Ruto inantiisii ma waxa ay Kenya ka noqotay sida inantii Trump?

Ruto iyo inantiisa

Xigashada Sawirka, William Ruto

Waa ilmaha labaad ee ugu weyn carruurta Madaxweyne William Ruto, waxayna isku sheegtay inay tahay Gabadha Koowaad ee Kenya, balse dadka isticmaala baraha bulshada ayaa weydiinaya sababta Charlene Ruto ay ula kulmaysa wasiirro badan oo dowladda ka tirsan, halkaa muddooyinkii u danbeeyey u baxaysay safarrada badan oo dibadda.

Muddo bilo ah tan iyo markii aabbaheed loo doortay madaxweyne, warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in Ms Ruto ay la kulantay mas'uuliyiin dhowr ah oo ka kala tirsan gobollada Kenya iyo sidoo kale wasiirro dibadda ah.

Walaac la mid ah kan ayaa soo baxay markii ugu horreysay ee la doortay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, xilligaas oo inantiisa Ivanka ay ka qeybgashay shirarkii aabaheed iyada oo aan ahayn lataliye rasmi ah. Mr Trump ayaa markii dambe Ivanka u magacaabay xil dowladeed oo rasmi ah.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 1

Khamiistii, Charlene Ruto ayaa Twitter-ka ku sheegtay in ay la kulantay wasiirka dhalinyarada ee Morocco, Mohammed Mehdi, iyada oo hadalka u dhigtay sidatan "wada sheekeysi iyo fikrado is dhaafsi taas oo wax weyn ka tari doona qaabeynta mashaariicda horumarinta dhalinyarada ee labada waddan," ayay ku soo dulqortay sawir ay ku wada jiraan iyada iyo wasiirku.

Dadka Kenyanka ah ayaa hadda is weydiinaya, yaa bixinaya kharasha shirarkan oo dhan, mase yihiin kuwo rasmi ah?

"4.4 milyan oo Kenyan ah ayaa wajahaya macluul, Charlene Ruto waxay u kala safraysaa gobollo iyo dalal iyada isticmaalaysa lacag qof kale leeyahay? Lacagtaasi maxay tahay? Ma waxaa leh canshuur bixiyayaasha Kenya? Kahor inta aynaan waydiisan dadka Kenyaanka ah deeq bixiyaan, miyayna ahayn inaynu ogaano sida ay dawladu u isticmaalayso dhaqaalihii ay hore ay u haysay?" ayuu qof ku soo qoray twitter-ka

BBC-da ayaa la xidhiidhay xafiiska madaxweyne William Ruto balse wali wax jawaab ah kama helin

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 2

Charlene ayaa dhalatay sagaashameeyadii, iyada waxbarashadeeda oo dhanna ku qaadatay gudaha dalka Kenya, xilli ay jaamacadda ka baratay warbaahinta iyo wada xidhiidhka, halka dhawr jeer shaqooyin la xidhiidha suuqgeynta iyo warbaahinta uga soo shaqaysay haayado kala duwan.