Mid ka mid ah meelaha barakaysan ee adduunka oo loo beddelayo meel loo dalxiis tago

Xigashada Sawirka, Universal Images Group via Getty Images
Muddo sanado ah,dadka booqashada ku yimaada waxay ku dadaali jireen inay fuulaan Buurta Siinay iyagoo wata hageyaal ka tirsan dadka la yiraahdo Bedouin ah si ay u daawadaan qorrax soo baxa, dhulka dhagaxa ah ama meelo kale oo la fuulo oo Bedouin ku hogaaminayo.
Hadda mid ka mid ah meelaha ugu xurmada badan Masar oo ay ixtiraamaan Yuhuuda, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta ayaa xuddun u ah khilaaf aan quddus ahayn oo ka dhashay qorshayaal loogu beddelayo mashruuc dalxiis oo cusub.
Buurta Siinay oo loo yaqaan Jabal Muusa, waa meesha nebi Muuse la sheegay in lagu siiyey Tobanka Amar (the ten commandments). Dad badan ayaa sidoo kale aaminsan in meeshan ay tahay meeshii sida Baybalka iyo Qur'aanka ku cad, uu Ilaahay nebiga kula hadlay isagoo jooga duurka gubanaya.
Kaniisadda la dhisay qarnigii 6aad ee St Catherine's Monastery, oo ay maamusho Kaniisadda Ortodokska ee Giriiga, ayaa sidoo kale halkaas ku taal - waxayna u muuqataa in ra'yigooda ay sii jiri doonaan hadda iyadoo mas'uuliyiinta Masar, oo cadaadis ku haya Giriigga, ay diideen inay rabaan inay xiraan.
Si kastaba ha noqotee, wali waxaa jira walaac qoto dheer oo ku saabsan sida meesha go'doonsan ee ku taalla saxaraha fog oo ah goob ka mid ah goobaha Dhaxalka Adduunka ee UNESCO oo ka kooban kaniisadda, magaalada iyo buurta, halkaasoo la beddelayo. Hoteello qaali ah, guryo fiilooyin ah iyo suuqyo laga dukaameysto ayuu dhismahoodu halkaas ka socdaa.
Waxay kaloo deegaan u tahay jufo ka mid ah beesha Bedeouin oo ah qabiilka Jebeleya. Durba qabiilka, oo loo yaqaan Ilaaliyeyaasha St Catherine, ayaa la burburiyay guryahoodii iyo xeryihii deegaanka ee dalxiiska iyada oo aan wax magdhow ah la siin. Waxaa xitaa lagu qasbay in ay meydad ka soo saaraan qabuuraha deegaanka si halkaa looga dhigo baarkin cusub.
Mashruucan ayaa laga yaabaa in loo soo bandhigay qaab ah horumar waara kaas oo kor u qaadi doona dalxiiska, laakiin sidoo kale waxa la soo rogay Bedouin iyada oo aan la tixgelin rabitaankooda, ayuu yiri Ben Hoffler, oo ah qoraa Ingiriis ah, kaasoo si dhow ula shaqeeyay qabaa'ilka Siinaay.
"Arrintani ma ahan horumar sida ay reer Jebeleya u arkaan ama ay dalbadeen, balse sida ay u egtahay waaamar dusha sare laga soo rogay oo u adeegaya danaha marka loo eego tan bulshada deegaanka," ayuu u sheegay BBC-da.
"Magaalo cusub ayaa laga dhisayaa deegaanka qabiilka Bedouin ee dhaxalka reer guuraaga ah," ayuu raaciyay. "Waa adduun ay mar walba doorteen inay ka go'aan, dhismihiisana aysan raalli ka ahayn, iyo mid baddali doona halkii ay weligood ku lahaayeen dalkooda".
Dadka deegaanka, oo tiradooda lagu qiyaasay 4,000 ayaan doonayn inay si toos ah uga hadlaan isbeddellada.
Ilaa hadda Giriiggu waa awoodda ajnabiga ah ee ugu badan ee ku saabsan dadka aadka uga hadla, sababtoo ah xiriirka ay la leeyihiin keniisadda.
Xiisada u dhaxaysa Athens iyo Qaahira ayaa kacday ka dib markii maxkamad ku taalla Masar ay xukuntay bishii May in kaniisadda St Catherine's oo ah kaniisadda ugu da'da weyn adduunka ee sida joogtada ah loo isticmaalo ay uu ku taallo dhul dawladeed.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muran tobannaan sano socday ka dib, garsoorayaashu waxay sheegeen in kaniisadu ay "xaq u leedahay" oo keliya in la isticmaalo" dhulka ay ku fadhido iyo goobaha diimeed ee qadiimiga ah ee ku hareeraysan.
