Amniga Soomaaliya: Muxuu hawlgalka ATMIS uga duwanaan doonaa kan AMISOM?

AMISOM

Xigashada Sawirka, OPM Somalia

Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Afrika, Danjire Bankole Adeoye, oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa shaaciyay in 1-da bisha April uu hawlgal cusub ka shaqo billaabi doono Soomaaliya.

Hawlgalka cusub oo lagu magacaabo African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) ayaa hawsha kala wareegi doono African Union Mission in Somalia (AMISOM), waxaana lagu wadaa inuu xoogga saaro sidii amniga dalka ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Soomaaliya.

Danjire Bankole ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ay ku heshiiyeen qorshaha hawlgalka cusub, ujeedooyinka laga leeyahay iyo muddada uu socon doono.

"7-da March 2022, waxa ay 15 sano u buuxsami doontaa hawlgalka AMISOM oo waxbadan ka qabtay nabadeynta Soomaaliya. ATMIS waxa ay xoogga saari doontaa saddex arrin oo kala ah; diyaarinta ciidan si fudud u ciribtira Al-Shabaab iyo xooggaga lamidka ah, nabadeynta dalka iyo in mas'uuliyadda amniga ay la wareegaan ciidamada Soomaaliya," ayuu yiri Danjire Bankole.

Golaha ammaanka iyo nabadeynta ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ka hor 31-ka March ay soo geba gabeeyaan hannaanka kala guurka ah ee AMISOM ay ugu wareegayso ATMIS.

Hawlgalka cusub ayaa la filayaa inuu socdo muddo cayiman, dhaqaalihiisana ay bixinayaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Ciidamada AMISOM

Xigashada Sawirka, AMISOM

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysay inay yeelato go'aanka ku aaddan qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub.

Wasaaradaha arrimaha dibedda, gaashaandhigga iyo amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa hannaanka AMISOM loogu bedalayo ATMIS. Kulamo ka dhacay Addis Ababa, Qaahira iyo Muqdisho ayaa lagu soo geba gabeeyay hannaanka kala guurka, sida uu sheegay Danjire Bankole.

"Lixdii bilood ba mar ayaa qiimeyn lagu sameyn doonaa hawlgalka ATMIS, waxaana qiimeyntaas wadajir u sameyn doona; dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub," ayuu hadalkiisa raaciyay Danjire Bankole.

Waxa uu intaa raaciyay in dalalka hadda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii wadi doonaan hawshooda, balse la xoojin doono shaqada ay hayaan.

Shan iyo tobanka sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.

Hase yeeshee waxaa lagu dhaliilay in aysan wax badan ka qaban wiiqidda awoodda Al-Shabaab oo weli khatar xooggan ku ah caasimadda iyo qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.