You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Walaalaha xijaabka hoostiisa kasoo heesa iyagoo ku nool dal aysan haweenku xorriyad ku heysan
Iyadoo dunidu ay eegeysay soo rogaal-celinta Taliban ee xukunka Afghanistan bishii August 2021, labo gabdhood oo walaalo ah kuna nool Kabul ayaa ka mid ahaa malaayiin haween ah oo dalkaas ku nool kuwaasoo si toos ah u dareemay in maamulka cusub oo ciriiri gelin doono.
Waxay go’aansadeen inaysan iska eegan karin, waxayna bilaabeen inay si qarsoodi ah u adeegsadaan codkooda si ay uga hor yimaadaan kooxda.
Iyagoo naftooda khatar weyn geliyay, waxay baraha bulshada ka bilaabeen dhaqdhaqaaq heesaha ah oo loogu magac-daray the Last Torch (Tooshkii ugu Dambeeyay).
"Waanu heesi doonnaa balse nolosheenna ayay khatar gelin doontaa," ayay muuqaal ay soo duubtay ku tiri mid ka mid ah, kahor inta aysan bilaabin heesta.
Waxaa lasii daayay bishii August 2021, maalmo uun kadib makrii ay Talib xilka la wareegtay, si degdeg ah ayayna heestu caan uga noqotay baraha Facebook iyo WhatsApp.
Iyadoo aan wax muusiko ah la dul saarin, gabdhaha – oo xijaab gembis ah xiran si ay isu qariyaan – ayaa astaan muusiko noqday.
"Dagaalkeenna ayaa ka billowday Taliban," ayay tiri Shaqayeq (ma aha magaceeda saxda ah), gabadha ugu yar kooxda.
"Kahor inta aysan Taliban xilka la wareegin, weligeen ma aynaan qorin hal gabay. Tani waa waxa ay Taliban nagu sameeyeen."
Kadib markii ay xukunka kusoo laabteen, waxay Taliban ku qaadatay wax ka yar 20 maalmood inay Afghanistan ka dhaqan-geliyaan aragtidooda gaarka ah.
Kusoo rogidda shareecada Islaamka ee nolosha maalinlaha ah iyo in haweenka ka laga xannibo waxbarashada ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ay ahmiyadda siiyeen. Haweenka ayaa waddooyinka Kabul iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ku dibad-baxay si ay uga hor yimaadaan, balse waxay wajaheen ugaarsi ba’an.
"Haweenku waxay ka mid ahaayeen iftiinkii ugu dambeeyay ee rajada ee aan arki karnay," ayay tiri Shaqayeq.
"Taasi waa sababta aan u go’aansannay sii wadidda dagaalkeenna iyaga barbar socda iskuna magacaabeyna Tooshkii ugu Dambeeyay. Innagoo ku fekereyna inaynaan awoodi doonin inaan meel aadno, ayaan go’aansannay inaan bannaanbax qarsoodi ah ka billowno gurigeenna."
Labadooda ayaa kadib soos aaray heeso, iyagoo kasoo hoos heesaya xijaabbada buluugga ah ee gembiska ah, si la mid ah heestoodii hore.
Mid ka mid ah waa gabayga caanka ah ee abwaanaddii geeriyootay Nadia Anjuman, oo ka bannaan-baxday makrii ugu horreysay ee Taliban ay xukunka qabsatay sanadkii 1996.
Sidee baan uga hadli karaa malab anigoo afkeygu ka buuxo sun?
Alas afkeygu waxaa lagu jebiyay feer cadowtinnimo ah …
Alla maalinta aan jebinayo xabsiga qafilan,
Ka xoroobayo go’doomintan farxadna la heesi doono.
Iyadoo Taliban ay mamnuucday waxbarashada haweenka, ayay Nadia Anjuman iyo saaxiibbadeed waxay ku kulmi jireen iskuul dhulka hoostiisa ah, oo lagu magacaabo The Golden Needle, halkaasoo ay iska dhigi jireen inay wax ku tolan balse taas beddelkeed buugaag ayay akhrin jireen. Waxay iyagana sidoo kale xiran jireen xijaab buluug ah, oo Afghanistan looga yaqaanno chadari.
