Sababta Ukraine ay ciidamadeeda uga saartay dal ku yaalla Afrika?

Xigashada Sawirka, MONUSCO
Ilaa 250 askari oo u dhashay dalka Ukraine kana mid ahaa ciidamada ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta ee joogay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa dib ugu laabtay dalkooda si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka.
Markii bishii March la shaaciyay in ciidamada cirka Ukraine ay isaga baxayaan dalkaas, waxay diblumaasiyiinta ka digeen in ciidamada nabad ilaainta ee ka howlgala DRC ay soo wajahi karto gabaabsi dhanka diyaaradaha dagaalka ah.
Ciidamada Ukraine ee haatan isaga baxay dalkan ku yaalla Afrika waxay kaalin muhiim ah ka qaadanayeen dagaalka ka dhanka ah fallaagada fadhigeedu yahay bariga Jamhiuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Siddeed kamid ah diyaaradaha dagaalka Ukraine ayaa qeyb kaa ahaa saddex meelood meel diyaaradaha dagaal ee howlgalka UN-ta ee DRC.
Tan iyo duulaankii uu Ruushka bishii February ku qaaday Ukraine waxay horey dalkaas uga saartay ciidamadeeda howlgalka kale ee nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee halkaas la geeyay.
Jacques Ndjoli, oo ka tirsan guddiga gaashaandhigga baarlamaanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, ayaa BBC-da u sheegay in ka bixitaanka halkaas ku tilmaamay arrin halis ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in nabad ku soo dabaalidda dalka ay mas'uul ka yihiin ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Markii ay ciidamada Ukraine isaga baxeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, taliyaha ciidamada Brazil ee qeybta ka ah howlgalka Qaramada Midoobay, Gen Marcos da Costa, ayaa yiri sidatan " waxaan si weyn uga mahadcelineynaa waxqabadkoodii muddada 10-ka sano aheyd".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, ee Monusco, ayaa waxaa soo food saaray cadaadis uga imaanayay gudaha dalkaas.
Waxaa si weyn loogu dhaliilay inay ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan amni darrada ka jirta bariga DRC halkaas oo ay ka hawlgalaan kooxo badan oo hubaysan muddo sodon sano ah, kuwaas oo dil, kufsi iyo dhac geystay iyo dhac ka dhan ah kheyraadka sida macdanta gobolka gaar ahaan dahabka iyo dheemanka.
Bishii July, 36 qof, oo ay ku jiraan afar ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, ayaa dhintay ka dib markii dad dibadaxayay ay weerareen dhismayaal Qaramada Midoobay ay ku laheyd magaalooyin ku yaala bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Kadib muddo 22 sano ay ciidamadan ku sugnaayeen DRC, waxaa la filayaa in uu hoos u dhac ku yimaado howlgalka balse lama sheegin wakhtiga lasoo gabagabeyn doono howlgalka nabad ilaalinta.
Monusco waxaa hadda dalka ka jooga ku dhowaad 18,000 oo askari, oo ay ku jiraan in ka badan 12,000 oo askari oo ka socda dalalka Pakistan, Hindiya iyo Bangladesh. Waxaa loo malaynayaa in Qaramada Midoobay ay hoos u dhigto tirada ciidamadaan inkastoo aan taariikhda la cayimin.
Monusco ayaa xilka kala wareegay howgal hore oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalkaas sanadkii 2010-kii.
Waxaa kor u kacay iska-hor-imaadka halkaas ka socda oo ay ku lug leeyihiin dhowr kooxood oo hubaysan oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa M23 iyo Xoogagga Dimuqraadiga ah.
Waa kamid ah howlgalka ugu ballaaran kharashka ugu badana uu ku baxo ee kamid ah 12 howlgal ee nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey.














