Elon Musk mulkiilaha Barta X oo laga mamnuucay Brazil

Elon Musk mulkiilaha Barta X oo laga mamnuucay Brazil

Tebin toos ah

  1. Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo Qaahira Kula Kulmay Dhiggiisa Masar iyo labada dal oo iska kaashanaya amniga iyo dhaqaalaha

    Soomalia

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,oo booqasho ku joogo dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly.

    Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

    Labada Ra’iisulwasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.

    Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay in sii adkaynta calaaqaadka taariikhiga ah ay tahay mid muhiim u ah labada dal.

    Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la abuuro iskaashi xooggan oo dhinaca amniga ah, si loo wajaho caqabadaha iyo khataraha guud ee ka jira gobolka, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha khatarta ah sida Alshabaab.

    Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mudane Mustafa Madbouly, ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

  2. Zelensky oo shaqada ka ceyriyay madaxii ciidamada cirka Ukraine kadib shilkii diyaardeed ee F-16

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa shaqada ka ceyriyay taliyihii ciidamada cirka ee Ukraine iyadoo ay taagantahay dood ku saabsan burburinta mid ka mid ah diyaaradaha cusub ee F-16 ee qiimaha leh.

    Mr Zelensky ma uusan caddeyn sababta shaqada looga ceyriyay Lt Gen Mykola Oleshchuk, balse wuxuu sheegay in ay mas’uuliyadi ka saarantahay in uu "daryeelo dhammaan dagaalyahanadeena".

    Diyaaradda F-16 ee uu Mareykanka sameeyay – oo ka mid ah dhowr diyaaradood oo horaantii bishan ay soo gaarsiiyeen xulafada reer galbeedka ee Ukraine – ayaa soo dhacday Isniintii, taas oo oo ku dhintay duuliyihii.

    In kasta oo ay dhacday intii lagu guda jiray duullaanka gantaallaha Ruushka, haddana Ukraine waxay sheegtay in sababta burburka diyaaraddu aysan ahayn mid toos ah oo ka dhalatay weerar cadawgu soo qaaday, Lt Gen Oleshchuk ayaa siyaasiyiinta qaarkood kala doodday cidda mas’uulka ka ah khasaaraha.

    Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday dalka Ukraine bishii February ee sanadkii 2022-kii, waxaana uu qabsaday qeyb weyn oo kamid ah bariga dalkaasi.

    Laakiin Ukraine ayaa sidoo kale bilawgii bishan bilawday duullaan lama filaan ah oo ay ku qaaday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay si qoto dheer ay ugu sii siqayaan Ruushka.

    Isagoo arrintaas ka jawaabaya, Ruushku wuxuu xoojiyey weerarrada uu ka geysanayo guud ahaan Ukraine.

    Jimcihii, gabar 14 jir ah ayaaku dhimatay kadib markii gantaal uu hagayay Ruushka uu ku dhacay garoon lagu ciyaaro oo ku yaal magaalada Kharkiv ee waqooyi-bari ee Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

    Ugu yaraan lix qof oo kale ayaa ku dhintay 59 kalena waa ay ku dhaawacmeen iyadoo dhisme ka kooban 12 dabaq uu sidoo kale gantaal ku dhacay, magaalada ku dhow xadka Ruushka.

    Madaxweyne Zelensky ayaa dib u cusboonaysiiyay baaqii uu ugu baaqayay dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee Ukraine inay u ogolaadaan inay bartilmaameedsadaan gudaha Ruushka si looga hortago weerarradan.

  3. Ronaldo oo sheegay in laba ama seddex sano gudahood uu ka fariisan doono ciyaaraha

    Ronaldo

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Hadalladii uu xiddiga kubadda cagta Cristiano Ronaldo uu u sheegay telefshinka Portugal ee ahaa inuu kubbadda cagta ka fadhiisan doono “laba ama saddex sano gudahood” iyo in “ay u badan ahay” in ay noqon doonto halka uu ciyaarha kag fadhiisan doono kooxda Sucuudiga ka dhisan ee Al-Nassr ayaa waxa ka dhashay falcelin badan. Dadka qaar ayaa ka xumaaday in "xirfaddiisa halyeynimo ee kubbadda cagta" ay sidaas ku dhammaato, isagoo u ciyaaraya koox "aan laga aqoon adduunka oo dhan" ama "naadi aan Portuguese ahayn."

