Dabacsanaanta madaxweynaha Kenya waxay muujineysaa awoodda dhalinyarada Afrika

Xigashada Sawirka, Shutterstock
Dhacdooyinkii horseeday in William Ruto uu meesha ka saaro qorshe-maaliyadeedkiisa ayaa haatan loo arki karaa wax weyn oo lagu guuleystay - keliya uma aha madaxweynaha Kenya balse sidoo kale waxay u tahay awoodda dhalinyarada qaaradda ay dadkeedu ugu da'da yar yihiin caalamka.
Dibadbaxyo ballaaran oo gudaha laga soo abaabulay, kana dhashay dhaqdhaqaaq ay baraha bulshada ka sameeyeen dhalinyaro ayaa ku qasbay mid ka mid ah madaxda caalamka loogu aqoonsan yahay inuu meesha ka saaro siyaasaddiisa ugu muhiimsan.
Ma aha in Mr Ruto uu haatan xaqiiqsaday inuu ku khaldanaa u ololeynta kordhinta canshuuraha carada badan ka dhalisay Kenya. Xaqiiqdii shalay ayuu bilaabay khudbad uu ujeediyay shacabka isagoo sidoo kale bixiyay sharraxaad ballaaran oo ku saabsan sababta uu rumeysnaa in loo baaha yahay in sidaas la sameeyo.
Dowladdiisa, ayuu sheegay, inay gaartay go'aanka qaraar ee muhiimka u ah xasilinta dhaqaalaha iyo inuu gacan ka geysto inuu Kenya ka saarko dabinka deynta ku qasbeysa in 61-kii senti ee halkii doollar ee canshuur ahaan loo qaadaba ay ku bixiso gudidda deymaha.
Hidise-sharciyeedka dhaqaalaha wuxuu ahaa mid muhiim ah, ayuu yiri, si "dalkeenna looga bixiyo degganaan la'aanta deynta oo aan madax bannaanideenna u ilaashanno".
Taas ayaa wax yaab leh ka dhigeysa in rabshadihii maalmahan socday ay ku qasbeen madaxweynaha inuu degdeg isu beddelo.
Intii uu dakhli dheeraad ah raadin lahaa, Mr Ruto wuxuu haatan doonayaa inuu la yimaado qorshe kale oo beekhaamin ah.
Waxaa sida la fili karo ka mid noqon kara dhimista kharashka ku baxa xafiiskiisa – tan oo ah wixii laga maqlay dadkii ku dibad baxayay dariiqyada.
Isagoo isku dayay inuu toos ula hadlo dhalinyarada Kenya, madaxweynaha ayaa ballan-qaaday inuu la hadli doono oo uu dhegeysan doono.
Mr Ruto ayaa ka hor hadlayay dad badan oo xildhibaannadiisa ay ku jiraan, kuwaasoo uu uga mahad celiyay inay taageereen hindise-sharciyeedkiisa. Qaar badan ayaa laga yaabaa in laga cafiyo sida go'aanka madaxweynaha u saameyn karo sumcaddooda.
Shaki kuma jiro in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay aad u dhaawacayeen madaxweynaha.
Ciidamadiisa ammaanka ayaa lagu cambaareeyay inay jawaab adag ka bixiyeen dibadbaxyadii Talaadadii kuwaasoo 22 qof la sheegay inay ku dhinteen, dhowr kalena ay booliiska dhaawaceen.

Xigashada Sawirka, Shutterstock
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wxa yar kadib dibadbaxyadii dhiiggu ku daatay Mr Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in falalkii dembi ee ka dhacay halkaas, isagoo ku hanjabay in jawaab adag laga bixin doono gelitaankii baarlamaanka iyo xatooyadii ballaarneyd ee dhacday.
Balse ka laabashada siyaasaddiisa ee shalay ayaa waxay sidoo kale la timid aqbalaadda ah in dibadbaxyada ay ka dhasheen muujin sax ah oo carada ay qabaan dadka ah.
"Waxay noqotay mid cad," ayuu yiri, "in xubnaha shacabka ay weli ku adkeysanayaan sida nalooga baahan yahay inaan wax badan ka tanaasulno".
"Waxaan maamulaa dowlad, balse sidoo kale waxaan hoggaamiyaa dad, dadkuna way hadleen."
Gudaha Kenya, su'aasha haatan waxay tahay in ay dadku rumeysteen in hindise-sharciyeedka dhaqaalaha ee uu Ruto meesha ka saaray ay tahay mid arrinta ku filan iyo in kale.
Dadka qaar ayaa maanta ku baaqay bannaanbaxyadu inay sii socdaan, iyagoo dalbanaya in madaxweynuhu is casilo.
Marka laga soo tago Kenya, Mr Ruto wuxuu is weydiin doonaa sida xasaraddan ay u saameyneyso sumcaddiisa caalamka.

Xigashada Sawirka, AFP
Qaar ka mid ah xulafadiisa diblomaasiyadeed ee ugu dhow iyo xoghayaha guud ee QM ayaa Kenya ka dalbaday inay ilaaliso xaqa ay dadku u leeyihiin inay si nabad ah u bannaan baxaan.
Cadaadiskaas ayaa laga yaabaa inuu door ka cayaaray kala duwanaanshaha qaab hadalkiisii Talaadadii iyo Arbacadii.
Wax walboo sababay isbeddelkiisa cusub, wax ka yar labo sano oo uu xilka hayo howsha haatan u taalla Ruto ayaa ah dib u dhisidda iyo dib u hanashada taageero.
Balse madaxweynaha Kenya ayaa haatan waxaa u taalla inuu la yimaado siyaasad dhaqaale taasoo u muuqata inuusan aaminsaneyn.
Balse dadka qaar ayaa aaminsan in guushan ay sababi karto feker cusub oo ah in lala loollamo maamulka madaxweynaha.
Sidoo kalena arrintan ay saameyn karto Afrika.
Sababtoo ah inkastoo isbeddelka Ruto ay ka dambeeyeen wax ka badan carada dhalinyarada, wuxuu garwaaqsaday in dhalinyarada Kenya ay ahaayeen kuwa xiisadda kiciyay.
Qaarad ahaan, Afrika waxay leedahay bulshada ugu da'da yar Afrika, iyadoo ku dhowaad rubuc dadkeeda ay ka yar yihiin da'da 35.
Qaar badan oo ka mid ah ayaa wixii shalay dhacay u arki doona inay caddeyn u tahay in haddii lala yimaado ka go'naansho ku filan, ay hoggaamiyeyaashooda ku qasbi karaan inay dhegeystaan codadkooda.













