You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jubaland hadii ay doorasho qabsato aqoonsi ma ka heli doontaa dowladda federaalka?
Maamulka Jubaland ayaa soo saaray liiska xubnaha guddiga doorashada ee doorashada xilli maamulku doonayo inuu qabsado doorasho u gaar iyadoo ay dowladda federalkuna doonaysay in la mideeyo doorashooyinka heer federal iyo maamul goboleed ee ka dhacaysa dalka.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku magaacabay guddiga madaxa banaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland.
Guddiga oo ka kooban toddobo xubnood waxaa kaliya ku jira hal dumar halka inta kale ay rag yihiin, taas oo muujisay doorka yar ee haweenku ku leeyihiin guddiga.
Ka dib magaacbista guddiga ee Jubaland, dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war aan jawaabtiisa lala daahin oo ka dhana tallaabada uu qaaday madaxweyne Madoobe.
Wasaaradda arrimaha guddaha ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay cambaareynayso waxay ku sheegtay “Tallaabo sharci darro ah” in madaxweyne Axmed Madoobe ku magaacabay guddiga doorashada ee Jubaland
“Waxayna ugu digaysaa tallaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalaaso siyaasaddeed, mid amni, iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federalka.
Waxa kale oo wasaaraddu sheegtay in madaxweynaha Jubaland uu waqtigu ka dhammaaday bishii Ogoosto ee sanadkii 2023-kii taas baddelkeeda uu muddadaas ku joogay heshiis siyaasi ah oo ka dhaxeeyey maamulada iyo dowladda dhexe.
Dhanka kale Jubaland ayaa maanta oo axada soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay xiriirkii wada shaqaynta u jartay dowladda federalka.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaga gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa lagu sheegay in Jubbaland ay xiriirkii wadashaqayneed u jartay dowladda fedraalka ee Soomaaliya.
Arimo ay ka mid yihiin khilaafka doorashooyinka iyo la dagaalanka al Shabaab ayay Jubbaland ku tilmaantay in ay yihiin sababaha ay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka Soomaaliya.
Puntland ayaa sidaan oo kale dhowr jeer oo hore oo ay ugu danbaysay sanadkii 2022-dkii sheegtay inay jartay xiriirkii wadashaqayneed ee kala dhaxaysay dowladda Federalka.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaana ka qayb galin dhowrkii shir ee wadatashiga qaran ee madaxda ku yeesheen Muqdisho.
Maxay kala doonayaan Jubaland iyo Dowladda Federaalku?
Sida ku cad qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dowladda Federalka ayaa doonaysa saddex qodob oo kala ah.
1.In la mideeyo doorashada dalka, 2. in la qabto doorasho qof iyo cod ah, 3. in la sameeyo hal guddi oo madaxbannaan oo isku dhaf ah oo Soomaaliya ka hirgaliya doorasho dadku codkooda dhiibtaan.
Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in qodobadaas dhanka dowladda ay wehilisay muddo kordhin sanad ah oo loo sameeyey madaxda maamulada dalka marka laga reebo Puntland oo iyadu doorashadeedii qabsatay sanadkan 2024-kii.
Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan qarin doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah uma muuqato inay arrintani ka miro dhalayso Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha.
Jubaland ayaa caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suura gal ahayn inay ka dhacdo dalka iyadoo Madaxweyne Madoobe uu ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran isagoo sheegay in Jubaland aysan doonayn muddo kordhin.
Maxamed Mukhtaar, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wax la isku yahay ay tahay awoodaha ayna arrintan taagnaan doonto ilaa go’aan laga gaaro sida ay noqoyso awoodaha dowladda federalka iyo Maamulada.
“Doorashadu waa cudurka laysku hayo calaamadihiisii laakiin waxa la isku hayo waa awoodda. Haddii Farmaajo shalay joogay , maanta Xasan Sheekh joogo, barina qof kale joogi doonno doodaasi waa taagnaanaysaa ilaa iyo go’aanka laga gaaro awood qaybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyo sida ay kala noqonayaan,” ayuu yiri Mukhtaar.
Go'aamo isku eg
Sanadkii 2018 bishii June, madaxda dowladda federaalka iyo Maamulada ayaa shirkoodii wadatashiga qaran ku yeeshay magaalada Baydhabo kaas oo lagaga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen hannaanka doorashada ee dalka iyo qaybsiga qayraadka.
Bishii september isla sanadkaas, madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku shiray magaalada Kismayo iyagoo sheegay inay xiriirka u jareen dowladda federalka.
Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, waxaa haatan humaag u eg tan sanadkii 2019 kii.
Sanadkii 2019 kii, Jubaland ayaa sheegtay inay qabsanayso doorashadeed iyadoo bishii Agoosto isla sanadkaas ay dhacday doorasho lagu murmay oo mucaaradku diideen taas oo lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.
Dowladda Federalka ee xiligaas ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn natiijada doorashadaasi.
Cilmebaare Axmed Shire, wuxuu BBC-da u sheegay in “ haddii doorashada ka dhacda Jubaland ay noqoto mid si saxa u dhacda loona tartamo waxaa la aadi doonaa dhanka Jubaland haddiise siduu hadalka u dhigay ay la mid noqoto iyadoo ay haysato caqabada ah inaa labada heer la isla socday waxay u ekaanaysaa in sharciyadeeda su’aal ku timaado”, sidaas daraadeedna doodda laga yaabo in ay dowladda dhankeeda ka timaado ay xoogeysato.
Balse Mukhtaar ayaa qaba in waxkasta oo dhaca ay ku dhammaan doonto in laga gudbo oo laga heshiiyo marka la is mari waayo.
“Runtii sida horrey u soo aragnay, waa la kala caroon, ayaanbaa la kala qaylin, cid xoog cid ku maquunin kartana ma jirto, waxay ku dhammaan doontaa aan hore u socono iyo aan heshiino” ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar