyada.

Maxkamaddu waxay ku amartay xafiiska diiwaangelinta dhalashada inay aqbalaan magaca ay soo jeedisay hooyada ilmaha oo lagu daro magaca aabbaha warqadda dhalashada.

Arrimahaan ayaa hadal hayn ka dhaliyay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha, iyaoo dadku ay ka bixinayaan aragtiyo kala duwan oo mararka qaar kala taageeraya hooyada iyo aabbaha cida ay tahay in ay ilmaha u bixiyaan magaca.

Waxaa sidoo kale ay dadku qirayaan in murankaan ka dhasha magac u bixinta ilmaha ay saameyn yeelato mararka qaar, iyadoo xitaa ay jiraan carruur dhowr magac leh oo labada waalid ay sabab u yihiin.