Sucaad Mukhtaar: Gabadha dadka ka caawisa inay wax qabsadaan oo ay milyaneerro noqdaan

Sucaad
Qoraalka sawirka, Sucaad Mukhtaar

“Markii aan qaaday waddadan, waan ogaa inay leedahay caqabado badan,” ayay tiri.

Sucaad Mukhtaar, oo haatan khudbadaheeda ku dhiirrigelisa dadka isla markaana siisa talooyin iyo tababarro ay ku gaaraan hadafkooda, ayaa hanatay taageero iyo dad badan oo la socda baraheeda bulshada.

Waxay dadka kala talisaa lacagta, dhaqaalaha, qoyska, cilmu-nafsiga, isbeddelka, wax keydsashada, qorsheynta iyo arrimo kale oo bulsho.

“Waxaan tababaray in ka badan 100,000 oo qof tobankii sano ee lasoo dhaafay waana sii wadayaa,” ayay tiri.

Waxay sheegtay inay tababar siiso shakhsiyaad iyo sidoo kale shaqaalaha hay’ado badan oo ay ka mid yihiin xildhibaannada, waxayna gabadhan isku tilmaantay inay tahay dhiirrigeliso.

“Dhiirrigelinta dadka kale waxay la micno tahay inaad soo saareyso awoodaha iyo aoqonta aad heysato iyo wuxuu Alle kugu manneystay. Waa inaad si tartiib tartiib ah usoo kiciso maskaxdaada hurdeysa ee ku leh 'ma sameyn karo dhehna 'maya waad sameyn kartaa' soona bixi waxa muhiimka ee ku jira,” ayay tiri.

“Waxaan doonayaa inaan koboc sameeyo, bulshadeyduna waxay u baahan yihiin dhiirrigelin...”

“Waxaan isu tarjumaa Oromo iyo Carabi,” ayay tiri Sucaad oo ku dhalatay Galbeedka Hararghe kuna kortay Sacuudiga iyo Finland. Haatan waxay ku hadashaa Amxaariga, Ingiriis, Sawaaxiliga, Harari iyo Soomaali.

“Markii aan jiray labo ama saddex sano, qoyskeyga ayaa ii kaxeeyay Sacuudiga. Waxaan sidoo kale wax kusoo bartay Carabi dugsi hoose ilaa heerka shanaad. Kaddib qoyskeyga ayaa dalka kusoo laabtay,” ayay tiri.

Waxay jirtay sagaal sano markii ay kasoo laabatay Sacuudiga ee Itoobiya kusoo noqotay.

“Waxbarashadeydii ugu horreysay waxay ahayd caafimaad. Kadibna waxaan kusoo laabtay halkan oo ana bartay Sayniska Bulshada sabbatoo ah waxaan doonayay inaan qabto adeegyada bulshada oo aan bulshadeyda caawiyo,” ayay tiri.

Iyadoo ka duuleysa fekerka ah “waxaan doonayaa inaan horumar sameeyo oo aan bulshadeydana caawiyo”, ayay u safartay dalalka sida Malaysia, Indonesia iyo Hindiya 15 sano kahor si ay ugu qabato tababar talooyinna ay uga soo bixiso.

“Markaad eegto bulshadeenna, mararka qaar waad ka murugooneysaa. Ma heystaan wax soo kiciya, u sheega waad qaban kartaa, qof wax u sheega ma heystaan, 'Soo kac sida dal walbo oo kale ayaad horumar ku gaari kartaa.

Dhiirrigelinta dhalinyarada

Sucaad
Qoraalka sawirka, Sucaad Mukhtaar

“Waxaan rumeysnahay in qofka loo abuuray inuu sameeyo wax weyn,” ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in caqabado badan iyo dhibaatooyin ay dadka ka hor istaagaan inay arkaan waxa iyaga ku dhex jira.

“Marka shaqadeydu waxay si tartiib ah meesha uga saareysaa caqabaddaas waxayna tusineysaa qofka inuu meel fog gaari karo, uu yeelan karo aragti uu isku beddeli karo uuna wax uun isu qaban karo, qoyskiisa iyo bulshadiisa,” ayay tiri.

Sucaad ayaa sheegtay inay diiradda saarto da’yarta. Sababta ayya ku sheegtay “waxaa jira waxyaabo badan oo haatan jiilka hadda ka xadaya maskaxdooda”.

“Carruurtan waxay u baahan yihiin caawinaad, waxay u baahan yihiin 'waad yareyn kartaa tan, halkan ayaad aadi kartaa. Marka waxaan ka shaqeynayay gudaha dalka iyo Bariga Afrika 15-kii sano ee lasoo dhaafay, welina waan ka shaqeynayaa,” ayay tiri.

Waxay xafiisyo ka furatay dalalka Bariga Afrika sida Kenya, Suudaan iyo Jabuuti.

“Bulsho iyo dad dhaqaale ahaan xor ah...”

Sucaad

Sucaad oo diiradda saarta arrimo badan oo dhaqaalaha bulshada ah ayaa farriimo wacyigelin ah gaarsiisa dadka. Hal arrin oo ay diiradda saarto ayaa ah dhaqaalaha.

“Qof amaba bulsho dhaqaale ahaan madax bannaan oo kala furi kara afkooda dhihina kara 'waan sameyn karaa' Dhammaanba dalalka horumaray ee dunida waxay keliya kori karaan haddii ay dhaqaale ahaan isu filan yihiin,” ayay tiri.

Sidaa darteed, waxay diiradda saartaa soo saaridda bulsho xor ah dhaqaale ahaan.

Arrimaha kale ee ay Sucaad diiradda saarto waxaa ka mid ah horumarka qofka, waxbarashada iyo abuuridda shaqada.