Madaxweyne Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay muddo 30 sano ka badan ku safray dayaarad dalka ka diiwaan gashan

Dayaaradda Madaxweynaha

Xigashada Sawirka, SNTV

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkii uu dhawaan Itoobiya ku tagay wuxuu u raacay, kagana soo laabtay diyaarad laga leeyahay dalka, isla markaana ka diiwaan gashan. Diyaarada oo ku diiwaangashan astaanta 60-PAA waa mid gaar ah oo ganacsato Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Maareeyaha guud ee hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa BBC-da u sheegay nooca diyaarada iyo taarigada ay ku diiwaan gashan tahay oo ah mid ay siisay Soomaaliya.

"Waddan kasta waxa uu leeyahay xaraf iyo number, marka Soomaaliya waxay leedahay tirada 6 iyo xarafka O, marka 60-PAA taargadaas ayey wadatay diyaaradda, marka waa diyaarad Soomaaliya laga leeyahay oo duuliyayaasheedu Soomaali yihiin" ayuu yiri.

Ilaa iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma jirin nidaam duulista hawada oo diwaangelin karay diyaaradaha ka shaqeeya dalka. Inta badan diyaaradaha ka shaqeynayay Soomaaliya waxay ka diiwaan gashnaayeen dalal kale.

"Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaaliyeed tan iyo markii ay dowladdii Soomaaliyeed sagaashameydii dhacday uu ku duulo isagoo u socda safar dibadda ah dayuurad Soomaaliya ka diiwaangashan oo duuliyayaasheedu Somaali yihiin".

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya ku tagay diyaarad ka diwaangashan Soomaaliya

Maareeyaha hay'ada duulista Axmed Macallin ayaa sheegay in markii uu ahaa shaqaalaha kala haga diyaaradaha uu aad u jeclaa in uu maqlo diyaarad sidata astaanta Soomaaliya.

"Aniga markii hore waxaan ahaa shaqaalaha haga gaadiidka hawada, waa ku raaxeysan jiray marka aan maqlo hawada Soomaaliya oo aad mashquul u ah oo markay ugu yar tahay 30 dayuuradood oo caalami ah ay marayaan, kana dhex maqlo magaca Soomaaliya".

Xilliga ay ka duuleysay diyaarada madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka Muqdisho kala duulay diyaarad kale oo Masar laga leeyahay oo ay isku jid marayeen, waxaana qolka diyaaradaha laga hago laga maqlayay duuliyaha diyaaradda Soomaaliya oo ku celcelinaya magaca Soomaaliya 001 oo aheyd wax ku cusub dhagaha shaqaalaha hagayay diyaaradaha.

"Hawada Soomaaliya oo mashquul ah oo dhowr iyo labaatan diyaaradood ku jiraan oo qaarkood laga yaabo in ay Yurub ka yimaadeen in magacii Soomaaliya lagu dhex aqrinaayo waxay na siineysaa farxad" ayuu yiri Maareeye Axmed.

Dhowr iyo soddon sano ayaa laga joogaa markii ugu danbeysay uu ku duulo madaxweyne Soomaaliyeed diyaarad ka diiwaan gashan dalka.

Dayaaradda Madaxweynaha

Xigashada Sawirka, SNTV

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hore waxaa u jiray diyaarado aan laga laheyn Soomaaliya, kana diiwaan gashan dalal kale in ay ka shaqeeyaan Soomaaliya, balse diyaaradda madaxweynahu waxay ka diiwaan gashaneyd dalka, waxaana sidoo kale laga leeyahay Soomaaliya.

In laga diwaangeliyo diyaarad dal aysan hore diyaarado uga diwaan gashaneyn waxaa laga doonaya dalkaas shuruudo gaaraya ilaa iyo sideed, waxa uuna sheegay Axmed Macallin in Soomaaliya ay buuxisay shuruudahaas sidaasina ay ku awooday in ay diwaangelin karto diyaarado.

"Waxaa jira sideed qodob oo waddanka looga baahan yahay in uu buuxiyo si uu diyaarad u diwaangeliyo, marka sideedaas qodob ayey Soomaaliya buuxisay, diyaar ayeyna u tahay in ay diyaarad diwaangeliso".

Maareeye Axmed Macallin waxa uu BBC-da u sheegay in ay xaddideen da'da diyaaradaha laga diwaangelinayo Soomaaliya si looga fogaado khataraha ka dhasha diyaaradaha dhaca.

"Da'da ayey xadidaad saaran tahay, maadama aan nahay hay'ad duulista rayidka oo yar waxaan diideynyaa in diyaaradaha dhadhaca ay nagu bataan, waa in ay diyaaradu ka yar tahay 30 sano haddii ay dooneyso in ay Soomaaliya iska diwaangeliso".

Diyaarada CRJ-100 ee madaxweynaha Soomaaliya ku duulay waa diyaarad ay sameysay shirkadda Bombardier ee dalka Canada.

Diyaaradii ugu horeysay ee CRJ-100 waxaa la sameeyay horraantii sagaashamaadka, waxaana loogu talogalay in ay isku xirto magaalooyinka yar yar iyo garoomada waaweyn. Caadiyan diyaaradaha CRJ-100 waxay qaadaan ilaa iyo 50 qof iyagoo gali kara duulimaadyada gaagaaban iyo kuwa dhexe.

Diyaaradan ayaa noqotay mid si weyn loogu yaqaan shirkadaha diyaaradaha ee gobolada isaga kala gudbo sababtuna waxay aheyd tayada iyo sida laysugu haleyn karo taas oo keentay in diyaarada ay gasho safaro joogto ah oo aysan sameyn karin diyaaradaha waaweyn.

Diyaaradaha Jet-ka loo yaqaan sida noocan CRJ-100 waxaa inta badan loo adeegsadaa safarada ganacsi iyo kuwa militeri.