Dadka ugu buurbuuran adduunka iyo halka ay Soomaaliya kaga jirto oo la shaaciyay

Xigashada Sawirka, PA Media
In ka badan hal bilyan oo qof ayaa la nool cayilka ama miisaanka badan ee jirkooda adduunka oo dhan, waana qiyaasaha caalamiga ah ee lagu daabacay The Lancet show.
Baaritaankan waxaa lagu sheegay in ay ku jiraan ilaa 880 milyan oo qaangaar ah iyo 159 milyan oo carruur ah, marka loo eego xogtii 2022-ka.
Heerarka ugu sarreeya ayaa laga diiwaan geliyay Tonga, iyadoo 70-80% dadka waaweyn ay la nool yihiin cayil saaid ah.
Qaar ka mid ah 190-ka waddan ee dunida ayaa ugu badan, UK waxay ku jirtaa dalalkan oo ay raggu gaarayaan darajada 55-aad ee ugu sarreeysa ragga iyo 87-aad ee haweenka.
Kooxo seynisyahanno calami ah ayaa sheegay in baahi degdeg ah loo qabo isbedel weyn oo ku saabsan sida loola tacaalayo miisaanka badan ama buurnida.
Cayilku wuxuu kordhin karaa khatarta ah inay dadku la kulmaan xaalado caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan cudurrada wadnaha, nooca 2-aad ee sonkorowga iyo kansarrada qaarkood.
Qiimaynta heerarka buurnida adduunka boqolkiiba dadka lagu sifeeyay cayilka, kadib kala duwanaanshaha da'da ayaa la tirokoobay, cilmi-baarayaashu waxay heleen.
Mareykanka ayaa ku jira kaalinta 10-aad ee ugu sarreeysa dhinaca ragga iyo kaalinta 36-aad ee ugu sarreeysa dhinaca dumarka
Hindiya waxay ku jirtaa kaalinta 19-aad ee ugu hooseeysa dumarka iyo 21-aad ee ugu hooseeysa ragga
Dalka Shiinaha ayaa kaalinta 11-aad kaga jira dumarka ugu hooseeya halka 52-aad uu ugu hooseeyo ragga

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cilmi baare sare oo lagu magacaabo Prof Majid Ezzati, oo ka tirsan Imperial College London, ayaa BBC-da u sheegay: “In badan oo ka mid ah wadamada jasiiradaha waxay hoos ugu dhacdaa helitaanka cunto caafimaad leh iyo cunto aan caafimaad qabin.
"Xaaladaha qaarkood waxaa jiray olole suuqgeyneed oo kor loogu qaadayo cuntooyinka aan caafimaadka lahayn, halka qiimaha iyo helitaanka cunto caafimaad leh ay noqon karto dhibaato badan."
Prof Ezzati oo sanado badan eegayay xogta caalamka ayaa sheegay in uu aad ula yaabay xawliga uu wax isku badalayaan, iyadoo wadamo badan oo kale ay hadda wajahayaan dhibaato la xiriirta miisaan kororka deg degga ah, halka tirada ugu badan ee dadka miisaankoodu hooseeyo loo arko walaaca ugu badan.
Dalalka ay dadkoodu ugu dhuubanyihiin waliba dhinaca ragga waxaa kamid ah Soomaaliya, oo warbixinta lagu sheegay in ay kamid yihiin kuwa ugu dhuudhuuban dunida.
Baaritaanka warbixintan, oo socotay 1990-kii ilaa 2022-kii, ayaa lagu ogaaday in heerka buurnida uu afar jibaarmay dhinaca carruurta iyo dhallinyarada. Dhanka kale dadka waaweyn, ayaa la arkayaa in cayilkoodu uu labanlaabmay, dumarka ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad labo mar iyo ku dhawaad saddex mar oo ragga ah.

Dhinaca kale, saamiga dadka qaangaarka ah ee lagu qiimeeyay hooseynta miisaanka ayaa hoos u dhacay 50%, laakiin cilmi baarayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen inay wali tahay dhibaato adag, gaar ahaan bulshooyinka ugu saboolsan.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa yiri: “Daraasaddan cusub waxa ay iftiiminaysaa muhiimadda ay leedahay ka hortagga iyo maaraynta cayilka laga bilaabo nolosha hore ee yaraanta ilaa qaan gaarnimada, iyada oo loo marayo cunto dheellitiran, dhaqdhaqaaq jireed, iyo daryeel ku filan.
Waxa uu intaa ku daray in ay shaqadan qaadan doonaan dowladaha iyo bulshada oo ay "muhiim u tahay iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay, kaas oo ay tahay in lagula xisaabtamo saameynta caafimaad ee alaabadooda".
Qoraaga daraasadda Dr Guha Pradeepa, oo ka socda machadka Cilmi baarista Macaanka ee Madras, ayaa sheegaysa in arrimahan waaweyn ee caalamka ay halis ugu jiraan inay ka sii daraan sababo la xiriira nafaqo xumada ay keento buurnida iyo miisaanka yar labadaba.
Waxay tiri: "Saameynta arrimaha sida isbeddelka cimilada, carqaladaha uu keenay masiibadii Covid-19 iyo dagaalka Ukraine waxay halis ugu jiraan inay ka sii daraan heerka buurnaanta iyo miisaan yarida labadaba, iyadoo kordhinaysa faqriga iyo qiimaha cuntooyinka hodanka ku ah.
Shabakadda in ka badan 1,500 cilmi-baarayaal, oo la kaashanaya WHO, ayaa falanqeeyay cabbirrada dhererka iyo miisaanka ilaa 220 milyan oo qof oo da'doodu tahay shan iyo wixii ka weyn.
Waxay isticmaaleen cabbir loo yaqaan 'body mass index'.
Inkasta oo ay qireen in tani ay tahay cabbir aan hagaagsaneyn oo lagu cabbirayo baaxadda dufanka jirka, oo ay sheegeen in waddamada qaar ay haysteen xog ka wanaagsan kuwa kale, waxay ku doodayaan in ay tahay tan ugu isticmaalka badan, taas oo ka dhigaysa falanqaynta caalamiga ah ee suurtogalka ah.













