Xaaskii Abuu Bakar Al-Baqdaadi oo ka sheekeysay noloshii adkeyd ee ay kula nooleyd hoggaamiyihii Daacish

Wareysi naadir ah oo laga bixiyay gudaha xabsiga, haweeneyda uu ka geeriyooday hogaamiyahii Daacish ayaa BBC-da la wadaagtay warbixin ku saabsab noloshoodii.
Ummu Xudeyfah waa xaaskii ugu horreysay ee Abuu Bakar Al-Baqdaadi. Waxay guursatay markii uu gacanta ku hayay xukunka dowladda Islaamiga ah oo lagu tilmaamay inay ahayd mid naxariis daran intii ay gacanta ku haysay qeybo badan oo ka mid ah Suuriya iyo Ciraaq.
Xaaskii uu ka dhintay Al-Baghdadi ayaa hadda ku xiran xabsi ku yaalla Ciraaq, halkaasoo lagu baarayo dambiyo la xiriira argagixisanimo.
Xagaagii 2014-kii, Ummu Xudeyfah waxay ninkeeda kula noolayd magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, halkaas oo uu ku xoogganaa Ururka Caalamiga ah ee Islaamka ee Suuriya.
Maadaama uu ku jiray liiska dadka loogu doonista badan yahay, isaga oo hoggaamiye u ah koox jihaad doon ah, Al-Baghdadi waxa uu inta badan waqti ku qaadan jiray meelo kale, mid ka mid ah dhacdooyinkaasna waxa ka mid ah mar uu waardiye u diray gurigiisa si uu u soo kaxeeyo laba wiil oo yaryar oo ay dhaleen.
Guriga waxaa yaalay Telefishin oo ay si qarsoodi ah u daawanaysay. "Waxaan isticmaali jiray markii uusan guriga joogin," ayay tiri, iyadoo sharxaysa ayay sidoo kale sheegtay in Al-Baghdadi uu u maleeynayay in TV-ga aanu shaqaynayn.
Ummu Xudeyfah ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2007 ay ka xirxirnayd dunida, loona diiday in ay daawato talefishinada ama ay isticmaasho wax kale oo tignoolajiyadeed, sida taleefoonada gacanta.
Waxay intaas ku dartay in dhawr maalmood ka dib markii uu waardiyaha kaxeeyay carruurta, ay daartay telefishinka ayna ka naxday wax ay ku tilmaantay "la yaab weyn."
Waxay aragtay ninkeeda oo khudbad ka jeedinaya Masjidka weyn ee Al-Nuri ee magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq, wuxuuna markii ugu horreysay kasoo muuqday isagoo ku dhawaaqaya inuu yahay hoggaamiyaha ururka la magac baxay Khaliifada Muslimiinta. Tani waxay ahayd toddobaadyo uun ka dib markii dagaalyahannadiisa ay la wareegeen gacan ku haynta gobolka.

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hudhayfah hooyadiis ayaa sheegtay inay aad uga naxday markii ay ogaatay in caruurteeda ay la joogaan magaalada Mosul.
Waxa ay dhacdadaan kaga sheekaynaysaa iyada oo ku dhex jirta xabsi ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, halkaas oo ay ku xiran tahay iyada oo masuuliyiinta Ciraaq ay su’aalo weydiinayaan oo la xidhiidha doorka ay ka ciyaartay hawlaha ISIS, iyo sidoo kale dembiyada ururka.
Sawaxan dheer ayaa sidoo kale laga maqlayaa gudaha xabsiga, iyadoo maxaabiista loo haysto dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin isticmaalka maandooriyaha iyo dambiyo la xiriira galmo sharci darro ah, waxaana sidoo kale la maqlayaa dhawaqa shaqaalaha cuntada ka dalbanaya dibadda ilaa gudaha.
Waxaan xabsiga ka helnay meel xasiloon oo maktabad ah, waxaana wada hadalnay qiyaastii laba saacadood. Intii aanu wada sheekaysanaynay, Ummu Xudeyfah waxa ay ii sheegtay in ay tahay dhibane isku dayday in ay ka baxsato ninkeeda, waxana ay inkirtay in ay ku lug lahayd wax kasta oo ka mid ah falalka arxan darada ah ee ay geysatay Daacish.
Arintaan ayaa si weyn uga duwan sida lagu sheegay dacwada ay gudbiyeen haweenka Yazidiyiinta ah ee ay afduubka iyo kufsiga u geysteen xubno ka tirsan dowladda Islaamiga ah.
Haweenka Yazidigu waxay ku eedeeyeen inay ka qayb qaadatay "addoonsiga galmada" ee gabdhaha iyo haweenka la afduubay.
Intii waraysigu socday, xaaskii uu ka dhintay Al-Baghdadi madaxeeda kor uma qaadin xataa hal mar. Waxay xidhnayd maro madow oo keliya laga arko qayb ka mid ah wajigeeda.
Ummu Xudeyfah waxay dhalatay sannadkii 1976-kii, waxayna ka dhalatay qoys Ciraaqi ah oo muxaafid ah, waxayna sannadkii 1999-kii guursatay Ibraahim Cawad Al-Badri, oo markii dambe loo yaqaannay magaca Abuu Bakar Al-Baqdaadi.

Xigashada Sawirka, IRAQI INTELLIGENCE SERVICE
Abuu Bakar Al-Baqdaadi oo magaciisa saxda ah uu yahay Ibraahim Cawad Ibraahim Al-Badri ayaa sanadkii 1971 ku dhashay magaalada Samaara oo ku taal bartamaha dalka Ciraaq. Waxa uu ka soo jeedaa qoys Carbeed oo Sunni ah oo sheegtay in uu ku abtirsado qabiilka Qureyshta ee uu ka dhashtay Nabi Muxammad (NNKH).
Markii uu da'da yaraa waxay qaraabadiisa ugu yeeri jireen "kii rumeeyay" sababtoo ah, wuxuu wakhtigiisa ku qaadan jiray masaajidda oo uu ku baran jiray Quraanka, wuxuuna sidoo kale ciqaabi jiray sida la sheegay dadka diida in ay u hoggaansamaan shareecada Islaamka.
Ka dib duullaankii Mareykanka uu sanadkii 2003-dii ku qaaday dowladdii madaxweyne Sadaam Xuseen, Al-Baqdaadi ayaa lagu soo waramayaa in uu gacan ka geystay aasaaska koox Islaami ah oo lagu magacaabo Jaysh Ahlu-Sunnah wal-Jameeca oo weerar ku qaaday ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda. Wuxuu xilligaasi noqday madaxa golaha fulinta Shareecada Islaamka.
Horraantii sanadkii 2004, Al-Baqdaadi waxaa magaalada Faluuja ku qabtay oo xabsiga dhigay ciidamada Mareykanka, waxaana la geeyay xabsi ku yaal xerada ciidamada ee Bucca ee koonfurta dalkaasi.
Sanadkii 2010, markii ciidamada Mareykanka ay dileen hoggaamiyihii kooxdaasi Abuu Cumar Al-Baqdaadi iyo ku xigeenkiisii Abuu Ayuub Al-Masri ayaa Al-Baqdaadi wuxuu la wareegay hoggaanka kooxdaasi.
Waxa uu la wareegay xukunka koox taliyeyaasha Mareykanku ay xilligaasi u arkayeen in ay sii burbureyso. Balse waxa ay markiiba taageero ka heshay saraakiishii hore ee mukhaabaraadka maamulkii Saadaam Xuseen oo ka mid ahaa maxaabiistii ku jirtay xabsiga Bucca.













