Maxey Soomaalidii hore ku garan jireen marka uu dhacayo dayax madoobaad?

Xigashada Sawirka, EPA
Meelo badan oo dunida waxaa xalay dadka daawanayeen cirka iyagoo eegaya markii dayaxu madoobaday, taas oo ah dhacdo cajiib ah oo dhacda markaas oo dayaxu yeesho midab casaan madow ah.
Cirbixiyeennaddu waxay sheegaan in dayax madoobaadku inta badan uu dhaco marka Dayaxa, Qorraxda iyo dhulku isku beegmaan taas oo macnaheedu yahay in dhulku kala dhexgalo qoraxda iyo dayaxa uuna horseedo in iftiinkii qoraxdu uu soo gaari waayo dayaxa dabadeedna uu yeesho midab ka duwan kii lagu yaqaanay oo ah gaduud madow ku jiro.
Muuqaalka soo jiidashada leh ayaa si buuxda looga arkay dhowr dal oo dunida ah, taasoo noqotay mid aad loo xiiseeyay.
Meelo badan oo ka mida caalamka islaamka ayaa laga oogay salaada Dayax madoobaadka, iyadoo diinta Islaamku sheegtay in dayax madoobaadku yahay mid ka mida aayadaha Alle weyne u gaarka ah.
Wadamada qaar ayaa looga arkaa dhacdo farxadeed iyadoo la sameeyo dabaal-degyo gaar ah.
Dalal ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Hindiya ayaa lagu qabtaa musaabado dayax madoobaadka ah kuwaas oomla xiriira dhaqamo iyo caadooyin soo jiray muddo qarniyaal ah.
Laakiin Ummad walba oo leh dhaqan ku suntan xiddigaha dayax-la jiifayasha ah iyo gododka ay ku kula jiraan, waxay leeyihiin hab tirsi u qiyaasa maalmaha iyo sanadaha uu dhici karo dayax madoobaadku.
Soomaalida iyo dayax madoobaadka

Xigashada Sawirka, Google
Soomaalida oo leh dhaqan guun ah oo xiddigo tirisku yahay mid muddo dheer ay ku dhaqmayeen ayaa si faahfaasan u sharraxa qaababka iyo xiliyada qorraxda iyo dayaxu madoobaadaan iyo waxa ay ku tilmaan inay u dhacaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ibraahim Axmed Cali oo loo yaqaan Xeer Ciise, waa cilmibaare ka tirsan hay'adda dhaqamada iyo raadadkii hore ee qadiimiga CERD ee Jabuuti, wuxuu BBC-da u sheegay in marka kowaad dayax madoobaadku yahay mid ka mid Aayadaha Alle ee dadku koonka ku arkaan.
Odoyashii hore ee xiddigiska Soomaalida ayaa si weyn u yaqaanay cilmiga falaga, odoyaashaas waxaa ka mid ahaa Mayrane Barre Xoosh oo caan ku ahaa Ina Riyo Cas, oo Ibraahim Axmed ka soo xigtay wuxuu uu ka yiri dayax madoobaadka isagoo ku salaynayey aqoontii Mayrane u laha xiddigiska.
"Dayax madoobaadka iyo qorrox madoobaadku waxay dhacaan ama yimaadan marka ay isku beegmaan lix god oo ka mida 28 god, waxayna kala yihiin godka koowaad waxaa la yiraahdaa goddan meelaha qaarkoodna Faraaci, godkaasi waa marku ku beegan yahay xiddiga kowaad ee qaybta kowaad ee xiddigaha loo yaqaan Saddexda "Meecaadood", godka labaad waxaa weeye Listan, waa godka labaad ahna xiddiga labaad, godka saddexaad waa Tarah ama Af-qoys waa godka tobnaad, godka afaraaad waa Dirir- bayaxoow, godka shanaad waa Maran-daalalo, godka lixaadna waa Dhiriqley. Haddaba gododkaas lixda waa gododka ay cadceedu ama dayaxuba ku madoobaan markay isku beegmaan" ayuu yiri Ibraahim Xeer Cise isagoo ka soo dheegtay xiddigis yaqaan Mayrane Xoosh.
Ibraahim oo soo xiganaya Xiddigis yaqaan Mayrane Xoosh, ayaa intaas ku daray "in dayaxu madoobaado markay bisha dayaxu tahay ama tiro ahaan shinkiisu yahay 13, 14 ama 15 habeen markaas haddii uu ku beegmo lixdaa god mid ka mid ah waxaa la rumaysan yahay inuu madoobaado,"
Waa maxay dayax madoobaadka iyo bisha oo gaduudata?
Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulka uu si toos ah u dhex maro Qorraxda iyo Dayaxa, taas oo hoos u dhigaysa iftiinka qorraxda isla markaana mugdi gelineysa Dayaxa.
Inta lagu guda jiro dayax-madoobaadka, dayaxa waxaa qariya hooska dhulka, wuxuuna isku beddeelaa mid casaan ah badanaaba casaan mug leh.
Ka hor iyo ka dib guud ahaan, dayaxu wuxuu maraa laba marxaladood oo kale.
Qeyb ka mida dayx madoobaadka waxay dhacdaa kaliya marka qeyb ka mid ah dayaxu uu galo hooska dhulka, isagoo sameynaya qaybo madow oo muuqda.
Dayax-madoobaadka mararka qaarkood wax loo yaqaanaa "Dayaxa Dhiigga" sababo la xiriira midabka cas ee dayaxa inta lagu jiro dhacdadan. "Taariikhda dahaan, dadka waxay u arkaan sidii xaalad xun. Laakiin runtii, waa kala soocidda iftiink dhulka - saameynta isku midka ah ee ay na siiso qorraxda," ayuu yiri Dr. Bloomer.
Muuqaalka casaanka ah waa natiijada muuqaal loo yaqaan "shucaaca xidigaha "taas oo sidoo kale cirka ka dhigta buluug iyo guduudka ama casaan marka ay qorraxdu dhaceyso. Waxay faafisaa iftiinka gaaban ee buluuga ah, taas oo ay suurtogal tahay in iftiinka dheer ee casaanku in uu noqdo mid muuqda.
Inta lagu jiro dayax-madoobaadka buuxa, iftiinku qaabeeynaya dayaxa waxa uu ka soo gudbaa hawada dhulka.
Waxa loo maleeyaa sidii qorrax soo bax iyo qorrax dhac dhulka taas oo qaabeeysa dayaxa.