Archbishop Ieronymos II ee Athens, madaxa Kaniisadda Giriiga, ayaa si degdeg ah u cambaareeyay xukunka.
"Hantida keniisadda waa la qabsanayaa oo waa lala wareegayaa, iftiinka ruuxiga ah ee Ortodokska iyo Hellenism wuxuu hadda wajahayaa khatar jirta," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.
Wareysi naadir ah, wadaadka St Catherine ee muddada dheer, Damianos, ayuu ugu sheegay wargeys ka soo baxa Giriigga in go'aanka uu ahaa "mid dharbaaxo nagu ah... iyo ceeb". Sida uu arrinka u maamulay waxa ay keentay kala qaybsanaan ba'an oo u dhaxaysa baadariyada iyo go'aankii uu dhawaan xilka kaga degey.
Wadaadka Ortodokska ee Giriigga ee Jerusalem ayaa tilmaamay in goobta barakeysan - oo ay leedahay kaniisadda - uu siiyay warqad ilaalin ah Nebi Muxamed laftiisa.
Waxay sheegtay in keniisaddii Byzantine - oo si aan caadi ahayn u deggan masaajid yar oo la dhisay waagii Faatimid - wuxuu ahaa "goob nabadeed oo u dhexeysa Masiixiyiinta iyo Muslimiinta iyo meel astaan u ah rajada magangelyada adduun ay colaaddu ragaadisay".
Iyadoo xukunkii maxkamadda ee muranka dhaliyay uu weli jiro, diblumaasiyad badan ayaa aakhirkii ku dhammaatay bayaan wadajir ah oo u dhexeeya Giriiga iyo Masar oo xaqiijinaya ilaalinta aqoonsiga iyo hiddaha dhaqanka ee St Catherine ee Giriigga Ortodokiska.

Xigashada Sawirka, Ben Hoffler
'Haydiyad gaar ah' mise faragelin aan dareen lahayn?
Masar waxa ay bilawday mashruuceeda is bedelka weyn ee ay dawladdu maalgaliso ee dalxiisayaasha sanadka 2021. Qorshaha waxa ka mid ah furitaanka hoteello, goobo la dego iyo xarun weyn oo loogu tala galay dadka soo booqda, iyo sidoo kale in la balaariyo madaarka yar ee u dhaw iyo gaari xarkaha ku socda oo tagaya ilaa buurta Muuse.
Dawladdu waxay dhiirri gelinaysaa horumarka ayadoo u so bandhigaysa inay tahay "hadiyadda Masar ee adduunka oo dhan iyo diimaha oo dhan".
"Mashruucu wuxuu bixin doonaa dhammaan adeegyada dalxiiska iyo madadaalada ee dadka imaanaya loogu tala galay, kor u qaadista horumarka magaalada [ay ku taallo St Catherine] iyo nawaaxigeeda iyadoo la ilaalinayo dabeecadda deegaanka, muuqaalka, iyo hiddaha dabiiciga ah, wuxuuna siin doonaa hoy kuwa ka shaqeeya mashaariicda St Catherine," Wasiirka Guryeynta Sherif el-Sherbiny ayaa yiri sannadkii hore.
Iyadoo ay shaqadu u muuqato in ay hakad gashay, ugu yaraan si ku meel gaar ah, arrimo la xiriira maalgelinta awgeed, ayaa dhulka dhagaxa ah ee al-Raha oo ah meel eegeysa kaniisadda St Catherine's ayaa mar hore la beddelay. Dhisidda wadooyin cusub ayaa halkaa ka socota.
Halkani waa meesha xertii Muuse, reer binu Israa'iil, la sheegay in ay ku sugayeen isaga intii uu ku sugnaa Buurta Siinay. Dadka dhaleeceeyana waxay yiraahdeen sifooyinka dabiiciga ah ee gaarka ah ee aagga ayaa ah kuwo la burburiyey.
Iyadoo si faahfaahsan u sharraxaysa qiimaha caalamiga ah ee goobta, ayaa UNESCO waxay xustay sida "muuqaalka buuraleyda ah ee ku wareegsan... uu u sameeyo Muuqaalka ku haboon ee kaniisadda oo xagga dambe ka muuqata".
