Arrin ku saabsan Farmaajo iyo Laascaanood oo labo jeer hadal-heyn ka dhalisay Soomaaliya

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha Sool iyo Sanaag ayaa in muddo ah jiray iyadoo ay horay ay deegaannadaas uga dhaceen dagaallo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Horay waxaa u soo baxay khilaaf siyaasadeed oo ka taagnaa qabashada doorashada kuraasta lagu matalayay gobollada Sool iyo Sanaag ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Bishii September ee sanadkii 2020-kii, dood cilmiyeed lagu qabtay magaalada Muqdisho oo su'aalo lagu weydinayay madaxweynihii Soomaaliya ee xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu uga gaabsaday in uu ka hadlo arrinta Sool iyo Sanaag.

Falcelinta Farmaajo ayaa markaas dhalisay hadal-heyn iyo dood ka dhex abuurtay bulshada Soomaaliyeed.

Maxay ahayd su'aasha?

Gabadh ka mid ahayd dadkii su'aalaha weydiinayay Farmaajo hor dhigtay weydiin ku saabsan sida loo maareynayo mataaladda labadaasi gobol.

"Mudane Madaxweyne, waxaan ku weydiinayaa, [gobollada] Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ka tirsan yihiin waddanka Soomaaliya, [beesha caalamka] waxay ku qoran yihiin in ay yihiin meelo lagu muransan yahay, ma garanayo dowladdeennu waxa ay aaminsan tahay.

"Dadkaas doorashadooda [qaabka loo sameeyay] waa hab aan la yaabanahay, xuquuqdoodi waxaa la raaciyay Somaliland, haddana siyaasiyiintoodii iyo doorashadoodii waxaa la raaciyay Puntland, sidey isu qaban kartaa? Maxay u noqon waayeen sida dadka Somaliland halkan loogu dooranayo?," ayey tiri Rooda.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka fal celinayay hadalkeeda ayaa yiri: "Su'aasha Rooda ee ay kaga hadashay doorashada Sool iyo Sanaag, way adag tahay, kama jawaabi karo, raalli iga ahow."

Dhawaan waxaa baraha bulshada lagu hadal hayay in madawxeyinihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan ka hadlin xaaladda Laascaanood maadama uu yahay shakhsi saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir, Cali Yare ayaa ka mid ah dadka arrintan ku hadal-hayay baraha bulshada.

Qoraalka Cali Yare

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii dambe madaxweynihii hore ayaa boggiisa Facebook uga hadlay markii ugu horreysay dagaalka Laascaanood, wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaadda.

"Waxaan si gaar ah murugada tacsida ula wadaagay Madax-dhaqameedka deegaanka oo aan khadka talefoonka kula hadlay, shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee awalba la daalaadhacayay colaadaha, maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dirirta,"ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ayuu Farmaajo boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu eedeyn ugu jeediyay Somaliland.

"Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ciidanka Somaliland ay ku laayeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool," ayuu yiri qoraalkiisa.

Sagaalkii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu Laascaanood ka socday dagaalka u dhaxeeyay ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo dadka deegaanka oo ay horkacayaan garaaddada.

Xaaladda Laascaanood

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

Qoraalka sawirka, Xaaladda Laascaanood

Dagaalka Laascaanood

Xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo ciidamada deegaanka Laascaanood ayaa cirka isku sii shareertay xilli uu dagaal ka socdo magaaladaas. Dad badan ayaa ku dhintay dagaalka halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, laakiin lama hayo tiro rasmi ah ee wadarta guud ee dadka ku waxyeeloobay.

Labada dhinaca midba midka kale ayuu ku eedeyanayay in uu dagaalka soo qaaday. Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa garaaddada ku eedeeyay inay dagaalka soo abaabuleen halka dhinaca kale garaadadu ay sheegeen in ciidanka Somaliland ay dagaal kusoo qadeen magaalada. Somaliland ayaa gacanta ku heysay Laascaanood wixii ka dambeeyay 2007dii markaas oo ay dagaal uga qabsatay dowlad goboleedka Puntland.

Waxaa isa soo taraya baaqyada ah in la joojiyo dagaalka. Maalmo ka hor ayey Somaliland ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac oo looga goolleeyahay in dagaalka lagu joojiyo, inkastoo aysan rasaastu joogsan.

Somaliland ayaa dagaalka ku eedeysay koox iyo dad kala duwan oo ay ka mid yihiin dowladda goboleedka Puntland, kooxda Al-Shabaab iyo xitaa ciidamada dowladda Soomaaliya. Se markii ugu horreysay eedeyn ku saabsan dagaalka Laascaanood u jeedisay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ku sheegay in dagaalkan ay qayb ka yihiin ciidamo lagu soo tababaray dalal kala duwan.

"Qorshaha lagu khalkhal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, uu ciidamo [ u diray] dalalka Ereteriya iyo Turkiga, si ay tababar ugu soo qaataan, ujeedkooduna uu ahaa in ay la dagaalamaan Somaliland," ayuu wasiirku ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in "Hubkii loogu deeqay Soomaaliya lagula dagaallamey Somaliland."

BBC-du waxa ay isku deyday in ay la xiriirto xafiiska warfaafinta ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo, balse nooma ay suuragalin in ay falcelin ka bixiyaan eedaynta uga timid dhinaca Somaliland.

Qoraalka Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland

Xigashada Sawirka, Twitter