    “Waan ku faraxsanahay kooxdan, waana ku faraxsanahay dalkan sidoo kale, waan ku faraxsanahay in aan ka ciyaaro Sacuudi carabiya, waxa aan doonayaa in an kasii ciyaaro” ayuu yiri Ronaldo.

    Waxa uu TV-ga Now TV u xaqiijiyay in uu mar kale u ciyaari doono xulka qaranka Portugal isla markaana aanu si hordhac ah u shaacin doonin kulanka ugu dambeeya ee uu u ciyaari doono xulka qarankiisa.

    Waxa uu sidoo kale ka yaabiyay dadkii goobta joogay kaddib markii uu sheegay in aanu ku fikirin in uu isku dayo in uu tababare noqdo

  4. Jarmalka oo ciidamadiisa kala baxay dalka Niger, taas oo ah dhammaadka howlagidiisa Saxaraha.

    Jarmalka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Jarmalku waxa uu hawlgalkiisa ka bilaabay saldhiga ciidamada cirka ee Niamey sanadkii 2016-kii, waxana dalkaas u ka joogay ilaa 3,200 oo askari.

    Jarmalka ayaa intii kaga harsanayd ciidamadiisa kala baxay xadka dalka Niger, arrintaan ayaana noqonaysa soo afjarista howlgaladii ay ka wadeen Saxaraha.

    Saraakiil ka tirsan Jarmalka iyo Niger ayaa sheegay in bixitaanka la soo gunaanaday Jimcihii.

    Lixdan ciidamada Jarmlaka ah iyo 146 tan oo qalab ah ayaa lagu daabulay diyaarado xamuul ah kuwaas oo ka deday dalka Jarmalka fiidnimadii jimcihii.

    Bishii May Niger ayaa u ogolaatay ciidmada Jarmalka inay sii daganaadaan saldhigooda Niamey ayna sii wadaan howlgalada inta la gaarayo 31 bishan Ogoosto.

    Wadahadaladda labada dhinac ayaa ahaa marxalad adag ka dib markii Niger ay ku guuldareysatay inay hubiso in ciidamada Jarmalka ee ku sugan dalka ay ka faa'iideysanayaan xasaanadda sharciga.

    “Ka bixitaankooda ma muujineyso in uu dhamaaday wada shaqeyntii militari ee ka dhaxeysay Niger iyo Germany” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen mas’uuliyiinta labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadida xiriirkooda militari.

    Si kastaba ha ahaatee, hadalkaas ayaa gabi ahaanba ka duwan kii wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock, oo sheegtay bishii Luulyo in aysan hadda wixii ka dambeeya la shaqeyn karin Niger, sababo ay kalsooni darro ku jirto awgeed.

    Jarmalku waxa uu hawlgalkiisa ka bilaabay saldhiga ciidamada cirka ee Niamey sanadkii 2016-kii, waxana dalkaas ka joogay ilaa 3,200 oo askari.

    Berlin waxay sidoo kale gacan ka geysatay dagaalka ka dhanka ah fallaagada dalka deriska la ah ee Mali, taasoo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee lagu khasbay inuu soo afjaro howlihiisa sannadkii hore.

  5. Qaraxyo lala beegsaday suuqa Tabeellaha ee ku yaal duleedka Muqdisho

    Somalia

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wararka ka imaanaya deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ayaa sheegayo in qaraxyo halkaasi lagu weeraray. Qaraxyadan oo si aad ah u saameeyay deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday suuqa weyn ee Tabeelaha Sheekh Ibraahim, sida ay sheegeen dad goob joobayaal ah.

    Warku wuxuu intaas ku daray in qaraxyadu ay sababeen burbur xooggan, iyadoo inta badan goobaha ganacsiga ee deegaankaasi ay ku gubteen dabka ka dhashay qaraxyada. Sababta loo qarxiyay suuqa ayaa las heegay in ay la xiriirto amar ay dowladda Soomaaliya dul dhigtay ganacsatada, kaas oo ku saabsan xirashada Kaamirooyinka CCTV, si loo adkeeyo amniga.

    Alshabaab ayaa inta badan dadka uga digta xirashada Kaamarooyinka CCTV iyo in ay ku xiraan goobahooda ganacsi.

    Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay falalkan kuwo argagax leh, iyadoo horrey qaraxyo noocaan oo kale ah loola beegsaday suuqyada waaweyn ee Ceelasha Biyaha, qaraxyadaas oo sababay khasaare hantiyeed oo aad u weyn.

  6. Dagaal ma dhex mari karaa Masar iyo Itoobiya wabiga Niil awgii?

    Maxay Masar uga walaacsan tahay biyo xireenka?

