Midowga Afrika oo lacag u baryaya ciidankooda Soomaaliya

Xigashada Sawirka, ATMIS
Midowga Afrika ayaa dalbaday dhaqaale gaaray $90 milyan oo doolar oo uu doonayo inuu ku bixiyo ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Madaxa xafiiska siyaasadda, amniga iyo nabadda ee Midowga Africa Bankole Adeoye, ayaa sheegay in ku dhawaad labaatanka kun ee askari ee ka socoto Midowga Afrika ee ka hawlgasha Soomaaliya in aysan sii shaqayn doonin hadii aan la helin lacagahaan.
Adeoye ayaa sheegay in hadii aan lacagtaas loo helin ciidamada ATMIS ay ka dhigan tahay in ugu dambeyn Shabaabku la wareegi doonaan maamulka Soomaaliya’
“Hawluhu way badan yihiin, Ma dooneyno in beesha caalamku ay ka jeesato ama laga leexiyo dhugta ay u leedahay Soomaaliya, sababtoo ah labaatan sano ayay shaqadan soo wadeen.” Ayuu yiri Adeoye.
Dawladda Soomaaliya ee hadda jirta ayuu ku amaanay in ay qabatay hawlo ay ka gaabiyeen kuwa badan oo ka horeeyay. Arimahaas waxaa kamid ah, in dagaal buuxa ay ku qaaday ururka al-Shabaab intii ay sugi leheed weeraradooda.
Sababta keentay dhibaatada dhaqaale ee soo wajahday Midowga Afrika ayuu ku sheegay in ay tahay $60 milyan oo doolar oo Midowga Yurub ka goostay hawlgalka dano dhaqaale oo iska soo horjeeda awaadood.
Sanad kahor ayay ahayd markii hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya loo badalay mid kumeel gaar ah looguna magacdaray ATMIS.
Midowga Yurub ayaa ah dhaqaale bixiyaha ugu wayn ee hawlgalka Soomaaliya. Tan iyo 2007 dii markii la bilaabay hawlgalkaan, wuxuu ku bixyay $2.4 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.
Afar xaalad oo waaweyn oo ay soo mareen Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, ATMIS
- Markii ugu horreysay ee ay ciidanka Midowga Afrika gaareen Soomaaliya waxay ahayd bishii March ee sanadkii 2007, xilligaas oo ay jireen xaalado loo arkayay in ay Khalkhal gelinayeen jiritaanka dowladdii ku meel gaarka ahayd.
- Bishii August ee sanadkii 2017 - oo ku beegneyd 10 sano ka dib markii ay ciidanka Midowga Afrika galeen Soomaaliya - ayuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sameeyay heshiis qeexaya in mas'uuliyadda amniga Soomaaliya lagu wareejin doono ciidamada Soomaaliya.
- Bishii April ee sanadkii 2022 ayaa howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya laga baddalay magaciisii hore ee ahaa AMISOM waxaana laga dhigay ATMIS.
- Bishii January ee sanadkan 2023 ayaa tirada ciidamada ATMIS laga dhimay 2,000 oo askari, taasoo qeyb ka ahayd qodobbadii qorshuhu ahaa si ay ciidankan Soomaaliya uga baxaan sanadka soo socda ee 2024
Lix iyo tobanka sano ee ay ciidamadaan joogaan Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageereen sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.
Hase yeeshee waxaa lagu dhaliilay in aysan wax badan ka qaban wiiqidda awoodda Al-Shabaab oo weli khatar xooggan ku ah caasimadda iyo qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.










