Kenya oo qaan hor leh qaadan rabta xilli dalku maaro u la' yahay si uu isaga bixiyo balaayiin doolar oo dayn ah

Ruto

Xigashada Sawirka, BBC/Getty

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in dalkiisu uu baahan doono in uu lacag badan soo amaahdo si dawladdu u sii shaqayso, kadib markii la diiday miisaaniyad qorshahu ahaa in lagu aruuriyo lacag canshuur ah oo aad u badan.

Madaxwaynaha ayaa ku dhawaaqay arbacadii la soo dhaafay in uu hakin doono miisaaniyadaas kadib banaabaxyo dhiig ku daatay oo dalka ka socday dhawr maalmood, kuwaas oo kolkii dambe sababay in dab la qabadsiiyo aqalka baarlamaanka Kenya.

Balse Axadii ayuu sheegay in joojinta miisaniyadaasi ay laba sano gadaal u riday dalka, isaga oo sheegay in ay adag tahay in la aruuriyo canshuuro dheeraad ah xilli dalku wajahayo culusyo daran oo daymo ah.

Waxa uu sheegay in tani la macno tahay in Kenya ay u baahan doonto in ay soo amaahato ilaa $7.6 bilyan oo doolarka Maraykanka ah”.

Amaahdaan ayaa waxay ka sareysaa %67 boqolkiiba intii horay loo qorsheeyay.

Ciidan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laakiin waxa uu sheegay in uu ka fikiray in lacago laga jaro xafiisyada dawladda oo uu ka mid yahay xafiiskiisa, sidoo kale waxaa la yareyn doonaa lacagaha loo qoondeeyay garsoorka iyo maamul goboleedyada dalka.

Banaanbaxayaal badan oo ka soo horjeestay canshuurto la kordhinayay ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in lacagtaasi noqon leheed mid aan waxaba lagu qaban.

Cabshuuraha la kordhin rabay ayaa qorshahu ahaa in ay soo xareeyaan ilaa 350 bilyan oo lacagta Kenya ah, halka tan la amaahan rabay ay ahayd 600 oo bilyan oo lacag Kenya ah.

Sida laga soo xigtay madaxweynaha Kenya, canshuurta la soo jeediyay ayaa waxay qayb ka aheed qorshe la doonayay in culayska daynta looga kala yareeyo dalka Kenya oo dusha ay haatan u saran tahay dayn dhan $80 bilyan oo doolarka Maraykank ah. Ku dhawaad %60 dakhliga laga aruuriyo Kenya ayaa lagu gudaa lacagaha daynta ah.

“Waxaan aad isugu taxalujiyay inaan Kenya ka bixiyo dabinka daymeed ee ay ku dhacday…Dal ahaan waa ay noo fududahay inaan niraahno: ‘Aaan diidno misaaniyadda’ Waa caadi. Waanan sheegay inaan miisaaniyadda la noqoneyno, laakiin cawaaqib xun ayay keeni doontaa,” sidaas waxaa yiri madxweynaha oo weriyayaal la hadlayay habeenkii Axadda.

Ruto ayaa sidoo kale sheegay in miisaaniyadda la diiday ay saameyn ku yeelan doonto shaqaaleysiinta 46,000 oo macalimiin cusub oo dugsi sare ah kuwaas oo haatan haystay qandaasyo aan rasmi ahayn, iyo sidoo kale shaqaale caafimaad.

Banaanbax

Xigashada Sawirka, AP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu sheegay in dawladdu aysan awoodi doonin in ay taageerto waxsoo saarka caanaha, sokorta iyo beeraha qaxwada.

Laakiin waxa uu sheegay in uu tixgalin doono arimaha ay sheegeen dadka ka soo horjeestay miisaaniyadda sida in ay dhaqaale laga jaro xafiiskiisa, kan marwada koobaad ee dalka iyo sidoo kale xafiiska lamaanaha madaxweyne ku xigeenka.

Hadalka uu dhawaan jeediyay madaxweynuhu ee ku aadan amaahda cusub ee la qaadanayo ayaa waxa uu la kulmay dhaleecayn badan, kaas oo uu dhaqaaleyahanka lagu magacaabo Odhiambo Ramogi u sheegay BBC da in aysan ahayn arrin laga maarmi waayay in la qaato dentaan cusub oo Kenya “galin karta meel aad u jahwareer badan”.

Waxa uu sheegay in hadalkii madaxweynaha ee ahaa in la dhimi doona lacagaha xafiisyada dawladda uusan ahayn mid laga dhabeynayo, maadaama madaxweynuhu saxiixay lacago ku bixi doona sharciyada todobaadkii la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in baarkamaanku ay u baahan doonaan in ay dib u eegaan lacagtaas.

Waxaa sidoo kale jira dood tan la mid ah oo lagu hayo baraha ay bulshadu ku kulanto.

“Maxaan ugu baahanahy inaan soo amaahano hal tirilyan oo shilinka Kenya ah hadana aanan u shaqaaleyn Karin 46,000 oo macalimiin ah oo lacagta ku baxaysa ay tahay 18 bilyan oo shilin?” Qof Kenyan ah ayaa sidaas isku waydiiyay barta X ee horay loo oran jiray Twitter.

Ugu yaraan 23 ruux ayaa la dilay tiro intaas ka badana waa way ku dhaawacmeen sida ay sheegeen midow ay leeyihiin dhaqaatiirta Kenya intii ay socdeen dibadbaxyadu.