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Maxay Itoobiya u dooneeysaa inay sameyso biyo xireen sidaa u weyn?

    Itoobiya waxay dhiseysaa biyo xireen weyn, kaas oo marka la dhammaystiro sannadka soo socda noqon doono warshadda korontada ee ugu weyn Afrika.

    Dhismihiisu wuxuu sannadkii 2011-kii ka bilowdey isha Blue Nile ee ku taal dhulalka sare ee waqooyiga Itoobiya halkaas oo 85% biyaha wabiga Niil ay ku qulqulayaan.

    Si kastaba ha noqotee, biyo xireenka mega wuxuu sababay isku dhac u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, iyadoo Suudaana ay saameysay arrintan. Haatanna Mareykanka ayaa gacan ka geysanaya dhexdhexaadinta labada dal.

    Muxuu is marin waagaan u dhammaan la'yahay?

    Xarunta dhexe ee muranku ka taagan yahay ayaa ah qorsheyaal lagu doonayo in lagu buuxiyo biyo-xidheenka iyada oo Masar ka cabsi qabto in mashruucan uu Itoobiya oggolaado inay xakamayso qulqulka wabiga ugu dheer Afrika.

    lifaaqa hoose ka aqri sheekada oo dhameystiran.

  7. waa maxay sababta qaar ka mid ah dhalinyarada Afrikaanka ah ay u doonayaan inay joojiyaan lacagaha ay u diraan dalkooda

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    "In lacag dib loogu soo celiyo dalkaada ama qoyskaaga qaraabada ah waa dhaqan Afrikaan ah oo caadi ah oo aan gabi ahaanba necbahay," ayay Elsa Majimbo oo ah Kenyaan saameyn leh ku sheegtay horraantii bishan barta TikTok, hadalkaas oo hadda la tirtiray kadib markii ayuu dood carro leh ka dhaliyay baraha bulshada.

    23-sano jirkan kusoo caanbaxday xiligii cudurka safmarka ee Covid-19 iyada oo sameysay muuqaalla majaajila ah, ayaa hadalkeedu uu taabatay quluubta, markii ay kala hadashay 1.8 milyan oo raacsan waxa loo yaqaan "canshuurta madow" lacagaha dib loogu diro qoysaska dalkii jooga .

    Tani waa waxa ay dadka Afrikaanka madow ah u arkaan guul ay gaareen, haddii ay joogaan gudaha dalka ama dibadda, waxay isku arkaan inay taageeraan xubnaha qoyska ee dhaqaalle ahaan liita.

    Dib-u-celinta waxaa loo arka inay tahay qayb ka mid ah falsafada Afrika ee dahabiga a, taas oo adkeynaysa muhiimadda qoyska iyo bulshada, halkii ay u dhaqmi lahaayeen si shaqsi ah.

    Su'aasha dad badani qabaan ayaa ah in tani ay tahay culays aan loo baahnayn iyo mid aan la jeclayn ama ah qayb ka mid ah waajibaadka bulshada si ay u caawiyaan dadka kale.

    Laakiin Ms Majimbo, oo hadda fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa gadaal ka riixeysa dhaqankan.

    Fiidiyowga ayay ku sheegtay in aabaheed uu taageeri jiray xubnaha qoyska muddo sanado ah oo ay haddana raadinayaan caawimaad. Waxay carradeeda kal dula dhacday hal qof oo qaraabo gaar ah oo aan la magacaabin.

    "Waxa aad aabahay weydiisan jirtey lacag tan iyo intii aanan dhalan. Waan dhashay, waan koray, , hadda waxa aad i weydiisaneysaa lacag – waxaad tahay caajislow [macquul ma aha]. Dhaqankaas kuguma quudinayo. "

    Halka dadka qaar ay ogolaadeen, qaarna mowqifkeeda ay qaateen. Haddana nm cadda sababta muuqaalka looga saaray TikTok iyada oo o kooxda maamulka Ms Majimbo aanay ka jawaabin codsi ay BBC-du u dirtay

    Laakiin in badan oo dadka kamid ah, iyada oo aan loo eegin sida ay shakhsi ahaan u malaynayaan, suurtogal ma aha in la diido in la caawiyo qaraabada, sababtoo ah waa dareenka bulsha ee ay ku soo barbaareen.

    Waxa jiri kara dareen lagu faano oo ah caawinta iyo daryeelka qoyska inkastoo ay noqon karto mid aad u badan.

