Muuqaalka baahay ee marwada koobaad ee Brazil oo aflagaadeyneysa Elon Musk iyo waxay ku dhex tiri

Marwada koobaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marwada koowaad ee dalka Brazil ayaa waxay aflagaadeysay bilyaneerka Elon Musk xilli ay ku sugneed munaasabad ka horeysay shirka wadamada loo yaqaano G20 ga ee ka dhacaya Rio de Janeiro.

Iyadoo u doodaysay in xeerar adag loo sameeyo warbaahinta bulshada xilli ay qayb ka ahayd dood looga hadlayay wararka beenta ah ee faafa, ayay Janja Lula da Silva waxay u muuqatay inay ka naxday qaylo xoogan oo ay maqashay, kadibna waxay ku kaftantay, "Waxaan u maleynayaa inay tahay qayladaasi Elon Musk."

"Kaama baqayo," ayay sii raacisay hadalkeeda, ka dibna waxay aflagaadeysay bilyaneerka iska leh shirkadda gawaarida batariga ku shaqeeya ee Tesla iyo barta bulsho ee X.

Musk, oo uu madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump u xushay in uu noqdo madaxa Waaxda Hufnaanta Dowladda, ayaa waxa uu xiriir aan wanaagsanayn la lahaa Brazil iyo dowladdeeda garabka bidix ee iminka talada haysa. X ayaa muddo kooban laga mamnuucay dalkaas sanadkaan aan ku jirno.

Waxa uu dib usoo dhigay baraha bulshada muuqaalka ay isaga aflagaadeysay marwada koobaad ee dalka Brazil, waxa uuna ku dul qoray “lol”, oo macnaheedu yahay in uu si sare u qoslayo.

Qoraal kale, oo uu Musk ku dul qoray muuqaalkaan ayaa waxa uu ku sii daray laba calaamadood oo qosol muujinaya, isaga oo qoray: "Way lumin doonaan doorashada soo socota", sida muuqata isaga oo ula jeeda Madaxweynaha Luiz Inácio, xisbiga Shaqaalaha ee Lula da Silva.

Musk

Xigashada Sawirka, Reuters

Horraantii sanadkan, Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa amartay in dalka oo dhan laga mamnuuco barta bulsho ee X, ka dib markii ay ku guuldareysatay in ay magacawdo wakiilkeeda sharciga aha ee ku sugnaa dalkaas iyo sidoo kale in ay xiraan koontooyin lagu eedeeyay faafinta macluumaad aan run ahaan asalkaba. Xayiraadda ayaa la qaaday barta bulsho ee X ka dib markii ay bixisay $5.1 milyan oo doolarka Maraykanka ah oo ganaax ah, kadib in ka badan muddo bil ah xilligii xayriaadda lagu soo rogay kadib.

Xilligaas war ay soo saartay barta X ayaa waxay ku dhaliileen dowladda Brazil in ay u hanjabayeen shaqaalahooda ku sugan halkaas oo ay sheegeen in aysan wax awooda u lahayn xakameynta macluumaadka ku baahaya barta, xaakimkuna uusan u hugaansamenin shuruucda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Si aan u ilaalino badqabka shaqaalaheena waxaan go’aansanay in aan joojinno howlgalkeenna gudaha Brazil, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayay tiri barta X.

Laakiin Musk ayaa dhanka kale waxa uu xulafo la yahay madaxweynihii hore ee midigta fog ee Brazil Jair Bolsonaro, kaas oo lagu helay dambi ah inuu sumcadda ka dilay nidaamka doorashada ee dalka ka dib waqtigii looga adkaaday doorashadii 2022 kii. In kasta oo siddeed sano laga mamnuucay inuu u tartamo xilka madaxtinimada, haddana wuxuu caddeeyay inuu damacsan yahay inuu ka qayb galo doorashooyinka mustaqbalka, Isaga oo sheegay in uu doonayo in uu mar kale isu soo taago doorashada soo socota ee la qabanayo sanadka 2026-ka.

Bolsonaro, oo dib u daabacay sawir laga jaray muuqaalka baahiyay iyo jawaabta Musk, ayaa waxa uu isna yiri, "Hadda waxaan lugaha la galnay dhibaato kale oo diblomaasiyadeed."

Hogaamiyayaasha wadamada G20 ga ayaa ku kulmi doona shir madaxeedka ka dhacaya Rio de Janeiro oo bilowday maanta oo Isniin ah.