Madaxweynayaal tiro ah oo marar kala duwan fagaarayaal lagu bahdilay sidii Macron

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dunida siyaasadda, madaxda dalalka iyo siyaasiyiinta waxaa markasta haya indhaha bulshada, si gaar ahna kuwo warbaahinta, oo iyagu si dhaw ula socda hawlaha ay qabanayaan.
Dhaqdhaqaaqyadooda iyo xaaladaha ay la kulmaan ayaa mar walba noqda kuwo soo jiita dareenka dadweynaha, kuwaas oo lagaga sheekaysto caalamka oo dhan.
Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee si weyn u faafay waxay ka timid dalka Faransiiska, halkaas oo marwada koowaad, Brigitte Macron, lagu arkay iyadoo "dhirbaaxaysa" seygeeda, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay ku jireen diyaarada madaxtooyada.
Markii hore, kooxda Élysée (xarunta madaxtooyada Faransiiska) waxay beeniyeen runnimada muuqaalkaas iyaga oo sheegay inuu yahay been-abuur. Balse warbaahinta Faransiiska ayaa xaqiijisay in uu muuqaalka sax yahay, taasoo keentay in Élysée ay dib uga laabtaan hadalkooda, iyagoo ku tilmaamay dhacdadaas "isfaham la'aan" iyo waqti ay isugu muujinayeen jacayl iyo kaftan u dhaxeeya lamaanaha, sida lagu sheegay wargeyska Le Monde ee Faransiiska.
Sidoo kale, 8-da June 2021, Madaxweyne Macron ayaa laga dhirbaaxay wajiga xilli uu booqanayay koonfur-bari Faransiiska. Muuqaal laga duubay ayaa muujinayay qof nin u eekaa oo ku dhuftay dhirbaaxo, xilli uu marayey meel u dhaw magaalada Valence, kahor intaan ciidamada ammaanku soo faragelin oo aysan ka jiidin.
Laba nin ayaa la xidhay kadib dhacdadaas, waxaana la maqlay qaylo ay dadka goobta joogay ku dhawaaqayeen: "Ha dhacdo Macron iyo siyaasiddiisu."
1-da Maarso 2012, boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa weeraray madaxweynihii hore ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy, xilli uu ololihiisa doorashada ka waday magaalada Bayonne ee koonfur-galbeed Faransiiska, taasoo ku qasabtay in uu maqaaxi kaga dhuuntay. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa ukumo ku tuurayey.
5-ta May 2025, muuqaal aad loo daawaday ayaa muujiyay Madaxweynaha Kenya William Ruto oo gacanta bidix lagaga dhuftay kab, xilli uu khudbad ka jeedinayay xaflad dadweyne oo ka dhacaysay degmada Migori ee galbeedka Kenya. Dowladda Kenya ayaa dhacdadaas ku tilmaantay "fadeexad," halka warbaahinta maxalliga ahi sheegtay in saddex qof loo xidhay, inkasta oo saraakiisha ammaanka aysan si rasmi ah u xaqiijin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
10-ka Abriil 2014, haweeney ayaa la xidhay kaddib markii ay kab ku tuurtay Hillary Clinton, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Mareykanka, xilli ay khudbad ka jeedinaysay magaalada Las Vegas. Clinton ayaa la arkayey iyada oo ka gabbanaysa kabtii, xilli ay hoos u foorarsanayso. Booliiska ayaa xaqiijiyay in haweeneydii la qabtay, sida uu qoray wargeyska The Guardian.
Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu muranka badnaa ayaa ahayd middii wariyaha Ciraaqiga ah, Muntadhar al-Zaidi, uu kab ku tuuray madaxweynihii Mareykanka George W. Bush, shir jaraa'id oo ka dhacay Baqdaad sannadkii 2008. Al-Zaidi wuxuu sheegay inuusan ka qoomamayn ficilkiisa, inkasta oo aad looga cadhooday.
