Muxuu hogaamiyaha masiixiyiinta booqashadiisii ugu horreysay uga bilaabay dalkan Muslinka ah ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Jaleecada hore, ma jiraan calaamado badan oo muujinaya in magaalada deggan ee Iznik ee Türkiye, oo qiyaastii laba saacadood u jirta Istanbul, ay ahayd magaalo qadiimi ah oo wax ka beddeshay habka taariikhda.
Kaliya waxay qaadataa nus saac in lagu dhex lugeeyo magaaladan yar oo ay ku nool yihiin 45,000 oo qof, iyagoo maraaya jidad ciriiri ah oo qurxoon, kuwaas oo balakoonadooda ay ka buuxaan ubaxyo.
Marka laga gudbo waddooyinkaas oo la gaaro xeebaha harada Iznik, oo ku taal dhinaca kale ee magaalada, weli waxaa jira calaamad yar oo muujinaysa in tani ay mar ahayd mid ka mid ah caasimadaha boqortooyooyinkii Byzantine iyo Cusmaaniyiinta.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada oo mar loo yaqaan Nicaea, ayaa martigelinaysa Pope Leo XIV, hogaamiyaha kaniisadda Katooliga, safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay May 2025.
Ujeedada ugu weyn ee safarkan ayaa ah in Baadarigu uu ka soo qayb galo xaflada Bartholomew oo ah Baadariga Constantinople iyo madax kale oo Masiixiyiin ah oo lagu xusayo sannad-guuradii 1,700aad ee Golaha Koowaad ee Nicaea, taas oo la qabtay 325 AD.
Safarka ayaa markii hore loo qorsheeyay in uu ku tago halkaasi Pope Francis, oo dhintay bishii Abril. Ka dib dhimashadiisa, booqashadan dib ayaa loo dhigay.
"Mid ka mid ah boogaha ugu qoto dheer ee Kaniisadda maanta waa in annaga Masiixiyiinta ah aan u kala soocnay midba iyo waxa kale kale," Pope Leo XIV ayaa ku yiri wareysi la daabacay Sebtembar.
Waxa uu sheegay in uu si gaar ah u taageersan yahay xuska golaha Nicaea sababtoo ah waxa uu u arkaa mid ka dhexeeya qaybaha kala duwan ee diinta Misiixiyiinta.
Leo XIV waa baadarigii shanaad ee booqda Turkiga. Ma jiro tirokoob rasmi ah oo laga sameeyay tirada dadka Masiixiyiinta ah ee ku nool dalka, balse warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka 2023, oo ku salaysan bulshooyinka Masiixiyiinta ah, ayaa tiradooda lagu qiyaasay 150,000.
Baadariga ayaa lagu wadaa inuu magaalada Ankara kula kulmo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Laakiin Maxay magaaladan goob muhiim ah ugu tahay Masiixiyiinta?
Waqti muhiim ah

Xigashada Sawirka, Ali Atmaca/Anadolu Ajansı/Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jawaabta su'aashan waxay ku beegan tahay qarnigii afraad ee AD, markii "Golaha Koowaad ee Nicaea" la qabtay.
Waqtigaas, Boqortooyada Roomaanka waxay fidday min Scotland ilaa badda cas iyo Morocco ilaa saxaraha casriga ah ee Suuriya, Urdun iyo Ciraaq.
Waxaa madax ka ahaa Constantine the Great, oo ahaa boqorkii ugu horreeyay ee Masiixi ah.
Waxa uu Masiixiyiinta siiyey xuquuqaha sharciga ah ee ugu dhammaystiran tan iyo dhimashadii nebi Ciise saddex qarni ka hor, isaga oo u oggolaaday inay si furan u cibaadeystaan.
Constantine wuxuu rabay inuu qabto shir wadaaddada si loo xalliyo khilaafaadka caqiidada. Golihii 325 AD waxa uu noqday isbedel ku yimid taariikhda Roomaanka iyo Kiristaanka.
Turhan Kacar, oo ah taariikhyahan ka tirsan jaamacadda Mugla Sitki Kucman, ayaa BBC-da laanteeda afka Turkiga u sheegay in culimadu ay markii hore qorsheynayeen in ay isugu yimaadaan magaalada Ankara ee casriga ah, balse Constantine ayaa warqad uu soo qoray ku amray in ay aadaan Nicaea.
Sida laga soo xigtay Cachar, Constantine wuxuu rabay inuu shakhsi ahaan hogaamiyo golaha: "Waxa uu ka ogaa kulamadii hore ee kaniisadaha in haddii hoggaamiyaha kiniisaddu keligood laga tago, ay isku dhici doonaan."
Taariikhyahanku wuxuu sheegay in isagoo qabtay Golaha Nicaea, Constantine wuxuu u beddelay diinta sidii"qalab ay adeegsato dawladda": "Markii hoggaamiyaha kiniisaddu tageen Nicaea, waxay ahaayeen wakiillo ka socda bulshooyinkooda, laakiin markay ku noqdeen magaalooyinkooda, waxay ahaayeen wakiillo ka socda dawladda."
Paolo Raffaele, oo ah madaxa Kaniisadda Katooliga ee St. Stephen ee Istanbul, ayaa sidoo kale aaminsan in golaha la qabtay markii "kaniisaddu ay bilowday inay la shaqeyso dawladda."
Waxa uu BBC-da u sheegay in goluhu uu door muhiim ah ka qaatay qeexidda caqiidada aasaasiga ah ee diinta Kiristaanka, isaga oo intaa ku daray in lagu heshiiyey in la qaato dabeecadda iyo habdhaqankii Ciise Masiix ee Nicaea.
Xuska sannad-guurada 1,700 ee golaha ayaa fursad u siinaya Masiixiyiinta inay u dabaaldegaan calaamad muhiim ah oo caalami ah oo kaniisaddaha ah.
Professor Kachar wuxuu xusay in waqtigii Golaha Nicaea, kaniisadaha Masiixiyiinta aan weli loo qaybin Catholic iyo Ortodoks, sababtaas awgeed, dhacdadan taariikhiga ah ayaa loo arkaa "madal midnimo" hoggaamiyeyaasha ruuxiga ah ee maanta.
Pope Leo XIV wuxuu qaban doonaa isu soo bax diimeed oo la filayo inay yimaadaan ilaa lix kun oo qof Noofambar 29 wuxuuna u dhoofi doonaa Lubnaan maalinta xigta si uu u bilaabo lugta xigta ee safarkiisa.













