Sida qulqulka tahriibeyaasha Soomaalida ah sabab ugu noqdeen xil ka qaadista wasiirka awoodda badan ee Mareynkan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qulqulka tabriibeyaasha ay ku jiraan Soomaalida ee ka gudbaya xadka Mexico ayaa sababay in shaqada laga ergo wasiirka awoodda badan ee arrimaha gudah ee Mareykanka Alejandro Mayorkas.
Xil-ka-qaadista ayaa timid toddobaad kadib markii xubnaha Congress ee xisbiga Jamhuuriga ay u guuldareysteen inay shaqada ka eryaan wasiirka.
Xubnaha Jamhuuriga ayaa ku heysta wasiirkan sida uu u maareeyay dhaqangelinta sharciyada kahor-taga qulqulka tahriibeyaasha soo galaya Mareykanka oo aad u kordhay wixii ka dambeeyay markii la doortay Joe Biden, madaxweynaha Xisbiga Dimoquraatiga.
Madaxweynehii hore Donald Trump ayaa si weyn ugu ololeynaya in dowladda bedeshay ay ku fashilantay xakamaynka qulqulka dadka soo-galootiga ah.

Xigashada Sawirka, PSB
Kumanaan kun oo muhaajiriin magan galyo doona oo ay Soomaali ku jirto ayaa ka talaaba xadad dhulka ee Maraykanku la wadaago dalka Mexico. Tan ayaa waxay dood adag ka dhex waday sanooyin badan xisbiyada Maraykanka.
Labadii sano ee la soo dhaafay boqolaal kun oo muhaajiriin ay Soomaali ka mid tahay ayaa ka gudbay xadka darbiga iyo siliga isugu jira ee gobolada Maraykanka ee xadka la wadaaga Maraykanka kuwaas oo lagu tilmamaay mid ka mida mowjadihii ugu balaarnaa ee qulqul muhaarijiina oo dalkaas galay.
Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka oo aqlabiyad caataa ku maamula aqalka wakiilada ayaa si adag u dhaliilay habka dowlada Biden u maamushay arintaas iyo dhaqan galin la'aanta sharciyada Socdaalka oo ay ku eedeeyeen dowlada.
Aqalka Congress-ka ayaa si dirqi ah ugu codeeyay in xilka laga xayuubiyo xoghayihii amniga gudaha Alejandro Mayorkas, taasoo ka dhigaysa in uu noqdo xubintii ugu horeysay ee golaha wasiirada ee wajaheysa xil ka qaadis muddo ku dhow 150 sano.
Qaar badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Mayorkas ku eedeeya qulqulka muhaajiriinta aan horay loo arag ee ku soo qulqulaya xadka Mareykanka iyo Mexico.
Aqalka uu hogaamiyo Jamhuuriga ayaa u codeeyay 214 ilaa 213 cabirka, ka dib markii isku daygii ugu horeeyay uu fashilmay todobaadkii hore.
Arrintu hadda waxay u gudbaysaa aqalka Senetka ee Dimuqraadigu hoggaamiyo, halkaas oo ay u badan tahay inuu ku guuldareysto.
Madaxweyne Joe Biden ayaa talaadadii codbixinta ku tilmaamay "fal cad oo xisbinimo aan dastuuri ahayn iyo mid siyaasadaysan.
Dadka ka soo horjeeda Mayorkas ayaa ku eedeeyay in aanu ka soo bixin dhaartii uu ku dhaartay ee ahayd in uu si wanaagsan oo daacad ah u gudan doono waajibaadkii xafiiskiisa isaga oo ku guul daraystay in uu wax badan ka qabto sugidda xuduudaha.
Tirada Muhaajirinta u talaabay Maraykanka

Xigashada Sawirka, REUTERS
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In ka badan lix milyan oo muhaajiriin ah ayaa si sharci darro ah ku galay Mareykanka tan iyo 2021-kii, taasoo ka dhigtay socdaalka arrin khilaaf iyo muran siyaasadeed ka hor doorashada November.
Boqolaal Soomaali ahaa ayaa sanadihii ugu danbeeyey ka mid ahaa Malaayiin qaxooti ah oo ka gudbay xadka darbiga ah.
Darbiga wuxuu dood badan ka abuuray gudaha siyaasadda Mareykanka, waxaana sannad walba ka booda dhallinyaro Soomaliyeed oo qeyb ka ah dadka doonaya in ay gaaraan dalkaasi.
Dhalinyaradaas oo baadi goobaya in nolol cusub ay ka sameeystaan gudaha dalka Mareynka ayaa mararka qaar la kulma dhibaatooyin badan inta ay ku gudaha jiraan safarkooda.
Dhismaha darbiga oo uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wali doodiisa ay sii socotaa, waxaana ay u muuqataa in xisbiga hadda haya talada dalka Mareykanka ay doonayaan in ay sii wadaan dhismaha darbiga.
Arintan ayaa sidoo kale ah mid ah jaangoynaha diirada u ah ololaha Donald Trump uu ku doonayo in xilka looga tuuro Biden.
Xog laga helay Waaxda Amniga Gudaha ee la sii daayay dhamaadka 2020 ayaa muujineysa in darbiyada cusub ay yareeyeen gelitaanka sharci darrada ah ee meelaha qaarkood ku dhawaad 90%. Daraasadaha jaamacadaha ayaa dhankooda waxay soo sheegaan natiijooyin dhexdhexaad ah.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Ilaalada Xuduudaha ay diiwaangeliyeen in lagu guuleystay in la xakmeeyo qulqulka Muhaajiriinta kal hore, dhammaadka waqtigii maamulka Trump, walow aysan guulaha la gaaray ahayn kuwa waaweyn .
Warbixin lagu daabacay American Economic Review, ayaa lagu ogaaday in caqabadaha xuduudaha ay hoos u dhigeen socdaalka guud 35 boqolkiiba.
