    Macalimad hore ee Zimbabwe oo 50 jir ah, oo codsatay in aan magaceeda la shaacin, ayaa BBC u sheegtay in 30 sano ka hor ku dhawaad ​​, dhammaan mushaarkeedii ugu horreeyay oo dhamaa 380 Zimbabwe dollar ah ay si toos ah ugu ugu dirtay sagaal walaalaheed ah.

    "Kadib markii ii dhammaatay iibsashada dirayskii [iskuulka], dharka iyo raashinka, waxaa ii haray $20," ayay BBC-da ugu sheegtay cod uu ka muuqday sharaf iyo carro labadaba.

    In kasta oo ay tani la macno tahay in ay cuntada ay kusoo iibsato deyn, haddana waxa ay sheegtay in iyada oo ilmaha ugu weyn laga filayo in ay diraan lacag caddaan ah marka ay bilaabaan in ay dakhli helaan.

  8. Milkiilaha Barta X oo horey loogu yaqiin Twitter oo laga mamnuucay Brazil

    Brazil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Barta X, oo horey loogu yaqiin Twitter, ayaa laga mamnuucay dalka Brazil ka dib markii ay ku guuldareysatay inay buuxiso waqtiga kama dambaysta ah ee garsooraha maxkamadda sare uu u qabtay inuu soo magacaabo wakiil sharci oo cusub oo dalkaas ah.

    Alexandre de Moraes ayaa amar ku bixiyay "hakin degdeg ah oo dhammaystiran" ee bartaasi bulshada ilaa inta ay u hoggaansameyso dhammaan amarrada maxkamadda ayna bixiso ganaaxyada taagana.

    Khilaafku wuxuu bilawday bishii April, iyadoo garsooruhu uu amray in la joojiyo tira akoonada X ah oo lagu eedeeyay inay faafiyeen macluumaad khaldan.

    Isaga oo ka jawaabaya go'aanka, milkiilaha X Elon Musk ayaa yiri: "Xorriyadda hadalka waa aasaaska adag ee dimuqraadiyadda, garsooraha aan la dooran ee Brazil ayaa u burburinaya arrimo siyaasadeed."

    Shabakaddan baraha bulshada ayaa la sheegay in ay isticmaalaan ugu yaraan 10% 200 ee malyan ee qof ee waddanka ku nool.

    Aroornimadii Sabtida qaar ka mid ah macaamiisha isticmaala X ayaa soo sheegay in gelitaanka akoonadooda aanay suurtagal ahayn.

    X waxay xirtay xafiiskeeda Brazil horaantii bishaan, iyadoo sheegtay in wakiilkeeda loogu hanjabay in la xirayo haddii aysan u hoggaansamin amarra ay ku tilmaantay "Fafreeb" - iyo sidoo kale kuwa sharci darro ah marka loo eego sharciga Brazil.

  9. War deg deg ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya “Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa howlahooda caadiga ah ka dhigtay inay sii ballaadhiyaan khilaafaadka”

    Sawirka: Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya xilli uu ku sugnaa shirkii lagu dhexdhexaadinaayay Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara ka qabsoomay Agoosto 13, 2024

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sawirka: Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya xilli uu ku sugnaa shirkii lagu dhexdhexaadinaayay Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara ka qabsoomay Agoosto 13, 2024

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta Soomaaliya “qaar” hadallo cadawtinimo ah iyadoo ay sii xumaanayso xiisadda u dhexeysa labada dal ee deriska ah.

    Hadalka Taye Atskeselassie ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay gacansaar la yeelanayso kooxo dibadda ah oo aan la magac dhabin ujeedkooduna yahay in ay gobolka khalkhalgeliyaan. Xilli lagu wado in Soomaaliya uu ka bilowdo howlgal cusub oo nabad ilaalin ah.

    Masar, oo ah waddan uu khilaaf diblumaasiyadeed kala dhexeeyay Itoobiya muddo dheer, muran ka dhashay biyo-xidheenka weyn ee Addis Ababa ay ka dhistay webiga Niilka Buluugga ah ayaa muujisay in ay ku hawlgalka cusub kamid noqoto wax adag ku noqonaysa Itoobiya.

    "Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaalida ayaa hawlahooda caadiga ah ka dhigtay inay ballaadhiyaan khilaafaadka," ayuu Mr Taye u sheegay suxufiyiinta Jimcihii isagoo ku sugan caasimadda dalka ee Addis Ababa.

