Madaxweyne Buhari oo lagu wado inuu la kulmo Trump

Xigashada Sawirka, Reuters/Getty Images
Madaxweynaha Nigeria Muxammadu Buhaari ayaa noqonaya hoggaamiyihii Afrikaan ah ee ugu horreeyay oo magaalada Washington kulan kula qaadan doono madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Wadahadalani labada hoggaamiye ayaa si wayn loo hadal hayaa iyadoo ay jirtay xiisad ka dhalatay hadal uu horay Trump u jeediyay oo ku tilmmaamay 'Qashin qub ' dalalka Afrika. Arrintaasi ayaa ka carreysiisay dalal badan.
Balse madaxweyne Trump ayaa beeniyay inuu jeediyay hadalkaasi.
Maxay ka hadli doonaan Trump iyo Buhari?
Labada madaxweyne ayaa isha ku haya inay lafa guraan arrimmo dhowr ah oo khuseeyo labada dal.
Waxay ka wada hadli doonaan xirriirka dhaqaale iyo arrimmaha ammaanka gobolka.
Madaxweynaha Nigeria waxaa dalkiisa soo wajahay dhibaatooyin dhanka ammaanka ah oo ay kamid tahay dagaalka 9 sano jirsaday ee kooxda Boko Xaraam ka waddo waqooy bari dalk Nigeria.
Weriyaha BBC-da ee dalka Nigeria ayaa kusoo warramaya in wadahadalada ay muhiim u yihiin labada dal.

Xigashada Sawirka, BOKO HARAM
Mareykanka ayaa 12 dayaaradood ka iibiiyay dalka Nigeria si ay gacan uga geystaan ololaha la dagaallanka kooxda Boko Xaraam.
Madaxweyne Buhari oo isu soo sharraxayo doorashada 2019 ayaa sido kale lagu wadaa inuu carrabbaabo inuu dadaal ugu jiro xoojinta dumqraaddiyadda , la dagaallanka musuqa iyo sare u qaadidda maamul wanaaga.
Madaxweynaha Nigeria ayaa sido kale kulamo la qaadan doona ganacsatada iyo shirkadaha maalgashiga Mareykanka.










