Askarigii shanaad ee nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo lagu dhaawacay Lubnaan

Xigashada Sawirka, Reuters
Sarkaal ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa lagu dhaawacay koonfurta Lubnaan ka dib markii ay haleeshay rasaas, sida ay sheegeen ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee ku sugan Lubnaan (Unifil) ayaa sheegtay in uu yahay qofkii shanaad ee ka tirsan ciidamada caalamiga ah ee la dhaawacay maalmihii la soo dhaafay.
War qoraal ah oo ay soo saartay Sabtidii maanta, Unifil waxay ku sheegtay in sarkaalka lagu dhaawacay xarun ku taal koonfurta magaalada Naquora habeenimadii Jimcaha iyada oo "dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdo meel u dhow", inkasta oo ay raacisay in aanay garanayn halka ay weerarada ka socdeen.
"Waxa uu qaliin ku maray cusbitaalkayaga Naqoura si looga soo saaro rasaasta, haatanna xaaladdiisa waa ay soo hagaageysaa," ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Dhinaca kale, ku dhawaad 20 qof ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay Jabalia oo ku taala Qassa habeenkii Jimcaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa dhakhaatiir.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu dagaalku ka socdo koonfurta Lubnaan, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay ugu baaqeen ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay inay ka baxaan goobahooda. Afhayeen u hadlay Unifil ayaa Sabtidii sheegay in uu jiray "go'aan loo dhan yahay" oo lagu sii joogayo gobolka xadka.
Dhanka kale, Unifil waxay sheegtay in dhismayaal ku yaal meel ka agdhaw tuulada Ramyah ay soo gaareen "khasaare la taaban karo oo ka dhashay qaraxyo ka dhacay duqeymo is xigxiga" habeenimadii Jimcaha.
"Waxaan xasuusineynaa dhammaan dhinacyada waajibaadkooda si loo xaqiijiyo badbaadada iyo ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha, oo ay ku jiraan ka fogaanshaha dhaqdhaqaaqyada dagaal ee u dhow xarumaha Unifil," ayaa la raaciyay.

Xigashada Sawirka, EPA
Jimcihii, Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) waxay qirteen in ciidamadoodu ay mas'uul ka ahaayeen dhacdo ay ku dhaawacmeen laba askari oo Sri Lanka ah, kuwaas oo ku sugnaa Naqoura.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
IDF ayaa sheegtay in askarta ka howlgasha agagaarka saldhigga ay rasaas fureen ka dib markii ay ogaadeen in ay jirto khatar, iyaga oona sheegay in dhacdadaan loo baari doon si “heerkeedu sarreeyo”.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sri Lanka ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareysay weerarka.
Maalintii Khamiista, laba ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Indonesia ayaa ku dhaawacmay xilli ay saarnaayeen dhisme taawar ah oo loo sameeyay waxaana soo toogtay ciidanka Israa’iil oo watay taangiyada dagaalka.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo wax laga weydiiyay dhacdooyinka jimcihii ayaa sheegay in uu ciidanka Israa’iil ku booriyo in ay joojiyaan rasaasta ay la beegsanayaan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.
Hogaamiyayaasha Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain ayaa sidoo kale cambaareeyay ficilada Israa’iil, iyagoo bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay inay yihiin kuwo aan loo dulqaadan karin, isla markaana ay tahay in si degdeg ah loo joojiyo.
Horaantii, IDF waxay sheegtay in tobanaan gantaal oo kale ay Sabtidii ka soo gudbeen Lubnaan ayna galeen Israa'iil iyadoo tiro ka mid ah la qabtay.













