Madaxweynaha cusub ee Kenya iyo sida uu ugu dhaggan yahay diintiisa

Madaxwaynaha Kenya iyo barasaanka Nairobi

Xigashada Sawirka, DP OFFICE

William Ruto oo maanta oo Talaado ah loo dhaariyay xilka madaxweynaha Kenya, ayaa lagu tilmaamay in uu yahay madaxwayne ku adag dhanka diinta. Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa in shaqdiisa ay udub dhaxaad u noqon doonto arrimaha diinta, gaar ahaan madhabta uu haysto ee evangelical. Mr Ruto oo 55-jir ah ayaan ka xishoon inuu si fagaare ah u muujiyo caqiidadiisa, wuxuuna aad uga soo horjeedaa arrimo ay ka mid yihiin xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee is guursada iyo ilmo iska soo rididda.

Madaxwayne Ruto waxa uu aad u jecel yahay in uu soo xigto cutubyada ka mid ah kitaabka Masiixiyiinta, iyo in uu alle baryo oo xitaa mararka qaar ku ooyo goob fagaare ah. Intii uu ololaha ku jiray, dadkii ka soo horjeeday ayaa ku jees-jeesay caqiidada uu ku adag yahay.

Tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday kadib markii maxkamadda ugu sarreysa ay taageertay guushii uu ka gaaray doorashadii bishii hore waxay ahayd inuu jilba dhigto oo isaga iyo xaaskiisa Rachel iyo madax kale oo qolka ku sugnaa ay alle baryaan. Mr Ruto iyo xaaskiisa ayaa xitaa xarun kaniisad yar ka dhistay guriga ay ka degan yihiin xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.

William Rutoiyo xaaskiisa Rachel Ruto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bulshooyinka diimaha kala duwan ee Kenya ayaa guud ahaan ku wada nool nabad, waxaana madaxweynaha cusub uu sidoo kale taageero ka haystaa Muslimiin badan. Wadaadka lagu magacaabo David Oginde oo ka tirsan Isbaheysiga Evangelical ee Kenya ayaa sheegay in uu rajaynayo in xukuumadda Mr Ruto ay "u istaagi doonto qiyamka ayna ixtiraami doonto xaqiiqda ah in Kenya ay tahay bulsho diimeed." Kenya waa waddan ay ku nool yihiin dad haysta diimo kala duwan , iyadoo xitaa guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa Kenya, Martha Koome ay ku tilmaantay xukunka maxkamadda ee lagu xaqiijinayo guusha Ruto in ay ahayd "shaqada Ilaah" - oo aysan ahayn shaqada maxkamadda .

Intii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa, ayaa waxaa uu saameyn diimeed uu ku yeeshay madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta - oo haysta madhabta Catholic - arrintaasi oo aad u soo shaac-baxday muddu xileedkoodii kowaad. Waxaa arrintan si gaar ah loogu xusustaa markii labada masuul ay wajahayeen kiiskii rabshadihii doorashadii 2007 ee la geeyay maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC.

