Waa kuwee dalalka muwaaddiniintooda lacagta ku siiya si ay carruur badan dhalaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha, oo ah waddan muddo tobanaan sano ah ku xirnaa siyaasad adag oo hal cunug ah, ayaa hadda beddelay qorshahiisa. Dowladda dalka ayaa dhawaan billowday barnaamij cusub oo lagu bixinayo dhaqaale lacageed oo la siinayo qoysaska dhalaya, si loola dagaallamo heerka dhalmada ee sida xawliga ah hoos ugu sii dhacaya.
Iyada oo loo marayo barnaamijkan, qoysasku waxay heli doonaan 3,600 yuan (qiyaastii $500) sannadkii ilmo kasta oo ka yar saddex sano. Barnaamijkan ayaa la filayaa in ay ka faa'ideystaan in ka badan 20 milyan oo qoys oo ku nool dalka.
Waa kabkii ugu horreeya ee dawladda ay ku kabayso qoysaska, waxaana looga gol leeyahya in lagu kordhiyo heerka tirada caruurta dhalanaysa.
Heerka caruurta ku dhalanaysa Shiinaha ayaa hoos u dhacayay, xitaa ka dib markii xisbiga shuuciga ah ee talada haya uu soo afjaray siyaasadiisii ku dhisnayd hal cunug ku dhawaad toban sano ka hor.
Waa maxay sababta ay dalalku qaar dadkood lacag ugu siiyaan dhalmada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wadamo badan, gaar ahaan kuwa horumaray, heerka dhalmada ayaa hoos uga dhacay heerka loo baahan yahay jiilka cusub "heerka jiilka badalaya dadka hadda joogga" taasi oo ka dhigan in haweeney kasta ay dhasho 1 ilaa 2.
Tirakoobyada ayaa muujinaya in wadamada sida Kuuriyada Koonfureed ay leeyihiin heerka dhalmada ugu hooseeya adduunka, qiyaastii 0.72. Shiinaha, Japan, iyo qaar ka mid ah wadamada Bariga Yurub ayaa sidoo kale la halgamaya heerarka dhalmada oo aad u hooseeya, taasi oo ah xaalad khatar ku ah mustaqbalka fog.
Hoos-u-dhaca dhalmada wuxuu keenaa dhibaatooyin dhaqaale iyo bulsho. Marka hore, tirada dadka waayeelka ah ayaa si xawli ah u kordheysa, halka tirada dhallinyaradu ay hoos u dhacayso.
Tani waxay saamaysaa suuqa shaqada, waxay yaraynaysaa dakhliga cashuuraha ee dawladda, waxayna saamaynaysaa nidaamka badbaadada bulshada sida hawlgabka iyo daryeelka caafimaadka. Sida da'da xoogga shaqaaluhu, qaranku wuxuu luminayaa awoodda tartanka kula gali karaan dhaqaalaha caalamka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka labaad, qaar ka mid ah wadamada yaryar ama magaalooyinka yaryar waxay bilaabeen inay arkaan khatarta ah inay gebi ahaanba waayaan da'yarta.
Meelaha sida Lestijärvi ee Finland, heerka dhalmada oo yaraada ayaa keentay in magaalooyinka ay dadku ka baxaan, iskuulladana la xiro, iyo adeegyada muhiimka ah oo la waayo.
Duruufahaas oo kale, dawladuhu waxa ay ku qasban yihiin in ay la soo galaan dhiirigelin dhaqaale si ay u badbaadiyaan magaalooyinka una hubiyaan in jiilka soo socda ay sii jiraan.
For other countries, such as Russia, the issue of fertility has taken on a political and security dimension. The decline in the number of young men, following deaths from the war in Ukraine, has increased pressure on governments to ensure that there is another generation to replace those lost, whether in the military, industry or public service.
Waddamada kale, sida Ruushka, arrinta dhalmada waxay yeelatay waji siyaasadeed iyo amni. Hoos u dhac ku yimid tirada dhalinyarada, ka dib dhimashadii ka dhalatay dagaalka Ukraine, ayaa kordhisay cadaadiska dowladaha si loo hubiyo in la helo jiil kale oo bedelaya kuwa dhintay, hadday tahay militariga, warshadaha ama adeegga dadweynaha.
