Soomaaliya oo loo doortay inay qayb ka noqoto hogaanka hay'ad heer qaaradeed ah

Calamada ARC

Xigashada Sawirka, ARC

Soomaaliya ayaa dhawaan xubin ka noqotay guddiga maamulaya Hay’adda African Risk Capacity (ARC), ayadoo seddexda sano ee soo socota uu guddigaas, oo hogaamin doona hay’adaas, ay xubin buuxda ka ahaanayso hay’adda maaraynta musiibooyinka SODMA, oo uu matalayo Maxamed Cumar Macallin (Wayaake).

Tartan loo galay jagadaas ayey Soomaaliya kaga guulaysatay 39 waddan oo Afrikaan ah. Maxay haddaba uga dhigan tahay guushaas dal ahaan iyo qof ahaanba.

“Waxay Afrika u leedahay muhiimad, Soomaaliyana qiime weyn ayey ugu fadhidaa, waayo waxay shir guddoominaysay kal-fadhigii 14aad, Soomaaliyana waxay sannadkii ugu dambeeyey ka ahayd wax loo yaqaanno COP, oo la mid ah hogaanka” ayuu yiri Wayaake oo hay’adda SODMA u ah la taliye sare.

Wuxu intaa ku daray in shaqada ugu weyn ee hay’addaas ay tahay in khatarta dhicin karta meelo kala duwan loo qaybiyo, lacagna loo uruuriyo, si wax looga qabto wixii fatahaad ama abaar ah ee dhacda.

ARC

Xigashada Sawirka, AU

Mar wax laga weydiiyey juhdigii Soomaaliya uga baxay tartankii ay la gashay dalalka kale ee Afrikaanka ayuu Wayaake u kala qaaday. “Mid waa guddoonkii ay Soomaaliya haysay sannadkii la soo dhaafay oo hadda loo doortay boqortooyada Lesotho inay Soomaaliya kala wareegto, tan kalena waa midda aniga shaqsi ahaan la iigu doortay oo ah in aan ka mid noqdo guddiga maamulaya, anigoo ku matali doona dalalka Afrikada bari” ayuu yiri Wayaake.

Hay’addan ARC ayaa ah hay’ad hoos timaada midowga Afrika oo la aasaasay 2012, waxaana kale oo ay bahwadaag yihiin hay’adda caymiska ARC oo isugu jirta hay’ad caymis iyo mid ganacsi, taasoo iyadana la aasaasay 2014.

Ujeeddada loo sameeyey ayaa lagu sheegay inay tahay inay xukuumadaha Afrikaanka ka caawiso sidii ay awooddooda u hagaajin lahaayeen, oo ay u samaysan lahaayeen qorshe wanaagsan, diyaar garow iyo ka jawaabibba masiibooyinka ka dhasha xaaladaha cimilada ee aadka u adag iyo sidoo kale cudurrada dillaaca.

Wayaake

Xigashada Sawirka, Wayaake

Qoraalka sawirka, Wayaake

“ARC waxay xal Afrikaan ugu yaboohaysaa mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee qaaradda, isbeddelka cimilada, in khataraha cimilada laga wareejiyo xkuumadaha, ayna beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ay ilaaliyaan loo wareejiyo ARC si ay u maamusho khatarta” ayaa lagu xusay qoraal lagu qoray barta internetka ee hay’adaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maadaama Soomaaliya ay tahay dal sabool ah, dhibaato cimilada ka dhalatayna ay u dheer tahay, hay’addiisa masiibooyinkana ay hadda Afrika hogaaminayso ayey BBCdu weydiisay Wayaake waxa ay qaban karaan.

“Waxyaabaha la qaban karo waxaa ka mid ah in masiibooyinka ka hortag ama ka dibatag lagu sameeyo, taana micnaheedu waa in la raad iyo wixii loo baahnaa ama ololeyn badan loo sameeyo, gaar ahaan Afrika gudaheeda” ayuu yiri Wayaake.

Hay’adda ARC waxaa xubno ka ah 39 dal, kuwaasoo haga wajhadda cilmi baariseed iyo tan siyaasadeed ee maamulka masiibooyinka ee hay’addu qaadanayso. Waxaa imimka jira qorshe la doonayo in dalal kale ay xubno uga noqdaan.

Dalalka qaaradda Afrika badankood waxay dhibaneyaal u yihiin isbeddelka cimilada ka dhasha ee sababa gaajo, fatahaado iyo abaaro. Dhowrkii sano ee u dambeeyey, gaar ahaan 2019 – 2022 waxaa gobolka soo maray Ayax lagu tilmaamay kii ugu darnaa muddo 25 sano ah ee soo mara Soomaaliya iyo Itoobiya, halka Kenyana uu ahaa kii ugu darnaa muddo 70 sano ah.