    Isaga oo tixraacaya ku lug lahaanshaha Itoobiya ee howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, diblumaasiga ugu sarreeya ayaa intaa ku daray in saraakiisha Soomaaliya “ay udub dhexaad u yihiin hadalkooda si ay u wiiqaan nafhurnimada askarta Itoobiya ay u bixiyeen” dalka.

    Hogaamiyayaasha Itoobiya ayaa hore u sheegay in dal ay ku nool yihiin 110 milyan oo qof helitaanka badda ay u tahay arrin “jiritaan” – ahmiyad weyn u leh.

    "Itoobiya waxay doonaysaa inay ku xalliso khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya si nabad ah iyo dadaallo dublamaasiyadeed" ayuu yiri Mr. Taye.

  10. Nin xaaskiisii hore si loo xidho gaadhiga xashiish u dhexgeliyay oo isagii la xidhay,

    Geedka xashiishka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Geedka xashiishka

    Nin u dhashay dalka Singapore oo isku dayay inuu xaaskiisa ay kala tageen gaadhigeeda ugu dhex beeray xashiish gaarigeeda ayaa lagu xukumay ku dhawaad afar sanadood oo xadhig ah.

    Tan Xianglong, oo 37 jir ah, waxa u dhex galiyay wax uu u malaynayo in ka badantahay nus kiilo oo xashiishad ah inta u dhaxaysa kuraasta danbe ee rakaabka ee gaadhiga xaaskiisa, isaga oo filaaya in ay tani u keeni karto xukun dil ah maadaama oo ay daroogo waday.Singapore ayaa leh qaar ka mid ah sharciyada ugu adag adduunka ee ka hortagga mukhaadaraadka, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago dembiyada la xiriira daroogada.

    Waxaa maalintii Khamiista lagu xukumay saddex sano iyo 10 bilood oo xadhig ah, kaddib markii lagu helay xashiish. Maxkamaddu waxay sidoo kale tixgelisay eedeymo labaad oo ah beeritaan sharci-darro ah sida cad.

    Tan iyo xaaskiisa waxay is guursadeen 2021 waxayna kala tageen sanad ka dib. Ma aysan codsan karin furriin sababtoo ah Singapore waxay u ogolaataa kaliya lamaanayaasha is qabay ugu yaraan saddex sano.

    Tan waxa uu rumaysnaa in laga yaabo in loo ogolaado in laga reebo qaanuunkaas haddii xaaskiisa ay leedahay diiwaan dambi.

    16kii Oktoobar, wuxuu ka soo iibsaday duub xashiish koox barta Telegram ka wax ku, isaga oo u miisaamay si uu u hubiyo in ay dhaaftay 500g oo uu ku riday gaadhigeeda maalintii xigtay.

    Tan waxa ay u muuqatay in uusan ku xisaabtaman xaqiiqda ah in gaadhiga xaaskiisa ay ku rakibantahay kaamirad. Taas oo farriin ogeysiis ah usoo dirtay kadib markii gaadhiga oo meel yaala wax loo geliyay.

  11. Diyaarad Ukraine leedahay oo nooca F16 ah ayaa soo dhacday xilli Ruushku weeray waday,

    Madaxweynaha Ukraine oo warbaahinta lahadlaaya xilli uu hortaagnaa labo diyaaradood oo ah nooca dagaalka ee loo yaqaanno F16 Maalinta Ciidamada Cirka ee Ukrain xilli uu ku sugnaa meel aan la shaacin Agoosto 4, 2024

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine oo warbaahinta lahadlaaya xilli uu hortaagnaa labo diyaaradood oo ah nooca dagaalka ee loo yaqaanno F16 Maalinta Ciidamada Cirka ee Ukrain xilli uu ku sugnaa meel aan la shaacin Agoosto 4, 2024

    Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-16 oo ay xulafada NATO ugu Ukraine ayaa la burburiyay, sida ay BBC-da u sheegtay ilo ka tirsan milatariga Ukraine.

    Diyaarada ayaa soo dhacday iyadoo ay ku socdeen saalbooyin gantaalada Ruushka maalintii Isniinta, waxaana ku dhintay duuliye Oleksiy Mes, sida ay sheegeen militariga Ukraine. Waa khasaarihii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii diyaaradaha la keenay horaantii bishan.

    Sababta shilku ma ahayn natiijo toos ah oo ka dhalatay gantaalka cadawga, sida ay ku andacoonayaan militariga Ukraine.

