Ninkii dacwadda ku oogay Israa'iil iyo Xamaas oo isna baaritaan lagu bilaabay

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ayaa shaacisay in la sameyn doono baaritaan ku saabsan eedeymo la xiriira anshax xumo jinsiyeed oo loo soo jeediyay dacwad oogaha guud oo ka tirsan maxkamaddan.
Karim Khan ayaa sheegay inuu sii wadi doono shaqadiisa inta baaritaanku socdo. Wuxuu diiday eedeymahaasi loo soo jeediyay.
Xeer ilaaliyaha guud ayaa codsaday in baaritaanja ay sameyso maxkamadu, balse isniintii gudiga maamulka ICC, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baaritaanka.
Arrintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii la baahiyay warbixin ku saabsan dukumeentiyo tilmaamaya eedeymo ka dhan ah Mr. Khan, kuwaas oo la’ fahamsan yahay inay ku jiraan “galmo qasab iyo "isticmaal xad-gudub jinsiyadeed ah".
Bayaan uu soo saaray ayuu Mr Khan ku sheegay "in uu horay ugu baaqay baaritaan la xiriira arrintan".
"Waan soo dhawaynayaa fursada aan ku galo hawshan," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in uu sii wadi doono "dhammaan hawlaha kale ee dacwadaha ku saabsan" inta uu baaritaanku socdo.
Arrin kasta oo khuseeya baaritaanka eedeymaha isaga ka dhanka ah waxaa maamuli doona ku xigeennada dacwad oogaha oo uu ka madax bannaanyahay, "si loo hubiyo in dhammaan xuquuqda dadka si buuxda loo ixtiraamo," ayuu yiri.
Sida laga soo xigtay wargeyska The Guardian, gabar qareen ah oo sheegtay in Mr Khan uu kula kacay xadgudubyo galmo oo aan loo baahnayn ayaa muujisay welwelka ku saabsan kartida iyo in hab madax-bannaan ay kormeer ugu sameyso hay’adda (IOM) baaritaanka ay samaynayso Maxkamadda ICC.
Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Khan uu ka jawaabay cabasho galmo oo rasmi ah oo isaga ka dhan ah isaga oo isku dayaya in uu ka dhaadhiciyo dhibbanaha in ay ka laabato eedaha, inkasta oo lagula taliyay in ay iska ilaaliso xiriirkiisa.
Mr Khan ayaa beeniyay in uu haweeneyda weydiistay in ay ka laabato eedeymaha, sida uu sheegay The Guardian.
Paivi Kaukoranta, oo ah madaxa hay’adda loo xilsaaray kor joogteynta arrimahaan ee maxkamadda, ayaa bishii hore sheegtay in IOM ay la xiriirtay dhibbanaha, balse waxay sheegtay inaysan awood u lahayn inay baaritaanka sii waddo.
Bayaan ay soo saartay Isniintii, ayay ku difaacday awoodda IOM ay u leedahay in ay fuliso baaritaanka laakiin waxay tiri "marka la eego duruufaha gaarka ah," ma aysan diidin "in ay si aan caadi ahayn u milicsato baaritaan ka baxsan maxkamadda".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Sidaa darteed waxaa la muujinayaa rabitaanka baaritaan ka baxsan gudaha si loo xaqiijiyo hanaan madax-bannaan oo dhammaystiran, dhexdhexaad iyo cadaalad ah," ayay tiri.
Waxay ku soo beegantay arrintaan iyadoo ay si weyn isha ugu hayaan maxkamadda ICC iyo Mr Khan ka dib markii dacwad ooguhu uu horey u soo saaray amarro lagu soo xirayo dadka lala xiriinayo colaadda Qasa.
Bishii May, Mr Khan waxa uu sheegay in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamini karo in ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo hoggaamiyeyaashii Xamaas Yaxye Sinwar, Maxamed Deif iyo Ismaaciil Haniyeh ay qaadayaan mas'uuliyadda dembiyada dagaal iyo dembiyada ka dhanka ah bani'aadamnimada laga bilaabo maalintii uu dhacay weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa'iil 7-dii Oktoobar
Sinwar, Deif iyo Haniyeh ayaa dhamaantood waxaa dilay Israa'iil.
Hadal uu hore u soo saaray, Mr Khan si cad uguma eedayn Israa’iil, balse waxa uu isku xiray eedaymaha dhaqan-xumada galmad ah iyo dedaallada lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo mawqifkiisa, markii uu arrintan ku tilmaamay “in isaga iyo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ay la kulmayaan weeraro kala duwan. iyo hanjabaado".
Laakiin eedeymaha anshax-xumada galmada ah ayaa la fahamsan yahay in in ay ka horreyeen taariikhda codsigiisii ahaa in la soo xiro dadka ubucda u ah colaadda Qasa.
Guddi ka kooban saddex garsoore oo ICC ka socda ayaa hadda tixgelinaya waaranka qabashada ee uu codsaday Mr Khan.