Waddamada muwaaddiniintooda lacag siiya si ay carruur badan u dhalaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha, dhowr waddan oo kale ayaa soo bandhigay dhiirigelin dhaqaale si ay muwaadiniintooda ugu dhiirrigeliyaan inay carruur badan dhalaan. Ruushka, tusaale ahaan, waxa uu dib u soo nooleeyay abaal-marintii taariikhiga ahayd ee loo yaqaanay "Heroine Hooyo", oo la sameeyay 1944-kii.
Abaalmarintan oo la siiyo hooyooyinka umusha 10 caruur ah iyo in ka badan, ayaa waxaa lagu bixiyaa lacag caddaan ah iyo abaalmarino kale oo ay bixiso dowladda. Dawladdu waxa kale oo ay siisaa deymo dulsaar yar iyo gargaar guriyeynta qoysaska caruurta badan, taas oo qayb ka ah istaraatiijiyadda kordhinta dhalmada.
Finland ayaa sidoo kale qaaday tallaabo gaar ah, gaar ahaan magaalada Lestijärvi, halkaas oo ilmo kasta oo dhasha la siiyo € 10,000, oo la siiyo qaybo kala duwan dhowr sano. Ujeedadu waa in la soo jiito dhalinyarada si ay ugu guuraan oo ay qoysas uga sameystaan magaalada yar.
Estonia waxa ay aad ugu guulaysatay in ay kordhiso tirada caruurta dhalanaysa iyada oo loo marayo nidaamka lacag bixinta bilaha ah. Qoyska saddex carruur ah leh ayaa bishii qaata wax ka badan €500 oo yuuro, halka dowladdu ay sidoo kale bixiso xannaano carruureed oo tayo leh.
15-kii sano ee la soo dhaafay, heerarka caruur dhalidda ayaa kor u kacay, inkastoo aysan ku socon xawaare aad u sareeya.
Japan, inkasta oo ay ka mid tahay waddamada ugu qanisan adduunka, haddana waxa ay la ildaran tahay heerka ugu hooseeya ee dhalmada. Magaalooyinka miyiga qaarkood sida Ama, dawladaha hoose waxay bixiyaan gunno 675 doolar ilmaha ugu horreeya iyo ilaa 1 milyan yen ilmaha afraad.
Australia, dhankeeda, kuma tiirsana lacagaha caddaanka ah, laakiin waxay abuurtay jawi wanaagsan oo lagu korin karo carruurta.
Qorshayaashani miro dhal ma noqon doonaan?
In kasta oo dhiirigelinta maaliyadeed ay keeni karto isbeddel waqti-gaaban, cilmi-baarayaashu waxay ka digayaan inaysan ahayn xal waara.
Ugu horrayn, kharashka barbaarinta ubadka qarniga 21aad waa mid sarreeya, min waxbarasho ilaa caafimaad iyo guri.
Dhiirrigelinta maaliyadeed ayaa laga yaabaa inay caawiso qoysaska muddada gaaban, laakiin ma xallin karaan sababta asaasiga ah ee dhalmada hooseeya, taas oo inta badan ah mid bulsho iyo dhaqameed.
Marka labaad, go'aanka dhalmada waxaa si weyn u saameeyay nolosha casriga ah: culeyska shaqada oo sarreeya, xaaladaha dhaqaale ee aan la hubin, iyo kordhinta sinnaan la'aanta jinsiga taas oo u oggolaanaysa haweenku inay doortaan marka ay carruur yeelanayaan ama aysanba dhalin.
Bulshooyin badan, haweenku waxay u badan yihiin inay dib u dhigaan guurka iyo dhalmada sababo la xiriira hadafyada xirfadeed, taas oo yaraynaysa tirada carruurta ay haweeneydu dhali karto.
Seddexaad, wadamada qaar, xeeladahani waxay halis u yihiin inay haweenka dhigaan "wax soosaarayaal qaran", taas oo kordhin karta cadaadiska bulshada waxayna saameyn ku yeelan kartaa xorriyadda haweenka si ay u doortaan tirada carruurta ay rabaan.
Khibraddaha laga dhaxlay Japan iyo Kuuriyada Koonfureed waxay muujinaysaa in dhiirigelinta kaligeed aysan kordhin karin dhalmadda ilaa heerka la rabo.













