Sidee ayay ku suurto-gashay maxaabiis is dhaafsiga weyn ee dhex maray Mareykanka iyo Ruushka?

Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii dilaagii weynaa ee Ruushka u dhashay iyo wakiilka joornaal Mareykanka kasoo baxa ay Khamiistii Turkiga ka kala raaceen labo diyaaradood oo kala duwan, waxay noqotay taariikh maxaabiis is dhaafsi sir ah oo yaab leh oo u dhaxeeya Ruushka iyo Reer-galbeedka.

Asalka heshiiskan, oo maxaabiis dhowr ah ay ku lug leeyihiin, ayaa loo nisbeyn karaa 2022. Balse daaha gadaashiisa wada-xaajoodyadii Ruushka, Mareykanka iyo dalalka Yurub ayaa goor sii horreysay sanadkan soo afjaray kahor inta aysan sii xoogeysan toddobaadyadii lasoo dhaafay iyadoo heshiiskii ugu dambeeyay ay isku raaceen dhammaan dhinacyada.

Wada-xaajoodyadaas ayaa xilligaas ahaa kuwo adag. Waxay sidoo kale kusoo aadeen iyadoo xiisadda Ruushka iyo Mareykanka ay kasii dartay kadib dagaalkii Ukraine. "Waxay ahaayeen wada-xaajood wareegyo badan oo isku cakiran qaatay, bilooyin badan," ayuu Jake Sullivan, la taliyaha ammaanka qaranka Mareykanka oo door muhiim ah ka cayaaray heshiiska, ayaa sidaas yiri wax yar kadib maxaabiis is dhaafsiga.

Saraakiil sare oo Aqalka Cad ah ayaa faahfaahin weriyeyaasha ka siiyay wada-xaajoodyada, waxaana ka mid ah telefishinka ay BBC wada shaqeynta kala dhaxayso ee CBS, oo Khamiistii ay la hadleen. Waxay sheegeen in waxa ugu horreeyay ee muujiyay in Moscow ay diyaar u noqon karto heshiis uu soo ifbaxay sanadkii 2022.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa ka wada xaajoonayay sii deynta Brittney Griner, xiddigga kubadda gacanta ee Mareykanka u dhashay oo loo xiray inuu heystay saliidda daroogada cannabis waxaana loo diray xabsi Ruushka ku yaalla. Griner ayaa mar dambe la sii daayay sanadkaas iyadoo lagu beddeshay ninka halista ah ee hubka ka ganacsan jiray ee Ruushka u dhashay Viktor Bout.

Balse intii wada hadalladaas lagu guda jiray, saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in Ruushku uu caddeeyay inuu sidoo kale doonayo in loo sii daayo dilaaga Vadim Krasikov, oo Jarmalka ku qaadanayay xabsi daa'im sababo la xiriira inuu nin ku dilay beer mashquul ah oo ku taalla Berlin isagoo amar ka helay Kremlin.

Mr Sullivan ayaa dhiggiisa Jarmalka u sheegay in Ruushka uu doonayo sii deynta Krasikov, wuxuuna wax iska weydiiyay in Berlin ay ka fekeri karto ku beddelashada Alexei Navalny, oo mucaarad ku ahaa Putin kuna xirnaa Ruushka.

Jarmalka ayaa si kastaba, ka cago jiidayay sii deynta dilaaga oo dil fool xun ka geystay dhulkiisa.

Ruush

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawrika ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu muujinayaa dilaaga Ruushka u dhashay Vadim Krasikov
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo Mr Sullivan uusan jawaab hufan kasoo helin Berlin, wada hadalladii hore ee 2022, labadaba Mareykanka iyo Ruushka iyo Mareykanka iyo Jarmalka, ayaa ka gacan ka geystay waddo u xaaridda heshiiskan weyn ee isku cakiran ee toddobaadyadii lasoo dhaafay lagu gaaray garoon ku yaalla Tukriga.

Taasina waxaa sabab u ah in labada dhinac, ay ugu yaraan si uun, u sheegeen waxa ay doonayeen.

Ruushka ayaa caddeeyay inuu doonayo Krasikov. Halka aysan Washington keliya dooneyn Navalny, waxay sidoo kale dooneysay Paul Whelan, oo ahaa sarkaal hore oo ciidamada badda ah oo sanadkii 2018 lagu xiray Ruushka.

Heshiis who was jailed on espionage charges in Russia in 2018.

Wada hadalladii ugu horreeyay ee maxaabiis is dhaafsiga ayaa noqday kuwo hannaan leh, balse weli ma dhoweyn.

Dabayaaqadii March 2023, weriyaha 31 jirka ahaa xilligaas ee Wall Street oo kasoo jeeday New Jersey ayaa waxaa xiray sirdoonka Ruushka xilli uu ku maqnaa safar war-tebin ah. Xariggiisa ayaa dhaliyay cambaareyn ka timid Mareykanka iyo xulafadiisa.

Maalin kadib, Madaxweyne Biden ayaa ku amray Mr Sullivan inuu ka shaqeeyo heshiis lagu sii deyn karo isaga iyo Mr Whelan, dalkoodana dib loogu soo celin karo.

Mareykanka ayaa toos ula xiriiray Ruushka. Xiriir ayaa kadib billowday, saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in wasiirradooda arrimaha dibadda ay qadka telefoonka ku wada hadleen.