Labada walaal tan weyn, Mashal (sidoo kale maaha magaceeda saxda ah), ayaa xijaabka burka la barbar dhigeysa "xabsi wareega".
"Waa sida qabri halkaasoo riyooyinka kumannaan haween iyo gabdho ah lagu aaso," ayay tiri.
"Xijaabkan burka waa sida dhagax ay Taliban-ku ku tureen haweenka 25 sano kahor," ayay Shaqayeq intaa ku dartay. "Mar kale ayayna sameeyeen markii ay xukunka ku soo laabteen.
"Waxaan dooneynay inaan adeegsanno hubkii ay inoo adeegsadeen, si aan isaga caabinno xayiraadahooda."
Gabdhaha walaalaha ah ayaa keliya sii daayay toddoba hees ilaa iyo haatan balse mid walboo ka mid ah waxay aad ula xiriirtaa haweenka dalkaas. Waxay ku bilaabeen adeegsiga gabayada dadka kale, balse waxay gaareen heer "uusan gabayna sharrixi karin waxaan dareennay," ayay tiri Shaqayeq, sidaa darteed waxay bilaabeen inay kuwo u gaar ah sameeyaan.
Hal ku dhigyadooda waa xannibaadaha ba’an ee la dul dhigay nolosha maalinlaha ah ee haweenka, xabsi gelinta dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka iyo carqaladeynta xuquuqda bani’aadamka.
Dadka taageerayaasha u ah ayaa ku jawaabay inay baraha bulshada soo dhigaan heesaha oo ay iyaga ku luqeynayaan. Meelaha qaar waxay sidoo kale xirteen burka iyagoo si qarinaya, halka koox ka mid ah iskuulleyda Afghanistan ee bannaanka dalkaas ku nool ay masraxa iskuulka kusoo bandhigeen heesaha.
Tani waa caksiga waxa ay Taliban dooneysay inay ku guuleysato.
Mid ka mid ah tallaabooyinkooda kadib markii ay xilka la wareegeen waa inay meesha ka saareen Wasaaradda Arrimaha Haweenka, iyagoo ku beddelay wasaarad dhaqanka dhowreysa. Wasaaradda cusub ayaan keliya xoojin xirashada burka, balse waxay sidoo kale cambaareeyeen muusikada oo ay sheegeen in lagu burburinayo aasaaska Islaamka.
"Heesidda iyo dhegeysiga muusikada aad bey u dhib badan tahay," ayuu yiri Sawabgul, oo ah sarkaal kasoo muuqday mid ka mid ah muuqaallada wasaaradda. "Waxay dadka ka weecineysaa ducooyinka Alle ... Qof walba waa inuu ka fogaadaa."
Wax yar kadib waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallada askarta Taliban, oo gubaya qalabka muusikada isla markaana saf gelinaya fannaaniin lasoo xirxiray.
Intiiba Shaqayeq iyo Mashal ay sii wadeen in gurigooda Afghanistan ay heesaha gurigooda kasii daayaan waxay u bareerayeen khatar weyn.
Shaqayeq ayaa sheegtay in habeenno badan aysan hurdin iyadoo ka fekereysa in Taliban ay ka warhelin doonaan.
"Waxaan hanjabaadahooda ku aragnay baraha bulshada: 'Markaan idiin helno, waanu naqaannaa sida aan carrabkiinna uga saarno qoortiinna,'" ayay tiri Mashal.
"Waaliddiinteennu way baqaan mar walba oo ay akhriyaan faallooyinka laga bixiyo. Waxay dhahaan malaha intan baa ku filan waa inaan joojinnaa... Balse waxaan u sheegnaa ma sameyn karno, masii wadan karno nolosheenna caadiga ah."
Ammaankooda dartiis, walaalahan ayaa sanadkii hore ka tegay dalkooda balse waxay rajeynayaan inay dhowaan soo laaban doonaan.