Waa kumaa Janaraal Odowaa, ninka mar labaad loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya?

Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa xalay mar kale loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaraaha Soomaaliya.

Jeneraal Odowaa ayaa beddelaya Jeneraal Ibraahim Muxyadiin oo xilka hayay tan 2023 markaasi oo uu qudhiisa uu beddelay Janaraal Odowaa Yuusuf Raage .

Janaraal Odowaa ayaa waxaa horey xilka looga qaaday sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2023-kii.

Waa kumaa Janaraal Odowaa?

Waxaa uu ciidanka ku biiray sanadkii 2000 markaasi oo ay socotay dib u yagleelidda iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waa mid ka mid h taliyeyaasha ugu da'da yar ee soo qabtay xilka ugu sarreeya ciidamada xoogga soomaaliya.

Janaraalka ayaa waxaa u tababar ku soo qaatay dalal dhowr ah sida Uganada iyo turkiga.

Sanadkii 2007dii waxaa lagu tababaray Akademiyadda Militariga Uganda ee Kabamba, halkaasi oo uu ku qaatay tababaro ay ka mid yihiin ilaalinta madaxda.

Waxaa uu mar kale dib ugu laabtay dalka Uganda 2008-dii waxaa uuna tababar ku so qaatay akadamiyada MUBENDE waxaa uuna halkaasi ku soo qaatay tababarka taliyanimada ururka.

Dabayaaqadii sanadkii 2009-kii waxaa uu qaatay darajada xiddigle oo uu siiyay madaxwaynihii xilligaasi Sheekh Sahriif Sheekh Axmed.

Sanadkii 2013 ayuu Janaraal Odowaa qaatay derajada kabtan, waxaana ka dib waxbarsho dheeraad ah loogu diray dalka Turkiga.

Markii uu Turkiga tagay waxaa uu waxbarsho u galay kulliyadda ciidanka ee National Defence University oo uu ku soo qaatay tababar dhanka luuqadaha ah.

Sanadkii 2016 ayuu dib ugu laabtay Soomaaliya isaga oo loo dalacsiiyay darajada gaashaanle dhexe waxaa uuna taliye horin ka ahaa ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Sanadkii 2018 waxaa loo magacaabay taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Vila Soomaaliya.

Xilalka kale ee uu soo qabtay waxaa ka mid ah taliya ku xigeenka ciidaada qalabka side ee Soomalaiya iyo taliyaha ciidamada dhulka.

Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sanadkii 2019 waxaa uu madaxwaynihi xilligaasi uu u magacaabay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Shakhsiyadda Janaraal Odowaa

Waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu da'da yar ee soo qabtay xilka ugu sarreeya ciidamada xoogga Soomaaliya.

Waxa uu la soo shaqeeyay taliyeyaal aad uga da'a wayn oo qaarkood soo shaqeeyay dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed siyaad bare.

Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ka mid ah saraakiisha ay muddada dheer ay soo wda shaqeeyeen ayaa ku tilmaamay Odawaa janaraal howlkar ah.

Waxaa uu intaa ku daray in markii tababarada sarkaalnimo uu soo dhameystay Janaraal Odowa islamarkana uu dalka dib ugu soo laabtay uu ka mid ahaa dhalinyaradii ugu firfirconeed xilligaasi.

"Runtii saraakiishii yaryareyd oo aan markaas aan aniga taliyaha guutada madaxtooyada u ahaa sarkaalka ugu firfircoon ayuu ahaa, geesinnimo haddii ay noqoto isku haynta ciidanka haddii ay nqooto," ayuu yiri Janaraal Caanood.

Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in uu Janaraal Odowa auu ku fiican yahya dhanka howlgalinta ciidamada iyo diyaarintooda.

"Waxaa weeye nin ku fiican diyaar garowga dagaalka oo dhameystiran waana midda inta badan keentay dagaalada uu galo inuu ku guuleysto markuu abaanduulaha ahaa oo uu gobolkaasi Sabeelada hoose uu aad uga dagaalamay" ayuu intaa ku daray Janaraal Caanood.

Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo akle ku tilmamaay Janaraal Odowaa in aad u yaqaanada xeelada dagaalka.

"Waa nin aqoonta howlgalka militarigi iyo tabta dagaalka si fiican u yaqaana anigu taasaan ku aqaanaa," ayuu xusay.

Janaraal Caanood oo aaan wax ka waydiinaya shaqsiyadda Janaraal Odowaa ayaa carabka ku adkeyay in uu yahay shaqsi aabe u ah ciidamada u hogaaminayo, balse dhanka kalana cidda khalad gasha sharciga mariya.

"Mar waxaa uu ahaa taliye oo nooc aabe ah u naxariista askariga dhaawaca ah, midka dhibaatada qoyska ku timaada, marka dagaalka-na wuxuu ahaa abaanduule amar dagaal bixiya waajibaad dagaaln-na fuliya, kii fulin waaya-na xeerka ciidamada qalabka side ku qaada," ayuu yiri.