Ma jiro dammaanad qaad ah in Trump uu fasaxayo Netanyahu

Baarka ka soo horjeeda dhismaha qunsuliyadda Mareykanka ee Jerusalem way sugi la’ yihiin inta madaxweyne Trump ka bilaabaneyso muddo xileedkiisa. Hore ayey u soo arkeen Trump oo madaxweyne ah.

“Aad ayaa ugu faraxsanahay” ayuu yiri Raphael Shor oo ah wadaad ku nool magaaladii hore ee Jerusalem. Si fiican ayuu u yaqaan luuqadda Bariga Dhexe ayuu yiri. Wax kasta oo Iran ay dooneyso waxay ku xiran tahay welwelka ay ka qabto natiijada ka imaaneysa.

“Waxay ila tahay hadii Kamala la dooran lahaa, ma jiri laheyn cabsida ah weerar ay qaadaan Mareykanka ama Israel”.

Qofkii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay markii la doortay madaxweyne Trump wuxuu ahaa raysalwasaare Benjamin Netanyahu. Bartiisa X waxa uu qoray “ Hambalyo soo noqoshadii ugu weyned abid”.

Netanyahu hore waxa uu ugu tilmaamay Trump saaxiibka ugu wanaagsan ee Israel ay weligeed ku yeelato aqalka cad.

Trump markii ugu horeysay ee la doorto wuxuu sumcad weyn ka helay ka bixista heshiiska Nukliyeerka Iran kaas oo ahaa mid ay Israel ka horjeeday.

Wuxuu sameeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu dhisayay xiriirka u dhexeeya Israel iyo dalalka Carabta. Sidoo kale wuxuu beddelay siyaasadii muddada dheer Mareykanka ku dhaqmayay ee dibadda isagoo u aqoonsaday Jerusalem caasimadda Israel.

“Israel waxay rajeyneysaa in uu isla wadadii ku soconayo. Balse waa in aan wajahnaa runta shaqsiyadda Trump iyo waxa uu yahay iyo halka uu taagan yahay” ayuu yiri safiirkii hore Israel ee Mareykanka Michael Oren.

Ugu horeyn safiirka waxa uu sheegay in Trump uusan jacleyn dagaalka sababtoo ah wuxuu u arkaa in lacag badan ku baxeyso. Trump wuxuu ka dalbaday Israel in ay dagaalka degdeg u joojiso.

Sidoo kale kama mid ahan taageerayaasha waa weyn ee in Israeliyiinta la dajiyo Daanta Galbeed, wuxuuna ka horjeestay dalabka qaar ka mid ah Israeliyiinta ee ah in dhulkaas ay qaataan.

Labada siyaasadood ayaa laga yaabaa in ay ka horkeenaan xisbiyada garabka midig ee isbahaysiga kula jira Netanyahu kuwaas oo ku hanjabay in ay ridayaan dowladda hadii uu qaato siyaasad aysan dooneyn.

Intii uu socday dagaalka Gaza, markii Netanyahu lagu qasbay in uu kala doorto dalabka Mareykanka oo ah isbahaysiga Israel ugu weyn oo dhinac ah iyo dalabka isbahaysiga dowladiisa oo dhinac kale ah, wuxuu u janjeersaday dhinaca Isbahaysiga.

Mucaaradka waxay xiisad ka dhex abuureen isaga iyo Joe Biden oo ah madaxweynaha hadda xilka ka sii degaya.

Micheal Oren waxa uu aaminsan yahay in Netanyahu laga doonayo in waji kii hore ka duwan uu kula dhaqmo madaxweyna cusub ee Mareykanka.

“Marka Donald Trump yimaado aqalka cad bisha Janaayo, waxa uu sheegay in uu haysto hal bil uu dagaalka ku joojiyo, Netanyahu waa in uu taas aqbalaa”

Dadweynaha reer Gaza ee quusta taagan waxay isha ku hayaan hal ujeedo oo ay xoogga saarayaan.

“Ballanqaad xooggan ayuu sameeyay. Waxaan rajeyneynaa in uu gacan ka geysto oo uu keeno nabad” ayuu yiri Axmed oo xaaskiisa iyo wiilkiisa ay ku dhinteen dagaalka Gaza, gurigiisana la burburiyay.

“Waan daalnay” ayuu yiri, “Waxaan rajeyneynaa in Trump oo muujiyo xoogiisa si uu xal uga gaaro arrinta Israel”

Maxamed Daoud oo sideed jeer ku barakacay Gaza intii dagaalka socda ayaa qaba in guusha Trump ay ka dhigan tahay dagaalka oo joogsaday.

Momdouh oo isna deggan Gaza ayaa qaba in uusan kala jecleyn cidda guuleysta ee uu doonayo qof joojiya dagaalka.

“Isbitaal iyo daawo ma haysano, cunto ma haysano” ayuu yiri

Dhulka la haysto ee Daanta Galbeed oo ah halka ay deggan tahay dowladda Falastiin aad ayaa looga shakisan yahay saameynta Mareykanka. In badan waxay u arkaan in labada xisbi ay daacad u yihiin Israel.

Sabri Sayedam oo ah xubin sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Fatah ayaa dhahaya, “Xalal daciif ah oo joojinaya dhibaatada lagu hayo Falastiin ama dhameynaya taageerada militeri ee Mareykanka ee Israel siiyo waxay xoojinayaan iska hor’imaadyada mustaqbalka”. Isagoo intaas sii raaciyay, “waxan dooneynaa in aan aragno Trump kale sida Trump 2 kaas oo ay ka go’an tahay in degdeg dagaalka loo joojiyo, waxna laga qabto waxa keenay dhibaatada Bariga Dhexe.

Rayi’ ururin dhawaan la sameeyay waxay muujinayaan in tiro ka badan 3 meelmood labo meel dadka Israel in ay taageersan yihiin Trump. Balse waxaa jira kuwa ka digaya tallaabooyinka aan la hubin ee Trump.

“Xaaladda waxa uu ka dhigaa mid hubaanti la’aan ah, wuuna kaga sii daraa”, ayey tiri haweeney Israeli ah.

Safiirkii hore Isreal ee Mareykanka, Micheal Oren, waxa uu aaminsan yahay hadii Israel ay la shaqeyso Trump, wax weyn ayaa la gaarayaa sida in heshiis nabadeed lala galo Sacuudiga iyo la xakameeyo saameynta Iran.

Way ku adag tahay Netanyahu in uu maareeyo dalabka iyo in meel dhexe laysugu yimaado si loo gaaro ujeedoyinka dowladiisa.

In badan oo reer Israel ah way xusuustaan Trumo markii uu madaxweynaha noqday balse xiriirka markan waxaa suuragal ah in uu ka duwanaado sidii hore.