Daraasad: Urinta shiirka dadka waxay u roon tahay maskaxda

In la uriyo shiirka jirka dadka waxaa laga yaabaa inuu wax ka taro daaweynta xanuunnada isku buuqa, sida ay sheegeen baarayaal u dhashay dalka Sweden oo tijaabo ku sameeyay dad iskood uga qeyb galay daraasadda.

Saynisyahannada ayaa adeegsanayay dhididka kilkilaha marka ay sameynayeen tijaabadan.

Waxay ku doodayaan in shiirku uu kicinayo marinnada maskaxda ee la xiriira dareemaha, isagoo dadka siinaya saameyn degganaan ah – balse weli lama oran karo way saxan yihiin.

Waxyaabaha ay ku ogaadeen daraasaddan horudhaca ah ayay toddobaadkan dhexdiisa ku soo bandhigi doonaan shir caafimaad oo toddobaadkan dhexdiisa ka dhici doona Paris, Faransiiska.

Maxay tahay sababta iyo sidee ayaan u urineynaa?

Carruurtu waxay ku dhashaan dareen xooggan oo wax urineed, iyagoo jecleysta hooyadood iyo caanaheeda naaska.

Wax urintu waxay aadmiga ka caawisaa dareemidda khatarta – laga soo bilaabo cuntada ama dab qiiqaya, tusaale ahaan – wuxuuna la falgalaa deegaankeenna, iyo sidoo kale dadka dhexdiisa.

Sidoo kale cuntada wuxuu ka dhigaa mid dhadhan badan leh wuxuuna sababi karaa inay kugu soo maaxdaan xusuuso badan.

Carafta waxaa nuuga qeybta sare ee sanka. Kaddib dareemo ayaa loo gudbiyaa qeyb maskaxda ka tirsan oo qaabilsab xusuus iyo dareemo.

Baarayaasha Sweden ayaa sheegay in shiirka jirka bani’aadamka uu tilmaan ka bixiyo xaaladdeenna dareen ahaaneed – haddii aan faraxsannahay iyo haddaan isku buuqsannahay, tusaale ahaan – iyo sidoo kale falcelin la mid ah oo ka timaadda dadka uriya.

Waxay dadka iskood uga qeyb galay daraasaddan ka codsadeen inay keenaan dhididka killishooda markii ay amaba daawanayeen filin cabsi leh amaba ay faraxsanaayeen.

Kaddib, 48 haween ah oo isku buuq uu heystay ayaa oggolaaday inay uriyaan qaar ka mid ah dhididkaas.

Haweenka qaarkood ayaa laga codsaday inay uriyaan shiirka jirka, halka qaar kalena la geeyay meel hawo nadiif ah leh.

Kuwii urinayay dhididka ayaa dareemay xaalad degganaan ah.

Haweeneydii hoggaamineysay daraasaddan oo lagu magacaabo Ms Elisa Vigna, kana tirsan Machadka Karolinska ee ku yaalla Stockholm, ayaa tiri: "Dhididka ka yimid qof faraxsan wuxuu lahaa saameyn la mid ah qofkii daawaday filin cabsi leh.

Waa maxay dhididka mar walbana ma soo uraa?

Inta badan dhididka jirka waa ur la’aan. Balse unugyada dhididka ee kilkilaha ayaa soo saara wxa sababa urka.

Bakteeriyada daharaka jirka saaran amabameelo u dhow timaha ayaa sababta shiirka ka soo baxa kilkilaha.

Duncan Boak oo ka tirsan hay’adda samafalka Fifth Sense, oo ujeeddadoodu tahay wacyigelinta dhibaatooyinka urta iyo dhadhanka, ayaa yiri: "Waan ognahay inuu jiro xiriir xooggan oo ka dhaxeeya dareenkeenna wax urineed iyo xaaladdeenna.

"Luminta awoodda lagu uriyo dadka kale, sida lammaanahaaga iyo carruurta ayaa sababi kara isku buuq iyo dareen go’doon ah.

"Inkatsoo tan ay tahay daraasad horudhac ah shaqo bandanna ay u dhiman tahay, waa mid dhiirrigelineysa in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo muhiimadda dareenkeenna wax urineed uu u leeyahay caafimaadka maskaxda."