Hadar Goldin: Waa kuma ninka ay meydkiisa Xamaas u celisay Israa'iil 11 sano kadib?

Hadar Goldin smiles into the camera

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sarkaalkii IDF Hadar Goldin ayaa lagu dilay Qasa sanadkii 2014
    • Author, George Wright and Andre Rhoden-Paul

Israa'iil ayaa heshay maydka Lt Hadar Goldin, oo ahaa askari lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Xamaas ku qaadday 2014, kaas oo ilaa waagaas maydkiisa lagu hayay Qasa.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in Lt Goldin, oo 23 jir ahaa markii uu dhintay, si rasmi ah loo aqoonsaday oo hadda la aasi doono. Waxa uu ifka kaga tagay waalidkiis, walaashii, laba wiil oo walaalihiis ah, iyo gabadh ay isku doonanaayeen.

Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa sheegay shalay oo Axad ahayd ay ku wareejiyeen Israa'iil maydka Lt Goldin, taasoo qayb ka ah heshiis xabbad-joojinta.

Xamaas ayaa hadda dib u soo celisay dhammaan 20-ka la haysteyaal ee nool, iyo 24 ka mid ah 28 ka la haystayaashii dhintay iyada oo loo marayo wejiga koowaad ee heshiiska.

Axaddii, aabbaha Lt Goldin Simcha Goldin ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: "Guushu waxay ka dhigan tahay inaan gurigeyga keeno la haystayaasha iyo inaan askarteenna keenno Israa'iil."

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Isaac Herzog ayaa labaduba sheegay in sawirka Lt Goldin ay ku hayeen xafiisyadooda 11-kii sano ee la soo dhaafay.

Netanyahu wuxuu yiri "kama aan quusan" in aan gurigiisa keeno.

"Waan garanayaa xanuunka uu qoyskiisu soo maray, waan ogahay hilowga soo laabashadiisa ee midaysay reer Israa'iil, maantana waxaan ka midaysannahay inaan ugu dambayntii u soo dhoweyno waalidkii, qoyskiisa, qabri ku yaalla Israa'iil."

Dadaallo lagu soo celinayo Lt Goldin "waxaa ku lug lahaa dadaallo sirdoon oo ballaaran, oo ay barbar socdaan dhaqdhaqaaqyada howlgallada ee dhulka" tobankii sano ee la soo dhaafay iyo intii lagu jiray labadii sano ee ugu dambeeyay ee uu socday dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas, Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sidaa yiri.

Milatarigu waxa ay sheegeen in ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ayna wadaan dadaal kasta oo ay ku doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan dhammaan la haystayaashii dhintay, waxaana ay diyaar u yihiin sii wadidda fulinta heshiiska".

Herzog wuxuu sheegay in dowladdu "ay sii wadi doonto inay si aan joogsi lahayn u howlgasho " si ay guriga ugu soo celiso dhammaan la haystayaasha.

Afarta la qafaashay ee weli ku haray Qasa, ayaa saddex ka mid ah ay yihiin Israa'iili, midna uu u dhashay Thailand.

Gaariga Red Cross

Xigashada Sawirka, Reuters

Waa kuma Goldin?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Lt Goldin, oo ka soo jeeda Kfar Saba, waa la haystaha keliya ee dhintay oo haraagiisii ​​lagu haystey Qasa ka hor weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay 7dii Oktoobar 2023 ee Israa'iil, kaas oo dhaliyey dagaalkii ugu dambeeyey.

Waxaa lagu dilay dagaal 1-dii Agoosto 2014, muddo aan dheerayn ka dib markii ay bilaabatay xabbad-joojin dagaalkii sannadkaas ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas. Waxa uu ka mid ahaa askar Israa'iiliyiin ah oo gaaf wareegayay dhul beeralley ah oo u dhow Rafax ee koonfurta Qasa, markaasoo ay weerareen koox ka tirsan dagaalyahannada Xamaas.

Milateriga Israa'iil ayaa go'aamiyay in Lt Goldin lala dilay labo askari oo kale kaddib israsaaseyn dhexmartay, waxaana maydkiisa ay dagaalyahannada Xamaas ku jiideen god dhulka hoostiisa ah.

Milateriga Israa'iil ayaa soo daayay awood aad u badan si ay isugu dayaan in ay ka hortagaan Xamaas in ay afduub ahaan u haystaan ​​Lt Goldin. Tiro badan oo rayid ah oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeynta Rafah, oo socotay afar maalmood, oo ay ku jirto markii Lt Goldin lagu dhawaaqay inuu dhintay.

Sagaal sano ka dib, milatariga Israa'iil waxa ay Qasa ka bilaabeen olole ay kaga jawaabayaan weerarkii 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo ay Xamaas hoggaaminaysay ayna ku dileen ilaa 1,200 oo qof koonfurta Israa'iil 251 kalena ay qafaasheen.

Ugu yaraan 69,176 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil ee Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, oo tiradeeda Qaramada Midoobay ay u aragto in la isku halayn karo.

Intii lagu guda jiray wejiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee uu garwadeenka ka ahaa Mareykanka, Israa'iil waxay xabsiyadeeda ka sii deysay 250 maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo 1,718 maxbuus oo ku xirnaa Qasa.

Ka hor inta aan la soo celin maydka Lt Goldin, Israa'iil waxa ay sidoo kale wareejisay maydadka 300 oo Falastiiniyiin ah oo ay ku beddelatay 20 la heyste oo Israa'iili ah oo ay Xamaas soo celisay, oo ay la socdeen saddex qof oo ajnabi ah oo mid ka mid ah uu u dhashay Thailand, mid Nepal u dhashay iyo mid u dhashay Tanzania.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la kordhiyo mucaawinada la siinayo Marinka Qasa, in ciidamada Israa'iil ay qayb ka noqdaan, iyo in la joojiyo dagaalka, inkasta oo ay rabshado ka dhaceen iyada oo labada dhinacba midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay heshiiska.

Sabtidii magaalada Qasa, labo qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay rasaas ay Israa'iil ridaysay. Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in labo qof ay ka gudbeen xariiqda jaallaha ah ee calaamadda u ah xarriiqda maamulka Israa'iil ayna soo wajahday "khatar degdeg ah".

Dhinaca kale, hal qof oo Falastiini ah ayaa lagu toogtay Qasa oo ay Israa'iil rasaas ku fureen mid kalena waa la dhaawacay Sabtidii, sida ay sheegeen dhakhaatiirta maxalliga ah iyo militariga Israa'iil.

Saraakiisha caafimaadka Qasa ayaa sheegay in qofka dhintay uu ku dhintay dab ay Israa'iil ka fulisay bariga xerada Bureij ee bartamaha Qasa. Badbaadiyeyaasha difaaca madaniga ah ayaa sheegay in qof Falastiini ah uu ku dhaawacmay rasaasta Israa'iil ee Khan Younis.

Howlgallada militari ee Israa'iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 241 qof tan iyo markii ay bilaabatay xabbad joojinta, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qasa.