You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa ka jira in kuwa ugu garaadka yar ay isku arkaan inay dadka ugu caqli badan yihiin?
Aqoonyahannada cilmu-nafsigu waxay muujiyeen in aadmigu ku liito aqoonsiga awooddooda, laga bilaabo kaftanka ilaa naxwaha afka. Kuwa wax ugu liita ayaa sidoo kale ah kuwa ugu garashada yar in ay waxaas ku liitaan.
Wada caqli baad tahay sow maaha? Weliba xariif ah oo shactiroolana ah. Dabcan waa tahay, sida anigaba. Balse sow ceeb ma aha haddii aynu qaldannahay? Dhaqaatiirta cilmu-nafsigu waxay soo saareen in aynu ka indho la’nahay guuldarradeenna in ta aynu ognahay in ka badan.
Tani waxay sharxi kartaa sababta qaar ka mid ah dadka aan kartida lahayn ay aad ugu carqaladeeyaan arrimaha garaadka u baahan, iyo sidoo kale waxay ku durayaan qaddar caafimaad oo is-hoosaysiin ah oo ku aaddan dareenkeenna is-tixgelinta shakhsiyadeed.
Sannadkii 1999 kii waxay Justin Kruger iyo David Dunning oo ka socda jaamacadda Cornel ee New York baareen in dadka aan lahayn karaanka ama xirfadda wax, ay sidoo kale la’yihiin ogaanshaha aqoon ama kari waagooda ku aaddan waxaas.
Billowgii warqaddooda cilmi-baarista waxay tusaale u soo qaateen tuug bangi dhacay, oo lagu magacaabo McArthur Wheeler, kaasoo la xiray sannadkii 1995-tii wax yar ka dib markii uu dharaar cad dhac u geystay labo bangi isaga oo aan xiran maaskaro ama aan wejigiisa qarin.
Markii ay booliisku tuseen muuqaalka kamarada amniga, wuxuu ku mudaaharaadayay "Laakiin waxaan ismariyey cabitaanka". Dambiilaha aan faraxsanayn ayaa aaminsanaa in haddii aad wajiggaaga ku xoqdo liin dhanaanta aad noqon doonto mid aysan arki karin kamaradaha amniga.
Kruger iyo Dunning waxay xiisaynayeen inay tijaabiyaan nooc kale oo arrin qosol ah. Waxay ka codsadeen xirfadley majaajileysteyaal ah inay qiimeeyaan 30 kaftan oo madadaalo ah. Kadib, 65 arday oo jaamacadeed ayaa laga codsaday inay sidoo kale qiimeeyaan kaftanka, ka dibna ay u qiimeeyaan sida ugu wanaagsan ee aragtidoodu ula mid tahay kuwa xirfadlayaasha ah. Waxaa kale oo la waydiiyay heerka ay u malaynayeen in ay qiimeyntoodu gaarsiisan tahay.
Sida aad filan karto, dadka intooda badani waxay u maleeyeen in awooddooda qiimayntu waxa qosolka leh ay ka sarrayso dadka intooda badan. Si kastaba ha ahaatee natiijooyinku waxay ahaayeen kuwo xiisa badan marka loo kala qaybiyey iyada oo lagu qiimeynayo sida ay u kala jawaabo fiicnaayeen.
Kuwa wax yar ka sare maray dadka caadiga ah marka la eego kartida ay u leeyihiin inay qiimeeyaan kaftanka ayaa sidoo kale aad ugu saxsanaa qiimeynta heerkooda, halka kuwa ugu jawaabaha saxsanaa ay u maleynayeen in ay xoogaa ka sareeyaan dadka caadiga ah.
Ka qaybgalayaasha ugu liitay dhanka qiimenyta waxa qosolka leh ayaa sidoo kale aad ugu liitay qiimenta heerkooda garasho marka la eego (qiimenta xirfadleyaasha kaftanka).
Natiijooyinkani ma ahayn kuwo isku dayaya in lagu cabbiro sida uu qofku dareemayo ee u gaarka ah marka uu wax qosol leh la kulmo.
Cilmi-baadhayaashu waxay ku celiyeen tijaabada, iyaga oo markan qiimeynaya heerka sababaynta dadka iyo naxwaha afka. Cutubyadani waxay qeexeen jawaabo, xaalad kastana waxay heleen qaab isku mid ah: Dadka ugu garashada xumaa ayaa sidoo kale ahaa kuwa ugu xun ee qiyaasidda kartidooda. Seddexda daraasadoodba, kuwa tijaabada sababaynta iyo naxwaha ka galay kaalinta ugu hooseysa ayey sidoo kale aad ula sarreysay kartidoodu iyaga oo isku qiimeeyay in ay dadka intiisa badan kaga sarreeyaan sababaynta iyo naxwahaba.
Daraasad dambe oo la sameeyay, ka-qaybgalayaasha ugu liitay ayaa weli ku guul-darreystay inay gartaan inay halka ugu hooseysa ka galeen tijaabada xitaa marka la tusay jawaab-celin ku saabsan waxqabadka kuwa kale.
Fasiraadda Kruger iyo Dunning ayaa ah in si sax ah loo qiimeeyo heerka xirfadda ay ku tiirsan tahay qaar ka mid ah awoodaha asaasiga ah ee run ahaantii fulinaya isla xirfaddaas, sidaas darteed kuwa ugu hooseeya ayaa la kuolma laba guul darro. Ma aha oo kaliya inay yihiin kuwo aan karti lahayn, laakiin waxay la' yihiin awood maskaxeed oo lagu qiimeeyo karti-darrada iyaga u gaar ah.
Baaritaankii ugu dambeeyay ee muhiimka ahaa waxay Kruger iyo Dunning tababareen koox hawl-wadeenno ah oo ku liitay hawlaha sababaynta u baahan. Tani waxay wanaajisay is-qiimaynta ka qaybgalayaasha, iyada oo soo jeedinaysa in heerka garaadku uu saameeyo awoodda is qiimenta.
Cilmi-baadhis kale ayaa muujisay in saamayntan "ka war hayn la’aanta garasho yaridu" ay ku hayso xaaladaha nolosha dhabta ah, ma aha oo kaliya tijaabooyinka shaybaarka aan la taaban karin. Tusaale ahaan, ugaarsadaha ugu aqoonta yar hubka ayaa sidoo kale leh aragtida ugu khaldan ee aqoonta uu hubka u leeyahay, iyo dhakhaatiirta leh xirfadaha wareysiga bukaan-socodka ee ugu liidata ayaa ah kuwa ugu xun inay aqoonsadaan tayo yaridooda.
Waxa loo yaqaan cilladda ‘Dunning-Kruger’ ayaa tusaale u ah waxa ay cilmi-nafsigu ugu yeeraan ‘metacognition’ - ka fikirka fikirka laftiisa. Tani waa sidoo kale arrin loo baahan yahay in ay innagu kallifto in aan dib uga fikirno waxa aan ka aaminsannahay nafteenna. Cilladdani waxay sharxi kartaa waxyaabaha qaldan ee saaxiibadaa ay naftooda ka aamin sanyihiin . Laakiin ka hor inta aanad bilaabin inaad si qarsoodi ah u gasho, kaliya hal shay xasuusonow. So waliba oo aad u moodeyso in aadan cilladdan qabin waxaa laga yaabaa inaad dhex dabaalanayso jaahilnimo aad ku faraxsan tahay.