You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
In ka badan 100 mayd oo laga helay 'kawaanka' xubnaha bani'aadaamka lagula baxo ee dalka Nayjeeriya
In ka badan 100 mayd oo go'go'ay ayaa laga helay kawaan xubnaha dadka lagula baxo oo dadka lagu qalo si sharci darro ah dalka Nigeria.
Booliska ayaa xiray hotel iyo goob meydadka la dhigo oo gaar loo leeyahay oo ku taal ismaamulka Umuhu ee degmada Ngor-Okpala ee koonfur bari Nigeria ee gobolka Imo ka dib markii la weeraray.
Booliska ayaa sidoo kale baaray hoyga tuhmanaha waxayna heleen cadeymo dheeri ah, afhayeenka booliska Imo Henry Okoye ayaa sidaasi sheegay Isniintii isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah.
Saraakiisha ayaa hadda isku dayaya inay soo qabtaan eedaysanaha oo hadda la shaaciyay in la raadinayo.
Howlgalkan ayaa waxa ka qeeyb qaatay guddoomiyaha caafimaadka Imo, dhaqaatiir ku takhasusay cudurrada faafa, mas'uuliyiin ka tirsan deegaanka, kuwaasi oo si mutadawacnimo ah kula shaqeeya booliiska. Saraakiisha ayaa hadda isku dayaya inay soo qabtaan eedaysanaha oo hadda la shaaciyay in la raadinayo.
Weerarkan ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha caafimaadka Imo, dhaqtar ku takhasusay cudurrada faafa, mas'uuliyiin ka tirsan deegaanka, iyo kuwo feejigan oo la shaqeeya booliiska.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka.
War qoraal ah oo uu soo saaray, Okoye ayuu ku sheegay: "Hotel iyo meel meydadka la dhigo oo gaar loo leeyahay , kuwasoo uu leeyahay tuhmanaha, oo la sheegay in ay adeegsadeen afduubayaal iyo dembiilayaasha rabshadaha ayaa la baaray.
"Xarunta meydadka, meydad goo'go'ay oo qurmay oo leh xaalado nadaafad darro ah ayaa la helay, taas oo sare u qaadeysa shakiga laga qabo hawlo lagula baxayo xubnaha bani-aadamka si sharci-darro ah.
'Kadib baaritaannadaas, hoteelka iyo qolka meydadka labadaba waxa lagu xiray amarka Dowladda Gobolka.
"Hoyga tuhmanaha ayaa sidoo kale la baaray, waxaana la helay waxyaabo muhiim ah. Khubarada dambi baarista ayaa diiwaangeliyay oo hubiyay caddaynta.
"Taliyaha Booliiska ayaa dadweynaha u ballan qaaday in dhammaan dadkii falkaas geystay la aqoonsan doono lana horgeyn doono sharciga."
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in baaritaan ku aadan hawl-gallo lagu tuhunsan yahay in xubnaha jirka lagula baxayey uu bilaabmay.
Okoye ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: "Ciidamo amni oo xooggan ayaa la dhigay waddada Owerri-Aba. Taliskuna wuxuu u xaqiijinayaa dadka safarka ah inay ka go'an tahay in ay sugaan ammaankooda inta lagu jiro fasaxyada".
Nayjeeriya waxaa ragaadiyay mowjado dambiyo oo isa soo taraya, iyadoo kooxaha afduubka geystay ay kordhiyeen dilal caado ah iyo kuwo looga shakisan yahay in xubnaha looga ganacsado.
Bishii la soo dhaafay, rag hubeysan oo Nigerian ah ayaa tira gabdho ah ka afduubtay dugsi hoy u ahaa ka dib markii ay dileen maamule ku xigeenkii macalimiinta, taas oo dadka soo xasuusisay afduubkii Boko Haram ee 2014 ee Chibok.
Kooxda dilka geysatay oo ku hubaysnaa qoryo ayaa 17-kii bishan November abaaro 4-tii subaxnimo weerar ku qaaday dugsiga sare ee gabdhaha ee Maga Comprehensive ee magaalada Danko Wasagu ee gobolka Kebbi.
Booliska Nigeria ayaa xaqiijiyay afduubka 25 gabdhood oo arday ah, waxayna bilaabeen howlgalo lagu baadigoobayo dadka la afduubatay.
Arinkan ayaa ku soo aadaya ka dib 14-kii April 2014, halkaas oo 276 gabdhood oo da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 18 jir ay kooxda Boko Xaraam ka afduubatay iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee dalka Nigeria, taas oo ahayd kiiskii afduub ee ugu caansanaa ee dalkaasi ka dhaca.
Iskuulka ayaa xirnaa muddo afar toddobaad ah.
Maleeshiyada ayaa gudaha u gashay iskuulka iyagoo iska dhigaya askar ka tirsan ciidamada nabad sugida Nigeria, waxaana halkaasi ku dhintay hal askari oo milateriga ka tirsan iyo askari boolis ah.
Weerarkaasi oo socday muddo shan saacadood ah, ayaa waxaa lagu gubay dhowr guri oo ku yaalla magaalada.
Sida laga soo xigtay warbixino laga helay gabdho baxsaday, dableyda ayaa damacsanaa inay xadaan qalab makiinado ah lamana hubo waxa ay ku sameynayaan gabdhaha.
Ugu dambayntiina waxay ku amreen gabdhihii inay raacaan, iyagoo qaarkoodna ku qaaday baabuur.
Kuwo kale ayaa lagu amray inay dhowr mayl lugeeyaan ilaa uu garai kale ka qaado.
57 ka mid ah Gabdhaha Iskuulka, ayaa waxaa u suurtagashay inay isla markiiba baxsadaan, iyagoo ka booday Gawaarida xamuulka ah, halka kuwa kalana ay soo badbaadiyeen Ciidamada Nigeria.
Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa sidoo kale kaalmo dheeri ah ka dalbaday Faransiiska si uu ula dagaallamo rabshadaha baahsan ee ka jira waqooyiga dalkaasi. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidaasi sheegay Axaddii, toddobaadyo ka dib markii Mareykanka uu ku hanjabay inuu faragelin doono si uu u difaaco Masiixiyiinta Nigeria.
Macron waxa uu sheegay in uu telefoon kula xiriiray Tinubu Axaddii, halkaas oo uu u gudbiyay taageerada Faransiiska ee Nigeria iyada oo la tacaalaysa caqabado dhawr ah oo dhinaca ammaanka ah, "gaar ahaan khatarta argagixisada ee Waqooyiga."