Lo' jir ilaa madaxweyne: Wax ka ogow taariikhdii Muxamadu Buhari oo xalay geeriyooday

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Nigeria
Muxamadu Buhari wuxuu ku dhashay bishii Diseembar 17-keedii, 1942-dii, magaalada Daura ee gobolka Katsina. Muxamadu Buhari wuxuu ahaa ilmihii 23-aad ee aabbihiis, Malam Haro Adamu, kaasoo geeriyooday markuu Buhari afar sano jir ahaa.
Buhari waxaa uu dhalay 10 carruur ah oo ay u dhaleen laba xaas — Safinatu Yusuf oo ay kala tageen, iyo Caisha Halilu, oo si weyn loogu yaqaan Caaisho Buhari, taasoo ooh hadda xaaskiisa ahayd
Muxamadu Buhari wuxuu wax ka bartay dugsi hoy ah (boarding school), wuxuuna ahaan jiray lo' dhaqato, ka hor inta uusan bilaabin dugsiga hoose ee magaalooyinka Daura iyo Mai'Adua, halkaasoo uu ku qalin jabiyey sannadkii 1953.
Kadib wuxuu aaday Dugsiga Sare ee Katsina, halkaas oo uu wax ka bartay intii u dhaxaysay 1956 ilaa 1961-dii.
Buhari wuxuu deeq waxbarasho ka helay dalka Ingiriiska sanadkii 1960-kii.
Adeeggii Milatariga
Muxamadu Buhari wuxuu ku biiray ciidamada milateriga sanadkii 1962-dii isaga oo jiray 19 sano, wuxuuna ka mid ahaa 70 dhalinyaro ahaa oo loo qaatay Dugsigii Tababarka Milateriga ee Nigeria, kaas oo markii dambe loo bixiyay Akadeemiyadda Difaaca Nigeria sanadkii 1964-tii.
Wuxuu sidoo kale ka qayb galay koorso loogu talagalay saraakiisha hoose ee Aldershot College oo ku yaalla Ingiriiska intii u dhexeysay sanadihii 1962 ilaa 1963-dii. Bishii Janaayo 1963, waxaa loo magacaabay ku xigeenka labaad ee Cutubka Labaad ee Ciidanka Lugta ee magaalada Abeokuta.
Muxamadu Buhari wuxuu door weyn ka ciyaaray afgambigii 1966-kii lagu riday Janaraal Aguiyi Ironsi, waxaana lagu beddelay Janaraal Yakubu Gowon.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii dambe waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Nigeria (NNPC), taas oo markii ugu horreysay la aasaasay sanadkii 1977.
Janaraal Muhammadu Buhari wuxuu door hogaamineed ku lahaa afgambigii 1983 ee lagu riday dowladdii rayidka ahayd ee uu hoggaaminayay Alhaji Shehu Aliyu Usman Shagari, wuxuuna noqday madaxii dowladdii milateriga ahayd.
Si kastaba ha ahaatee, bishii Agoosto 1985-dii, Janaraal Ibrahim Badamasi Babangida ayaa afgambi kale ku riday Janaraal Buhari, waxaana la xiray ilaa sanadkii 1988.
Xiddigta siyaasadeed ee Buhari waxay soo ifbaxday markii loo magacaabay Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta sanadkii 1975, xilligii uu talada hayay Janaraal Obasanjo.
Xilligii uu xukunka hayay Janaraal Sani Abacha, Buhari waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Qaranka (PTF), kaas oo lagu aasaasay dakhliga dheeraadka ah ee kasoo xarooda iibka shidaalka, si loogu fuliyo mashaariic horumarineed oo bulshada anfaca u leh.
Waxqabadkii Buhari uu ka sameeyay Nigeria — laga bilaabo dhisiddii waddooyin, isbitaallo ilaa dugsiyo — ayaa sababay in qaar badan oo ka mid ah shacabka Nigeria ay doonayeen inuu markale noqdo madaxweynaha dalka.
Buhari wuxuu sidoo kale horey u soo noqday guddoomiyaha gobolka waqooyi-bari, kaas oo uu sameeyay Janaraal Murtala Ramat Muhammed.
Siyaasadda
Muxamadu Buhari wuxuu u tartamay madaxweynenimada laba jeer isagoo ka sharraxnaa xisbiga ANPP sanadihii 2003 iyo 2007, labadaba jeerba wuu ku guuldareystay.
Guuldarrooyinkaasna ma aysan beddelin aragtidiisii siyaasadda Nigeria, wuxuuna aasaasay xisbi uu ugu magac daray CPC, kaasoo uu ku tartamay doorashadii 2011-kii.
Isbaheysiga xisbiyada oo la baxay All Progressives Congress (APC) ayaa sabab u noqday in Muxamadu Buhari uu ku guuleysto doorashadii 2015, isagoo ka adkaaday musharaxii xisbiga talada hayay ee Peoples Democratic Party (PDP), Goodluck Jonathan.
Buhari wuxuu mar kale ku guuleystay doorashadii 2019, isagoo ka adkaaday Atiku Abubakar oo ka tirsanaa xisbiga PDP.
Buhari wuxuu dhammeystay muddo xileedkiisii labaad 29-kii May 2023, isagoo xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub, Bola Ahmed Tinubu.
Intaas ka dib, Buhari wuxuu ku laabtay magaalada uu asal ahaan ka soo jeedo ee Daura, halkaasoo uu muddo sanad ah ku sugnaa ka hor intuusan u guurin magaalada Kaduna si uu halkaas u dego.
Xanuunkiisii ilaa 2017-kii
Madaxweyne Buhari wuxuu waqti dheer ku qaatay dalka UK sanadkii 2017, isagoo halkaas ku sugnaa in ka badan 100 maalmood.
Dhacdadan waxay dhalisay muran weyn gudaha iyo dibadda dalka.
Waqtigaas waxaa jirtay jahwareer badan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha iyo caddeyn la'aanta ka jirtay dhinaca dadka ku dhow dhow oo aan si sax ah u sheegin waxa dhab ahaantii uu la xanuunsanaa madaxweynaha.
Waa tan liiska waqtiyada uu Madaxweyne Buhari la tacaalayay xanuun:
19 Janaayo – Wuxuu u dhoofay UK "fasax caafimaad".
5 Febraayo – Wuxuu weydiistay baarlamaanka in loo kordhiyo fasaxa caafimaadka.
10 Maarso – Dalka ayuu ku soo laabtay, balse si degdeg ah uma uusan bilaabin shaqada.
26 Abriil – Ma uusan ka qeybgelin kulankii golaha wasiirada, wuxuuna sheegay inuu "ka shaqeynayo guriga".
28 Abriil – Ma uusan tagin salaaddii Jimcaha.
3 May – Markii saddexaad ma uusan tagin kulankii golaha wasiirada.
5 May – Wuxuu ka qeyb galay salaadda Jimcaha markii ugu horreysay muddo laba toddobaad ah.
7 May – Mar kale ayuu u dhoofay UK si loogu daaweeyo halkaa.
25 Juun – Wuxuu diray fariin cod ah oo uu shacabka kula hadlayay.
11 Luulyo – Madaxweyne ku xigeen Osinbajo ayaa kula kulmay London.
23 Luulyo – Guddoomiyaha xisbiga APC iyo qaar ka mid ah madaxda gobollada ayaa booqday London si ay u arkaan.













