India: Waa la dilayaa qofkii faro xumeeya ilmo yar

Xigashada Sawirka, AFP
Dawladda India ayaa meel marisay dhaqan gelinta ciqaabta dilka ah ee lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo in uu faro xumeeyey ilmo ka yar laba iyo toban jir.
Go'aankan waxa lagu gaadhay kulan gaara oo golaha wasiiradu iskugu yimaadeen oo uu gudoominayey Ra'isal Wasaare Narendra Modi.
Talaabadan ayaa waxa cariyey falal badan oo kufsiyo ah oo aad looga cadhooday oo dalkaa ka dhacay, qaar ka mid ahna ay kuba kaceen xubno ka tirsan xisbiga talda dalka haya ee BJP.
Waxa socday mudaharaadyo ballaadhan oo cadho badanaa oo lagaga soo horjeedo xisbiga talada haya.
Meel marinta sharcigan waxa diiday dawladda bishii Jeeniwari, laakiin dadka falanqeey siyaasadda dalkaasi waxay sheegayaan in sababta uu Modi sida dhakhsaha uga jawaabay cadhadii shacabku tahay doorashooyinka sannadka dambe dhacaya.










