Muxuu yahay garoonka diyaaradaha ee laga dhisayo Muqdisho, maxayse tahay sababta loogu baahday?

Xigashada Sawirka, Social
Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay, garoon diyaaradeed oo cusub oo ay qorsheyneyso in ay dhawaan ka dhisto duleedka magaalada caasimadda ee Muqdisho. Waa sida ay dhawaan shaacisay Hay'adda Duulista Hawada Soomaaliya.
Ilo ay BBC-da la xiriirtay ayaa sheegay in garoonka dhawaan la dhagax dhigi doono.
Muqdisho waxa ku yaalla garoonka caalamiga ee Adan Cabdulle kaas oo ah mid aad u mashquul badan.
Boqollaal diyaarado ah ayaa maalintii ku dega iyada oo sidoo kale ay ku hareereysanyihiin dhismayaal mararka qaar caqabado keeni kara.
Dhismaha garoonka oo qadiimi ah ayaa dhowr mar lagu sameeyay casriyeyn ay qayb weyn ka qaadatay dowladda Turkiga.
Qorshaha ah in la dhsio garoon cusub oo caalaami ah oo ay yeelato Soomaaliya ma aha mid hadda uun bilowday.
Sanadkii 2020-kii waxaa gudaha dalka ka bilaawdey sahankii ugu horeeyey kaas oo ku saabsan in Garoon Diyaaradeed oo cabirkiisu yahay 14-KM laga hirgeliyo duleedka caasimadda Muqdisho.
Garoonkaan ayaa waxaa laga dhigi doonaa mid ku habboon istiraatiijiyad ahaan, waxaana mashruuca lagu dhisayo uu noqon doonaa kii ugu ballaarnaa ee laga fuliyo Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 1991-dii.
Faa’iidooyinka garoonka cusub ee ciidamada millitariga Soomaaliya
Dowladda ayaa sheegtay in laga garoonka laga dhisi doono dhinaca ceel macaan ee badda saaran.
Marka ay noqoto garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde waa mid si guud loo isticmaalo hase yeeshee ay qaybo waaweyn oo ciidanka u gaar ah jirin, garoonka cusub ee la qorsheynayo ayaa noqon kara mid ay qayb weyn ku yeeshaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Tusaale ahaan in ay yeeshaan hangar u dhisan una qalabeysan qaab calami ah iyo in diyaarada iyo qalabka ciidamada meel gaar ah lagula macaamili karo.
Waxaa xusid mudan in uu socdo dib u dhiskii ciidanka cirka iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada iyadoo ay adkaan karto in ay wada isticmaalaan garoonka hadda shaqeeya ee Adan Cabdulle.

Xigashada Sawirka, SNTV
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda isla markaana darajooyin kala duwan soo qabtay oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Waxaa hadda socota dhismaha qaybaha kala duwan ciidanka iyo tayeyntiisa gaar ahaan ciidamada cirka haddii ciidanku uu diyaar noqdo uma suura geli doonto in ay isticmaalaan garoonka Adan Cadde, waxaa qasab ah in loo baahan doona dhul weyn oo iyaga u gaar ah”.
Dhinaca kale Kornayl Macow waxa uu sheegay in Soomaaliya horraan ay lahayd garoomo badan oo u khaas ah millitariga dalka taas oo looga gudbi karo baahida garoon ee ciidamada balse hadda aysan suura gal ahayn in lawada isticmaalo.
“Marka ay helaan garoon duleedka magaalada ah iyo mid qayb u gaar ah waxaa yaraan doonta ilaalinta xogta iyo dabbaabaadka ay lasoo degayaan oo u qarsoon, waxa ay u baahan soonaan hangar u gaar xero ciidan oo qayb uga taalla garoonka iyo dhismihii askarta iyo taliyaha ciidamada”, ayuu sii raaciyay Kornayl Cabdullahi Cali Macow.
Garoonka ugu caansan ee u gaar ah millatariga Soomaaliya ayaa ahaa garoonka Belli-doogle kaas isna ah garoon qadiimi ah.
Magaalooyin ay kamid yihiin Berbera, Baydhabo, Kismaayo iyo Galkacyo ayey ku yaalleen garoomadii ugu isticmaalka badnaa ee ciidamada Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Google
Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waa mid kamid ah meelaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay ka hesho Canshuurta, waxaana gacanta ku haaya Shirkadda Favori ee laga leeyahay wadanka Turkiga.
Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa la aas aasay sanadkii 1928-kii, waxaana loogu magac daray Aeroporto di Mogadiscio-Petrella, waana markii ugu horeysay ee xarun noocaan ah laga furo Geeska Afrika.
Bartamihii 1930-aadkii, garoonku waxa uu bilaabay adeegga duulimaadyo shicib iyo kuwa ganacsi. Waddada ganacsi ee caadiga ah ee Asmara-Asab-Muqdisho ayaa la billaabay 1935-kii, iyadoo diyaarada Ala Littoria Caproni 133 ay sameysay duullimaad 13-saacadood ah oo ka baxayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Muddadii xorriyadda ka dib, garoonka caalamiga ah ee Muqdisho waxaa duullimaadyo ku tagi jiray diyaarado caalami ah. Bartamihii 1960-maadkii, garoonka ayaa la balaariyey si ay u soo degaan diyaarado badan oo caalami ah, iyada oo shirkadda Somali Airlines ay safarro joogto ah ku tagi jirtay dhammaan magaalooyinka waaweyn.
Ciidanka Cirka Soomaaliya ayaa sidoo kale wakhtigan isticmaali jiray garoonka, waxaana ay ku lahaayeen caasumadda garab diyaaradeed.













