Maxay Soomaaliya ka faa'ideysaa xubinnimada hay'adda atoomigga adduunka (IAEA)

Xigashada Sawirka, Rafael Mariano Grossi/X
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Austria iyo Switzerland, ahna sidoo kale wakiilka rasmiga ee Soomaaliya Soomaaliya ku matala hay'ada quwadda atoomikada (IAEA), Amb. Khadra Axmed Ducaale ayaa si rasmi ah waraaqaheeda aqoonsiga ugu gudbisay agaasimaha guud ee hay'ada atoomikada IAEA Rafael Mariano Grossi
Munaasabad lagu qabtay xarunta hay'adda ee Vienna ayaa lagu xusay xiriirka xoogan ee Soomaaliya la leedahay hay'ada Qaramada u qaabilsan la socoshada nukliyeerka. Amb. Khadra waxay u gudbisay hay'adda sida ay Soomaaliya uga go'an tahay in ay xiriir dhow la yeelato hay'adda gaar ahaan qeybaha nukliyeerka ee loo adeegsado tamarta, beeraha iyo caafimaadka.
IAEA waxay caawisaa dalalka si ay u adeegsadaan tiknoolojiyada casri ah oo lagu ilaaliyo deegaanka, laguna qiimeeyo saamaynta isbeddelka cimilada.
Taageerada IAEA
Sidoo kale xubinimada IAEA waxay Soomaaliya ka caawinaysaa ilaalinta in isticmaalka tamarta nukliyeerka ay ku koobnaato ujeeddooyin nabadeed.
Agaasimaha guud ee hay'ada Mr Grossi waa uu soo dhaweeyay doorka firfircoon ee Soomaaliya kaga jirto hay'ada isagoo u xaqiijiyay in ay IAEA ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii ay uga faa'ideysan laheyd tiknolojiyada nukliyeerka si loo helo horumar waara.
"Waxaan rajeynayaa in aan ka wada shaqeyno si aan u balaarino helitaanka farsamada seyniska nukliyeerka" ayuu yiri Mr Grossi.
IAEA waxay taageertaa dalalka xubnaha ka ah si ay u horumariyaan adeegyada caafimaad, sida baaritaanka iyo daaweynta kansarka iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyadda nukliyeerka.
Danjire Khadra ayaa ka hadashay mudnaanta Soomaaliya ay siineyso caafimaadka bulshada, haqab-beelka cuntada iyo sida lagu maareynayo deegaanka oo ay ku jiraan meelaha ay farsamo ahaan ku sareyso hay'ada oo hore ay wax uga qabatay.
Sidoo kale waxay sheegtay Amb. Khadra sida ay Soomaaliya u daneyneyso dhisidda awood qaran iyadoo loo marayo tababaro iyo iskaashiga gobolka ee hay'adda. Soomaaliya waxay ka faa'iidaysan doontaa tababaro iyo qalab casri ah oo lagu horumarinayo caafimaadka bulshada.
Soomaaliya waxay ku biirtay ururka Atoomikada adoonka ee IAEA bishii September sanadkii hore ee 2024, waxayna Soomaaliya noqotay dalkii 179-aad ee xubin ka ah hay'adda. Ku biirsta Soomaaliya ee hay'ada ayaa loo arkay guul weyn oo Soomaaliya ay ku muujineyos sida ay uga go'an tahay in ay kor u qaado in si nabad ah loo isticmaalo farsamada nukliyeerka, laguna gaaro horumar waara, badqab iyo ammaan.

Xigashada Sawirka, SONNA
Maxay Soomaaliya ka faa'iidaysaa ku biiridda IAEA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Soomaaliya waxay heli doontaa taageero farsamo iyo talooyin ku saabsan isticmaalka tamarta nukliyeerka ee nabadeed, gaar ahaan dhinacyada tamarta korontada. Tani waxay yareyn kartaa ku tiirsanaanta shidaalka, isla markaana waxay kor u qaadi doontaa horumarinta dhaqaalaha" ayey tiri danjire Khadra.
Safiir khadra Ahmed Ducaale waxay noqotay wakiilkii ugu horeeyay ee Soomaliya u fadhiya hay'adda atoomikada adduunka.
"Ku biirista Soomaaliya ee IAEA waa tallaabo istiraatiiji ah oo u horseedaysa dalka horumar dhaqaale, caafimaad, amni iyo deegaan. Sidoo kale waxay xoojinaysaa kaalinta Soomaaliya ee iskaashiga caalamiga ah, iyadoo fursad u siinaysa shacabka in ay ka faa'iidaystaan tiknoolojiyadda nukliyeerka ee nabadda u adeegta" ayey u sheegtay BBC.
Hay'adda quwada atoomikada adduunka ee (IAEA) waxaa lagu dhisay sanadkii 1957-dii nidaam waafaqsan Qaramada Midoobay. Hay'ada waxay ka shaqeysaa in nukliyeerka loo isticmaalo hab nabadeed lana xaqiijiyo in aan loo adeegsan ujeedooyin militeri.
Hay'ada waxay kala shaqeysaa dalalka xubnaha ka ah in tiknolojiyada seyniska nukliyeerka u adeegsadaan horumarinta dhaqaalaha, abuurista tamarta iyo habab kale oo nabdoon.
Sidoo kale hay'ada IAEA waxay ka shaqeysaa oo ay u tahay xarun in nukliyeerka loo isticmaalo si badqab ah. Dalalka aan horumarin gaar ahaan dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay waxay ka caawin kartaa faa'idooyin la xiriira adeegyada caafimadka, beeraha, biyaha iyo farsamada gacanta iyadoo loo marayo barnaamijyo gobolku iska kaashahanayo.













