Soomaaliya iyo dalal kale oo golaha amaanka ee QM ka dalbaday shir degdeg ah oo caawa dhacaya

Xigashada Sawirka, X
Golaha amaanka ee Qaramada ayaa caawa isugu imaanaya shir degdeg ah oo ku saabsan weerarkii ay Israa’iil ku qaadday magaalada Dooxa.
Kuuriyada koofureed oo iminka haysa madaxtinimada wareegta ee golaha amaanka ayaa xaqiijisay in kulanka uu dhici doono.
Weerarka ayaa ka caraysiiyey dalalka dunida qaarkood, waxaana codsiga qabashada shirkan degdegta ah soo jeediyey dalal saaxiibo la ah Qatar oo kala ah Pakistan, Algeria iyo Soomaaliya oo dhamaantood xubno aan joogto ahayn ka ah golaha.
Kulanka oo ka mid ah qayb ajendaha ka mid ah oo looga hadlayo bariga dhexe ayaa dhici doona caawa 10ka saacadda Afrikada bari.






