Ammaanka: Soomaaliya maxaa ka hortaagan iney hanato diyaarado dagaal?

Diyaaradaha dagaalka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Somalia Air Force Facebook

Qoraalka sawirka, Sawirkan waxaa la qaaday burburka ka hor

Taliyaha Ciidammada cirka Soomaaliya Sarreeya Guuto Maxamed Sheekh Cali Maxamuud (Dable Beylood) kursi diyaaradeed oo ku fariisto waxaa u dambeysay March 1978-kii xilligii uu duuliya ka ahaa diyaarad Miig ah.

Ciiadamada Cirka Soomaaliya wuxuu ka tirsanaa in ka badan 50 sano. Dalka Soomaaliya oo haatan dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab malaha diyaarad dagaal oo ay dagaalkaasi u kaashadaan.

Balse dalal ku yaalla Bariga Afrika iyo saaxibbada Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa mararka qaar Soomaaliya ka caawiya howlgallada dhinaca cirka ah.

Sarreeya Guuto Shekh Cali Maxamed Maxamuud

Xigashada Sawirka, DAILY SABAH MAGAZINE

Dadaallada dib u soo celinta Ciidamada Cirka Soomaaliya

Haddaba waxaa socda dadaal dib loogu soo celinayo ciidammadii cirka ee Soomaaliya oo 30 sano ka hor burburay, balse waxaa jira caqabado hortaagan.

Caqabadahaasi oo ay ka mid yihiin cunaqabateyn dhinaca hubka oo Qaramada Midoobay ay saartay oo aan Soomaaliya laga qaadin, waddanka oo aan weli ka soo kaban dagaalkii sokeeye, Soomaaliya oo aan weli yeelan dhaqaale ku filan oo hubka ay doonto ay ku soo iibsan karto iyo amniga waddanka oo ay dowladda si buuxda gacanta uga hayn.

Taliyahan 75 jirka ah oo madax u ah ciidamada cirka Soomaalia ayaa rajeeynaya in ciidamada Mareykanka ay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay dib ugu dhisan lahayd ciidamadeeda cirka iyada oo markii hore ahayd kuwa ugu awoodda badan Geeska Afrika.

"Ciidamada Cirka Mareykanka waxaan la billaawnay iskaashi. Wixii hadda ka hor iskaashi maanan laheyn," ayuu yiri Maxamuud oo ka qeybgalay shir dhawaan shir taliyeyaasha ciidammada Afrika uga socday magaalada Kigali.

"Diyaarad, Duuliye iyo farsamo-yaqaan intaba ma haysanno balse waxaan sugeynaa saldhigyada oo keli ah," ayuu intaasi ku daray.

Ciidanka Cirka Soomaaliya oo la aasaasay 1954-kii ayaa mar ku faani jiray lahaanshaha diyaaradaha dagaalka ee MiG-17 iyo MiG-21. Dagaalkii lala galay Itoobiya 1977-kii oo ay taageereysay Midowgi Soofiyeeti iyo Dagaalkii Sokeeya ee dalkaasi ka qarxay waxay sababeen iney kala tagaan ciidammada cirka wixii ka dambeeyey 1991-kii.

Ururka Al-Shabaab ayaa bartamhii 200 billaabay inuu khatar ku noqdo dowladda iyo shacabka dalkaasi. Ciidanka Cirka ee Sooaamliya ayaa loo dhisay sanadkii 2015-kii.

Taliye Maxamed wuxuu intaasi ku daray Ciidamada Cirka Mareykanka diyaaradhooda duuliyaha leh iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee ay ilaalada iyo sirdoonka u adeegsadaan iney isticmaalaan saldhigga ciidamada cirka ee BalliDoogle e Muqdisho kaga beegan Waqooyi Galbeed.

Howlgallaada la dagaallanka aragagxisada ee Mareykanka ayaa hakad ku yimid wixii ka dambeeyey markii uu Trump bishii January 2021-ka amar ku bixiyay iney gabi ahaanba ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay ka soo baxaan. Mareykankana BalliDoogle wuxuu u isticmaalaa howlgallada ciidamada gaarka ah iyo tababarrada uu siiyo guutada Danab ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa ka gaabsaday iney ka jawabaan su'aasha laga weydiiyey iskaashiga sirdoonka iyo mustaqbalka waxa u qorsheysan ee ay doonayaan iney la qabtaan ciidamada cirka Soomaaliya, balse waxay hoosta ka xariiqeen sida ay Mareykanka uga go'an tahay xaqiijinta amniga Gobolka.

