Sida haweeneydaan u dishay hooyadeed iyo aabaheed meydkoodana u qarineysay muddo 4 sano ah

Virginia McCullough

Xigashada Sawirka, Essex Police

Qoraalka sawirka, Virginia McCullough, waa haweeney dishay labadeedii waalid

Virginia McCullough waa ay garaneysay sababta ay booliisku albaabka gurigeeda u soo jabiyeen, laakiin sidoo kale waxa ay la yaabtay sababta muddadaan dheer loo ogaan waayay inay dishay waalidkeed.

“Istaag ugu yaraan waad heysaa qofkii xumaa,” ayay ku tiri askarigii gacanta ku qabtay, dariskeedu waxa ay u maleynayeen in John iyo Lois, ay ku daaleen fadhiga xeebta, balse waxaa la ogaaday in McCullough, ay sumeysay waalidkeed. Haddaba maxay sidaas u sameysay?

Dhaqdhaqaaqa gudaha guriga qoyska McCullough, ee ku yaal Great Baddow oo u dhaw Chelmsford, Essex, ayaa noqday mid si qarsoodi leh u kordhay 2019.

Qaraabada iyo asxaabta ayaa lagu wargaliyay inaysan booqan waalidiinta Virginia, sidoo kalena aysan tagin aagga Clacton ee xeebta Essex.

Balse xaqiiqda ayaa ahayd mid aad u naxdin badan, waxa ay noqotay xaalad murug leh oo aan la ogaan afar sano kahor wax dhacay iyo sababta ay u xiranyihiin albaabada Pump Hill.

John McCullough, oo 70-jir ahaa horayna u ahaa bare culuumta iyo daraasadaha la xiriira ganacsiga, ayaa si xun loo sumeeyay, waxaana meydkiisa lagu qariyay xabaal laga dhisay walxo la is dulsaaray oo ay ku jiraan bustayaal.

Sidoo kale xaaskiisii oo 71-jir ahayd oo lagu magacaabayay Lois, ayaa Iyana meydkeeda lagu qariyay boorsooyin, dermo iyo maryo la isku raseeyay.

Hooyada ayaa lagu garaacay dubbe, sidoo kale waxaa lala dhacay toorreey, ugu danbeynna gabadheeda ayaa ku sumeysay daawooyin badan oo ay u qooshtay.

Gabadha lagu magacaabo Virginia oo 36-jir ah, ayay maxkamadda Chelmsford Crown Court, ku xukuntay xabsi daa’in kaas oo ah dilkii ay u geysatay waalidiinteeda.

“Daahyada ayaa markasta ahaa kuwo dagsan mana la arki karin in qof u uku jiro guriga,” ayuu yiri Phil Sargeant, oo deris la ahaa McCulloughs muddo 20 sano ah.

Mr Sargeant hadda wuu ogaaday sababta gurigaan dariska la ah uu u xirnaa.

“aad ayay iigu adag tahay in aan maqlo warka ah Virginia waxay dishay waalidkeed,” ayuu raaciyay.

“waxay lahayd dareen farxad ay ku dheehantahay, way kaftan badneyd, iyadu waxa ay ahayd qof ixtiraam badan, waxay lahayd shaqsiyad qarsoon oo kaftan badan.”

waalidiinta Virginia McCullough

Xigashada Sawirka, Family handout

Qoraalka sawirka, waalidiinta Virginia McCullough
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Sebtembar 2023, kooxda ilaalada ee golaha deegaanka Essex, ayaa xiriir la sameeyay booliiska Essex.

Qof dadka waayeelka ah xannaaneeya ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ay ku suganyihiin John iyo Lois, waxa uuna sheegay in muddo uusan arkin uuna ka mururgsanyahay daryeelkooda.

Waalidiintaan maqnaashahooda waxaa sharraxaad ka bixisay gabadhooda waxa ayna cudur daar ka bixisay xilliyada ballanta in la waayay iyadoo isku dayaysay inay baabi’iso baadigoobka loogu jiro.

Balse waxaa jirta xaalad u suurtagalisay cudur daarkeeda sababtoo ah xilligaas dalka waxa uu ku jiray xannibaad ka dhalatay caabuqii COVID-19.

Balse booliiska oo dhowr jeer weydiiyay halka ay ku maqanyihiin waalidiinta ayaan helin jawaabo cadeyn wata oo lagu qanci karo.

Alan Thomson, oo talafashin ka qaatay McCulloughs, ayaa sidoo kale qabay tuhun arrinkaan la xiriira.

Markii ay guriga yimaadeen shaqaalihii ka socday Mr Thomson, si ay u soo qaadaan talafashinka waxaa loo sheegay inaysan guriga soo galin, waxaana TV-ga loogu soo diyaariyay albaabka hore.

"Waxaan dareemay in laga yaabo inay tahay qof fantasist ah, laakiin sinaba uma malaynayn inay tahay gacan-ku-dhiigle," ayuu yiri.

Virginia McCullough

Xigashada Sawirka, Essex Police

Qoraalka sawirka, Dukumiintiyo guriga laga helay

Markii ay booliisku guriga weerarayeen, ma ahayn markoodii ugu horreysay oo ay booqdaan.

Toddobaadyo ka hor inta aan meydka la helin haweeneyda ayaa saraakiisha ku martiqaaday gudaha guriga si ay ugala hadasho kiiska.

Dukumiintiyo laga helay guriga dhexdiisa ayaa muujinaya in haweeneyda ay isku dayaysay sidii ay waalidiinteeda uga qarin lahayd lacago ay qarineysay.

Sidoo kale waxa ay ku takrifaleysay hantidooda iyadoona kirada gurigeeda ku bixijirtay lacagaha waalidkeed, dhanka kale waxa ay deymo ku qaadan jirtay magacyada waalidkeed.

Waxa ay ahayd aqoonyahanad qorsheeneysay in farshaxanka ay meel sare ka gaarto si ay dhaqaale badan uga sameyso.

Balse taa badalkeed waxa ay guraneysay dhaqaalaha waalidkeed iyada oo is dabamarineysa xogta iyo siyaabaha ay adeegsato.

McCullough, waxa ay qarash gareysay £149,697 lacagta dalkeeda ah waxa ayna lacagtaas isticmaaleysay waalidkeeda inta ay noolaayeen iyo kadib marka ay dishay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale la horgeeyay xog sheegeysa inay £21,000 ku bixisay khamaar lagu ciyaaro internet-ka sanadihii u dhaxeeyay 2019 illaa 2023.

Caddeymo iyo xogo la xiriira kiiskaan kadib haweeneydaan ayaa qiratay inay si kas ah u dishay waalikeed.