Madaxwaynaha xilka ka sii dagaya ee Uhuru Kenyatta iyo madaxwaynaha imika xilka la wareegaya William Ruto ayaa la arki jiray iyaga oo ku sugan kaniisadaha islamarkaana alle ka baryaya in kiiska maxkamadda alle ka badbaadiyo. Kiiskii ka dhanka ahaa madaxwayne Kenyatta ayay maxkamadu tuurtay sanaddii 2014-kii, halka kiiskii ka dhanka ahaan Mr Ruto la tuuray 2016. Waxa uu ka dhashay qoys haystay madhabta Protestant, balse Madaxweyne Ruto waxaa uu qaaday madhabta evangelical , iyada oo warbaahinta maxalliga ah ay daabacday sawirro isaga oo ah baadari kaniisadeed xilligii dhallinyarada ahaa. Xaaskiisa ayaa marar badan qabatay kulamo duco ah, waxaana Mr Ruto uu dhowr jeer ku tilmaamay in ay tahay qof diinta jecel islamarkana guusha siyaasadeed ee uu gaaray ay iyadu ka dambeyso. Aqoonsiga diimeed ee ololihiisa waxaa sii xoojisay madaxweyne ku xigeenka cusub ee Rigathi Gachagua xaaskiisa, Dorcas, oo iyadu sidoo kale mar ahayd baadari. Qiyaastii 85% Kenyaanka waa Masiixiyiin - 33% waxa ay haystaan madhabta Protestant, 21% Catholic, - halka qiyaastii 11% ay yihiin Muslimiin, marka loo eego tirakoobkii ugu dambeeyay, 2019. Macharia Munene oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda ayaa BBC-da u sheegay in Mr Ruto uu codsi u jeediyay masiixiyiinta dhammaan qeybaha kala duwan ee diinta ayna sabab u tahay guushiisa doorashada. "Mucaaridkiisa Raila Odinga ayaa qalad ku dhacay markii uu ka hadlayay diinta Masiixiga oo ku tilmaamay mid maskaxda ka xadaysa dadka iyo markii xaaskiisa Ida ay ka hadashay nidaaminta kaniisadaha. Dhammaan hadaladaas waxa ay Ruto fursad u siiyeen inuu codad badan helo ," ayuu yiri Mr Munene. Herman Manyora oo ah aqoonyahan ka faalooda siyaasadda ayaa dhankiisa sheegay in uusan la yaabi doonin haddii Mr Ruto uu u magacaabo hoggaamiyeyaasha diinta xilal kala dowladda, maadaama ay door muhiim ah ka ciyaareen ololihiisa doorashada.

"Si la mid ah intii uu xukunka hayay Madaxweyne Moi, waxay u badan tahay in kaniisaddu ay si weyn uga dhex muuqan doonaan maalmaha Axadda ," ayuu intaa raaciyay Mr Manora. Mr Ruto ayaa la filayaa in go'aan adag ka qaato arrinta dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Aqlabiyada shacabka Kenyanka ayaa haysta diinta masiixiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2015, booqasho uu xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ku taga Kenya ayaa Ruto waxa uu sheegay in dalka Kenya uu yahay " jamhuuriyad Alle caabuda, islamarkana aysan dalka boos ku lahayn dadka isku jinsiga ah ee is guursada. Wareysi uu guushiisa ka dib siisay telefishinka CNN ayuu ku sheegay madaxwayne Ruto in arrintan dadka isku jinsiga ah ee isguurada ay dadka Kenyanka go'aan ka gaari doonaan marka ay u arkaan in ay tahay arrin muhiim ah oo laga doodo. Mr Ruto ayaa waxaa uu sidoo kale caan ku yahay oo uu si aad ah uga soo horjeedaa arrimaha iska soo ridida caruurta. Madaxwayne Ruto ayaa dhanka kale taageero xooggan ka haysta Muslimiinta oo iyagu sidoo kale si wayn uag soo horjeedsaday xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee is guursada iyo ilma iska soo xaaqidda. Waxa uu helay taageero weyn doorashadii ka dib, markii xisbiga United Democratic Movement (UDM) - oo ay ku jiraan tobanaan hoggaamiyeyaal Muslimiin ah - ay ka soo baxeen isbahaysiga Mr Odinga, taasi oo Ruto fursad u siisay in uu helo aqlabiyadda baarlamaanka . Madaxwayne Ruto ayaa intii uu ololihiisa doorashada ku jiray waxaa uu ballanqaaday in uu kobcin doono dhaqaalaha dalka, uuna xal u raadin doono shaqa la'aanta baahsan iyo sicir-bararka. Mr Manyora ayaa sheegaya in madaxwaynaha cusub imika looga fadhiyo in uu fuliyo ballamihii uu qaaday. "Diinta Masiixiyada waa wax ay ku gabadaan oo ay isticmaalaan hogaamiyayaal badan oo adduunka ah si ay u helaan awood, marka ay xukunka qabtaanna wax walba way isbedelaan," ayuu yiri.