    Waxa ay sheegtay in duuliyihii diyaarada uu burburiyay saddex gantaal oo nooca Cruise-ka ah iyo hal diyaarad oo aan duuliye lahayn, weerarkii ugu weynaa ee dhanka hawada ah ee Ruushka uu qaado ilaa hadda.

    “Oleksiy waxa uu dadka reer Ukraine ka badbaadiyay gantaalada halista ah ee Ruushka,” ayay ciidamada cirka ee Ukraine ku soo qoreen bayaan ay soo dhigeen baraha bulshada.

    "Nasiib darro, naftiisa ayuuse waayay."

    Bayaanka laguma sheegin nooca diyaarada, balse ilo-wareedyo militari ayaa BBC-da u sheegay in duuliyuhu uu waday diyaarad F-16 ah. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay Talaadadii in diyaaradaha F-16 ee uu sameeyay Mareykanka la geeyay si loo soo rido diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha Ruushka.

    Toddobaadkan, wuxuu ka codsaday xulafada inay u oggolaadaan Ukraine inay isticmaasho gantaallada riddada dheer si ay u duqeeyaan bartilmaameedyo gudaha Ruushka ah.

    Taliyaha difaaca Holland Gen Onno Eichelsheim ayaa xaqiijiyay in Netherlands ay siin doonto Ukraine 24 ka mid ah diyaaradaha iyo hub kale oo loogu dari doono

    Ma jiri doonto wax xannibaado ku aadan isticmaalkaas marka laga tago u hoggaansanaanta sharciga bani'aadamnimada, ayuu ka sheegay shir ka dhacay Washington Arbacadii - taasoo la micno ah in Kyiv ay weerarro qoto dheer ku qaadi karto dhulka Ruushka.

    Ku dhawaad ​​65 diyaaradood oo nooca F-16 ayaa dalalka NATO u ballan qaaday tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu markii ugu horreysay oggolaaday xulafada Yurub ee doonaya inay diyaarado u diraan Ukraine Agoosto 2023.

  12. Kamala Harris oo qaadatay hirgelinta siyaasadda madaxweyne Biden ee arrinta Qasa,

    Madaxweyne Biden iyo kuxigeenkiisa Kamala Harris oo markii koobaad masrax kasoo wada muuqday kadib markii Biden uu sheegay in uusan doorashada u tartamayn. Agoosto 15, 2024

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Biden iyo kuxigeenkiisa Kamala Harris oo markii koobaad masrax kasoo wada muuqday kadib markii Biden uu sheegay in uusan doorashada u tartamayn. Agoosto 15, 2024

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa difaacday isbedellada ay sameeyeen siyaasadda muddo xilleedka iyada iyo madaxweyne Biden iyo wakhtigeeda Aqalka Cad xilli ay bixinaysay warraysigii ugu horreeyay tan iyo markii ay noqotay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga.

    Harris ayaa ku dooday in maamulka madaxweyne Biden uu awooday in uu yareeyo qulqulka dadka xuduudaha kasoo gudbaya ee sharci darrada ah bilahii lasoo dhaafay iyo in uu dhaqaalaha dib-u-soo nooleeyo kadib xanuunkii baahsanaa ee COVID-19.

    Ms Harris waxay ku doodday in maamulka Biden uu awooday inuu yareeyo xuduudaha sharci darrada ah bilihii la soo dhaafay oo uu "ka soo kabsado dhaqaalaha" kadib masiibada.

    Waxay ugu yeedhay siyaasadaha Aqalka Cad "guul", si gaar ah waxay farta ugu fiiqday hoos u dhaca kharashka daawada iyo heerka shaqo la'aanta: "Taasi waa shaqo wanaagsan. Waxaana jira wax badan oo ay tahay in aan qabanno."

    Ms Harris waxa ay ka soo muuqatay waraysi hore loo duubay oo CNN oo ay la yeelatay iyada ku xigeenkeeda, gudoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz. Waxuuna ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah tani iyo markii ay noqotay musharax madaxweyne.

    Ms Harris ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay dagaalka Gaza, waxayna ku celisay mawqifka Aqalka Cad ee ah in Israa'iil iyo Xamaas labaduba ay "heshiiyaan" iyo in Falastiiniyiintu ay mudan yihiin inay yeeshaan waddankooda oo deris la ah Israa'iil.

    "Dagaalkan waa in la soo afjaraa, waana in aan helnaa heshiis ku saabsan soo daynta la haystayaasha," ayay tidhi