UNESCO waxay tiri "Halka ay ku taallo waxay muujinaysaa iskuday ula kac ah oo lagu dhidbayo xiriir hoose oo ka dhexeeya quruxda dabiiciga ah iyo fogaanshaha oo dhinac ah, iyo ka go'naanta ruuxiga ah ee aadanaha dhinaca kale."
Sannadkii 2023, Unesco waxay iftiimisay walaaceeda, waxayna ugu baaqday Masar inay joojiso horumarka, hubiso saameyntooda oo ay soo saarto qorshe ilaalin. Tani ma dhicin.
Bishii Luulyo, hay'adda Ilaalada Dhaxalka Adduunka waxay soo dirtay warqad furan oo ay ugu baaqayso Guddiga Dhaxalka Adduunka ee UNESCO inay aagga St Catherine geliso Liiska Goobaha Dhaxalka Adduunka ee khatarta ku jira.
Ololeeyeyaasha ayaa sidoo kale la xiriiray King Charles oo ah ilaaliyaha St Catherine Foundation, kaas oo aruuriya dhaqaale lagu caawiyo ilaalinta iyo barashada dhaxalka keniisadda, iyada oo la ururinayo qoraal-gacmeedyo qadiimi ah oo Masiixi ah. Boqorka ayaa goobta ku tilmaamay "dhaxal sare oo ruuxi ah oo ay tahay in loo ilaaliyo jiilka soo socda".

Xigashada Sawirka, Ben Hoffler
Mashruucan weyn maaha kii ugu horreeyay ee Masar u soo jiida dhaleecayn, dareen la'aanta taariikhda gaarka ah ee dalka.
Laakiin dawladdu waxay u aragtaa qorshayaasheeda taxanaha ah ee waaweyn inay fure u yihiin dib-u-kicinta dhaqaalaha.
Qaybta dalxiiska Masar ee mar aad u kobcaysay waxay bilaabeen inay ka soo kabtaan saamaynta masiibada Covid-19, dagaalka naxariis darrada ah ee Qaza, iyo mowjad cusub oo xasillooni darro ah gobolka ka taagan ah. Dawladdu waxay ku dhawaaqday hadaf ah in la gaaro 30 milyan oo booqasho ah sanadka 2028.
Dawladihii Masar ee isdaba jooga ahaa, horumarinta ganacsiga ee Siinay ayaa la hirgaliyey iyada oo aan lagala tashan bulshooyinka Bedouin ee asaliga ah.
Marin biyoodkaas waxa ay Israa'iil qabsatay dagaalkii bariga dhexe ee 1967-kii, waxaana ay ku soo noqotay gacanta Masar oo keliya ka dib markii ay labada dal kala saxiixdeen heshiis nabadeed sannadkii 1979-kii. Bedouin ayaa tan iyo xilligaas ka cabanayey in loola dhaqmo sidii muwaadiniin dabaqadda labaad ah.
Dhismaha goobaha caanka ah ee Masar ee loo aado Badda Cas, oo ay ku jirto Sharm el-Sheikh, ayaa ka bilaabmay Koonfurta Siinaay sannadihii 1980-aadkii. Dad badan ayaa u arka wax la mid ah waxa hadda ka socda St Catherine.
"Reer Baadiyaha waxay ahaayeen dadka gobolka, waxayna ahaayeen hagayaasha, shaqaalaha, iyo dadka la kiraysto," ayuu yiri saxafiga Masar ee Mohannad Sabry.
"Dalxiiskii ayaa soo galay, waana la riixay - kaliya maaha in laga riixo ganacsiga laakiin dad ahaan ayaa dib looga riixay badda".
Sida goobaha badda cas, waxaa la filayaa in dad Masaari ah laga keeno meelo kale oo dalka ah si ay uga shaqeeyaan horumarinta St Catherine cusub. Si kastaba ha ahaatee, dawladdu waxay sheegtay inay sidoo kale "kor u qaadayso" aagagga la deggan yahay ee Bedouin.
Kaniisadda St Catherine's Monastery waxay soo martay kacdoono badan illaa kunkii sano ee la soo dhaafay iyo barkii, laakiin, markii baadarigii ugu da'da weynaa uu goobta markii hore u guuray waxay ahayd meel fog.
Taasi waxay bilawday inay is beddesho iyadoo balaarinta goobaha loo dalxiis tago ee Badda Cas ay keentay kumanaan qof oo cibaadaysanaya oo yimaada xilliyada ay ugu badan yihiin safar hal maalin ah.













