Ruushka oo digniin culus u diray Mareykanka

Gantaal nooca riddada dheer

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay haddii Mareykanka uu go’aansado inuu Ukraine ku caawiyo gantaalaha riddada dheer si ay dagaalka ugu adeegsato ay Moscow uga dhigan tahay khad cas oo la soo tallaabay jawaab culus ay ka bixineyso.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka Maria Zakharova waxay Kahmisti sheegtay. ”Haddii uu Mareykanka gantaalaha riddada dheer uu siiyo Kyiv ay ka dhigan tahay Washington khadka cas iney soo tallaawday dagaalkana ay ka mid noqotay. Ruushkana uu ku qasbanaan doono inuu qaado tallabbo qaranimadiisa uu ku difaacanayo.”

Mareykanka ayaa Ukraine horay ugu caawiyey gantaala isugu jira kuwa riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe oo gaaraya 50 ilaa iyo 80 km, dagaalkana loo adeegsaday.

Hadalka ka soo yeeray Moscow ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka Ukraine uu waji cusub yeeshay oo deegaanno badan laga kiciyey ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodmyr Zelensky ayaa maalma ka hor sheegay ciidmadiisu iney Ruushka ka xoreeyeen dhul ka badan 6,000 oo KM oo laba jibbaaran u Ruushka horay dagaal ugu qabsaday.

Zelenesky oo safar lama filaan ah oo uu ku tagay Israa’iil ka soo laabtay wuxuu sheegay magaalooyinka Ruushka laga saaray iney ciidamadooda ka heleen caddeymo muujinaya iney ciidamada Ruushka ay geysteen falal isugu jira dilal, jirdil iyo afduub.

Zelenesky wuxuu intaa raaciyey caddeymaha laga helayo gobolka Kiev inay muujinayaan in xasuuq loo geystay shacabka Ukraine, ciidamada Ruushkana ay bartilmaameedsanayeen dadka rayadka ah tan iyo marki uu dagaalka billowday.

Gantaal nooca riddada dheer

Hase yeeshee Ruushka ayaa dhinac isaga dhigay eedda loo soo jeediyey ee ah iney dadka rayadka ah ay bartilmaameedsadeen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ukraine ayaa hub badan ka codsatay Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah si ay isaga caabbiso ciidamada Ruushka oo bishii Fabraayo duullaanka ku soo qaaday.

Mareykanka ayaa bishii hore ku dhawaaqay inuu Ukraine ku taagerayo saanad milatari oo qiima ahaan ku kacayo 3 balyan oo doolar.

Tan iyo marka uu billowday dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine Washington waxay Kyiev ku caawisay saanad milatari oo qiimaha ahaan ay ku kaceyso 10.6 balyan oo dolar.

Afhayeen aqalka cad u qaabilsan amniga qaranka John Kirby wuxuu Arabacdi sheegay maamulka Biden iney u badan tahay Washington maamaha soo socda iney shaaciso taageera militari oo dheeraad ah oo ay siineyso Ukraine.

13 dal oo reer galbeed ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, iyo Spain ayaa hub iyo saanad militari oo aad u badan ugu deeqay Ukraine si ay gacan uga siiyaan dagaalka ay isaga caabbinayaan duullaanka uu Ruushka ku soo qaaday.

Dagaalka Ukraine iyo Ruushka u dhaxeeya oo soo billowday bishii Fabraayo 2022-ka saameyntiisana dunida oo dhan lagadareemay ayaan weli u muuqan mid soo afjarmaya.