"Taageerada aan siinno Saaxibbadeen Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM wuu socdaa, waxaanna sii wadeynaa howlagallada ka dhanka ah argagaixisada" ayuu yiri afhayeenka AFRICOM Gaashaanla dhexe Timothy S. Pietrack oo u warramay Wargeyska Air Force.

"Howlgallada ma aysan joojin, balse waxay yareeyeen tirada dadka, waxayna joojiyeen tababarrada ay siiyaan ciidamada gaarka ah, haddana marweliba duullimaadyo wey sameeyaan," ayuu yiri taliya Maxamed.

Taliyuhu wuxuu intaa ku daray ciidamada Mareykanka iney hadda Muqdisho dib ugu soo laabteen, iskashiga dhinaca ciidamada cirkana uu si cusub u billaawday. Wxuuuna sheegay inuu rajeynayo Mareykanka inuu ciidamada cirka Soomaaliya uu ka caawiyo dhanka tabbarradda ugu dambeyntina uu ugu deeqo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa xamuulka.

"Waxa ugu horreeya ee aan ka dooneyno ayaa wuxuu yahay iney noo tababaraan duuliyeyaal, farsamo yaqaanno, shaqaalaha hagista hawada, ku wa diyaaradaha cillad bixiya," ayuu yiri.

"Diyaaradaha xamuulka oo ay helaan ciidamada cirka Soomaliya waxay gacan ka geysaneysaa iney ka qayb qaataan daabulka ciidamada iyo gurmadka masiibooyinka dabiiciga ah."

Taliye Maxamuud weli wuxuu ku labbisan yahay tuuta buluug ah oo ay ka muuqato astaanta ciidamada cirka Soomaalia iyo caleemo dahab ah oo darajadiisa muujineyso, wuxuuna rajeynayaa in mar aan dhaaereyn uu arko ciidamada cirka Soomaaliya oo si buuxda u soo noqdo si ammaanka dalkiisa hooyo uu u noqdo mid la isku halleyn karo.

"Diyaarado haddii aad haysato, waad garaneysaa sida aad ula dagaallameysid Al-Shabaab," ayuu yiri.

"Al-Shabaab cirka iyo dhulkaba markaad kula dagaallanto muddo gaaban ayaad ku tirtiri kartaa, balse wax walba eber ayaan ka soo billaabeynaa. Waxaan dooneynaa wax walba inaan hoos ka soo dhisno. Marka wax kasta oo aan helno innagu kaalmo ayey noo tahay," ayuu yiri Taliyaha Ciidamada cirka Soomaaliya Sarreeya Guuto Maxamed Sheekh Cali Maxamuud (Dable Beylood).

Ciidamada Soomaaliya

Mareykanka marka laga reebo waxay iskaashi dhinaca ciidamada cirka ah oo looga gol leeyahay dib u soo celinta ciidamada cirka Soomaaliya iyo hubkooda ay Soomaaliya la gashay dalka Pakistan.

Dib u milicsiga Ciidamada Cirka Soomaaliya

Ciidamada Cirka Soomaaliya oo la aasaasay wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay 1960-kii si la mid ah ciidamada cirka ee caalamka ka jira waxay mas'uul ka yihiin ilaalinta cirka iyo dhulka dalka Soomaaliya. Xorriyadda ka hor intii u dhaxeysay 1954-1960-kii waxaa loogu yeeri jiray Ciidanka Hawada Soomaliya (SAC), xorriyadda kaddibna waxaa magacaasi loo baddalay Ciidamada Cirka Soomaaliya (SAF).

Ciidanka cirka ee Soomaaliya oo wakhti ahaa kuwa ugu awoodda badan Geeska Afrika ayaa burburiay wixi ka dambeeyey 1990-kii marki ay dagaalladasokeeye ka dhaceen dalka Soomaaliya.

Hoggaanka ciidanka Soomaaliyana burburka ka hor waxaa gacanta ku hayey duuliyihii ugu horreeeyey Cali Mataan Xaashi.

Ciidamada Cirka Soomaaliyana waxay ku hubeysnaayeen diyaarado isugu jira kuwa dagaalka (oo miig (80) iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca (17) ka kooban), diyaaradaha xamuulka iyo kuwa tababarrada loogu talo galay (30).

Diyaaradah dagaalka ay ku hubeysnaayeen ciidamada cirka ee Soomaaliya wixi ka horreeyey 1991-kii waxaa sameeyey dalalka Mareykanak, Midowgii Sofiyeet, Talyaaniga, iyo Shiinaha.