Sidee u dhacay howlgalka lagu soo furtay Israa'iiliyiin Xamaas u afduubnaa?

Xigashada Sawirka, AFP
Howlgal lagu soo furtay afar qof oo Israa’iiliyiin ah oo afduub loogu haystay bartamaha Qasa, ayaa qorshayntiisu qaatay toddobaadyo badan.
Haddii howlgalkani uu farxad u keenay Israa’iiliyiinta, waxa uu dhibaato badan u keenay Falastiiniyiinta, maadaama ay isbitaalladu sheegeen in tobanaan qof - oo ay ku jiraan carruur lagu dilay weerarka ka dhacay xerada Nuseirat oo ay ku noolyihiin dad badan.
Howlgalka waxaa la fuliyay maalin cad oo ah xilli dadweynuhu ay xittaa jidadka buuxdhaafiyaan, taas oo la micno ah in khasaaraha ka dhalan kara howlgalka mar walba la filan karay inuu badnaan karo.
Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Israa’iil Daniel Hagari, hawlgalkan oo aad la isugu dubbariday, waxaa lagu tilmaamay“hawlgalkii Entebbe”, kaas oo ay Israa’iil u suurtagashay in ay 100 qof oo looga qafaashay Uganda ay ku soo furato sannadkii 1976-kii.
Hagari waxa uu ka sheekeeyey in iyada oo la tixraacayo xog sir ah, oo ay hayeen xubno ka tirsan ciidamada kumaandooska Israa’iil ay u gudbeen Qasa, isla markaana ay weerareen laba guri oo la degganaa oo ku yaalla Nuseirat, halkaas oo afduub loogu haystay dad Israa’iiliyiin ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mid ka mid ah guryahaas waxaa laga helay Nuux Argamani oo 26 jir ah, iyadoo guriga kalena laga helay Shlomi Ziv oo 41 jir ah, Andrei Kozlov oo 27 jir ah, iyo Almog Meir Gan oo 22 jir ah.
Hagari waxa uu sheegay in dadka la qafaashay ay ku jireen qolal xiran oo ay waardiye ka yihiin kooxdii haysatay.
Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidamada Kumaandooska ay u gudbeen halka ay ku sugnaayeen la-haystayaasha oo ay ku hareereeyeen gawaarida gaashaaman ka hor inta aysan u daabulin gaadiidka ciidanka bannaanka labada dhismo.
Markii ay baxayeen, ciidamada Israa’iil waxay iska caabbin adag kala kulmeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Xamaas ee reer Falastiin.
Hagari waxa uu sheegay in ciidanka Israa’iil ay si qoto dheer u qorsheeyeen weerarkan, iyadoo la isticmaalay xeelado loo arkayay in ay sahli karaan in howgalku guuleysto.
“Mareykanka ayaa sidoo kale gacan sirdoon ah ku taageeray Israa’iil howlgalkan, labo sarkaal oo Mareykan ah,” ayaa sidaas u sheegay warbaahinta CBS.
Muuqaalo lagu soo duubay taleefoonnada gacanta ayaa muujinaya dad raadinaya meel ay gabbaad ka dhigtaan, markii uu weerarku billowday. Dhammaadkana waxaa ka muuqda meydad daadsan waddada.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Howlgalka ayaa waxaa la isku adeegsaday awood aad u weyn; Dhakhaatiirta ku sugan bartamaha Qasa ayaa sheegay in ay tiriyeen in ka badan 70 meyd ah.
afhayeenka ciidamada Israa’iil Daniel Hagari ayaa tirada dhimashada ku sheegay in ka yar 100 qof, halka Xamaas ay sheegtay in tirada dhimashada ee ka dhalatay howlgalka ay kor u dhaafeyso 200 oo qof.
BBC-da uma aysan suurta galin inay xaqiijiso tirada dhibanayaasha.
Iyada oo ilmadu ka qubanayso indhaheeda, Nuura Abu Khamis ayaa waxaa ay BBC-da u sheegtay: “Waxaan gacantayda ku ururiyay qaybo ka mid ah jirka ilmahayga... wiilkayga qaaliga ahaa... wiilkayga labaadna waxaa uu u dhaxeeyay nolol iyo geeri... xataa ninkayga iyo hooyadii, qoyskayagii oo dhan waa la dumiyey”.
Isaga oo jooga isbitaal u dhow, Areej Al-Zahdna oo toban jir ah ayuu sheegay in loo adeegsaday duqaymo iyo taangiyo .
Areej wuxuu intaas ku daray oo BBC-da uu u sheegay: “Neeftayada wax waanu qaban waynay. Walaashay Remaz waxa madaxa kaga dhacay firirka, walaashay Yara oo shan jir ah waxa sidoo kale ku dhacay firirka.”