Sannadkii 2020, intii uu jeedinayay khudbaddii sanadlaha ahayd ee State of the Union, madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa iska indhatiray gacan-qaadkii Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ee xisbiga Dimuqraadiga, Nancy Pelosi, taas oo iyaduna si muuqata uga jawaabtay iyadoo jeexday nuqul ka mid ah khudbaddiisii.
Sannadkii 2017, intii uu booqasho rasmi ah ku joogay Israa'iil, Madaxweyne Trump ayaa isku dayay inuu gacanta qabto xaaskiisa Melania, balse iyadu si cad ayey uga fogaatey, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan iyo mala-awaal ku saabsan xidhiidhkooda Muuqaalkaasi si xowli ah ugu faafay baraha bulshada.
Intii lagu jiray ciyaar kubadda kolayga ah oo ka dhacaysay Washington, kaamiro ayaa qabatay madaxweyne Barack Obama isagoo dhunkasho hawada u diraya xaaskiisa Michelle, iyadoo dadweynuhu sacbinayaan. Balse Michelle si degdeg ah umaay jawaabin, taas oo dad qaar ay ku sheegeen muujin dareen gaar ah oo qoyseed, halka kuwo kale ku baaqeen in la aflagaadeeyaa.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sannadkii 2023, intii lagu jiray khudbadda sannadlaha ahayd ee State of the Union, dhacdo muran dhalisay ayaa dhacday markii Jill Biden, xaaska madaxweynihii hore Joe Biden, si khalad ah afka uga dhunkatay Doug Emhoff, oo ah sayga Kamala Harris, iyadoo ay kaamirooyinku duubayeen.
Intii lagu jiray shirkii G7, Carrie Johnson ayaa isku dayday inay la falgasho seygeeda, Ra'iisul Wasaarihii hore ee UK Boris Johnson, balse isaga ayaa si buuxda uga mashquulsanaa.
2-dii Juun 2023, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa dhacay intii lagu guda jiray munaasabad ka dhacaysay gobolka Colorado, isagoo si rasmi ah u guddoominayay shahaadooyin arday ka qalin-jebisay Akadeemiyadda Cirka Mareykanka. Biden ayaa ku dul dhacay bac ciid ah oo goobta taalay.
Wargeyska The Telegraph ee Ingiriiska ayaa qoray in Biden la arkay isagoo hurda intii lagu guda jiray shir ka dhacay Angola oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Afrika, isagoo indhaha xirtay muddo ka badan daqiiqado, xilli uu khudbad jeedinayay Madaxweyne ku xigeenka Tanzania.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Biden waxaa lagu eedeeyay inuu hurdo ku dhacay xilliyaal dhowr ah oo shirar caalami ah la qabtay, waxaana sidoo kale lagu dhaleeceeyay da'diisa iyo khaladaad hadal ah oo uu ka sameeyay masraxyada caalamka, sida uu sheegay wargeyska.
Madaxweynahaasi wuxuu sidoo kale kiciyay muran markii uu khalad afeed ka galay hadal uu ka jeedinayay dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Qaza, isagoo si qalad ah ugu yeeray Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, inuu yahay Madaxweynaha Mexico.
Biden ayaa yiri: "Markii hore, sida aad la socotaan, Madaxweynaha Mexico Sisi ma doonayn inuu furo xuduudda Rafah si gargaar bini'aadantinimo loogu gudbiyo Qaza, aniguna waan ku qanciyay inuu furo."
Biden ayaa sidoo kale khalday magac kale, xilli uu ka sheekeynayay shirkii G7 intii lagu jiray ololihiisa doorashada ee gobolka Nevada, isagoo halkii uu magacaabi lahaa Madaxweynaha haatan ee Faransiiska Emmanuel Macron, uu ku sheegay François Mitterrand, oo ahaa madaxweyne u taliyay Faransiiska intii u dhaxaysay 1981 ilaa 1996.













