You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida la isaga ilaaliyo shiirka jirka iyo khatarta ku gedaaman
Subaxdii marka aan qubeysanno ka dib waxa ugu horreeya ee aan samayno waa in aan is carfinno. Labiska ka hor, dad badan ayaa marka hore jirkooda ku buufiya carfisada jidhka. Markaas ka dib ayey shaqadeenna maalin laha ah inoo bilabataa. Balse habkee loo isticmaali karaa harfinta.
Waxyaabaha la isku udgiyo waxay ka shaqeeyaan inay jirka ka fogeeyaan in uu yeesho ur aan wanaagsanayn.
Kiimikooyinka qaarkood ee ku jira carfiyeyaashu waxay joojiyaan koritaanka bakteeriyada dhididka soo saarta. Sidaa darteed, waxay kaa caawinaysaa xakamaynta urta xun ee dhididka.
Noocyada alaabta la isku carfiyo ee hadda suuqa laga helo waxaa ka mid ah sida carfisada jidhka lagu buufiyo, kuwa dareere ah iyo kuwa lagu xoqo meelo ka mid ah jidhka sida kilkisha ka dibna waxay ku reebaan labeen adag oo xakameysa bakteeriyada dhididka sameysa.
Balse waligaa ma is weydiisay in isticmaalka waxyaabahani ku dili karaan?
Sababtoo ah, waxaa dhawaan la shaaciyay in gabar 14 jir ah ay ku dhimatay UK ka dib markii ay isku buufisay carfiso.
Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Georgia Green ayaa geeriyootay ka dib markii ay sambabbada ka gaareen qiiqa ka baxayay waxa ay isku buufisa, sida lagu sheegay warqaddeeda dhimashada.
Waxaa jira doodo badan oo ku saabsan isticmaalka walxaha loo adeegsado udugga jirka. Haddaba maanta waxaan heli doonaa jawaabta su'aashan iyo sida looga baaqsado in ay halis kugu keenaan waxyaabahani.
Sida loo isticmaalo waxyaabaha jirka lagu udgiyo
Haddii aad isticmaalaysid midda la mariyo kilkisha, mari ama ku jiid 1 ilaa 3 jeer jirkaaga oo qoyan qabeyska ka dib.
Haddii aad isticmaalaysid tan la isku buufiyo, waxaad buufisaa adiga oo jidhkaaga ka fogeynaya 10 ilaa 15 sentimitar si ay muddo dheer kaagasoo carafto, sida ay ku taliyeen xeel dheerayaasha agabka udugga.
Hadii aad carfisada buufiso iyada oo jirka aad uga fog ama aad ugu dhow waxay khubaradu sheegeen in aanay faa’iido lahayn si fiicanna kaaga soo udgeynin.
Sida aan loo isticmaalin waxyaabaha jirka lagu udgiyo
Waa in aan carfisada marna lagu buufin dharka.
Sidoo kale, sax ma aha in uu qofku sariirta aado iska marka uu cafrisada marsado. Marar kala fog dhib kama imaan karo, balse haddii aad joogteyso in aad seexato adigoo is carfiyay waxaa kaaga íman karta khatar caafimaad.
Khubaradu waxay ku taliyeen in carfisada la mariyo shirka ee qoyan loo isticmaalo si taxaddar leh, waana in aan la isku badin.
Carfisooyinkaaga ka ilaali meelaha ay gaari karaan carruurta.
Khatar maka dhalan kartaa waxyaabaha lagu carfiyo jirka?
Gabadha 14 jirka ah ee dhimatay ka dib istcmaalka carfisada waxaa istaagay wadnaha, taasoo muujineysa in ay khatar weyn ku gedaaman tahay qalabkan aan sida joogtada ah u adeegsanno.
Dalka UK oo keliya, waqtigii u dhaxeeyay 2001 ilaa 2020 waxaa carfisada jirka ugu dhintay ilaa 11 qof, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray xafiiska Tirakoobka Qaran.
Intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2008, tirada dadka ee u dhintay sababo la xiriira carfisada waxay ka badneyd dadka u dhintay isticmaalka daroogada, sida laga soo xigtay hay’adda xakameynta daroogada ee UK.
Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen carruur ay da’dooda u dhaxeysay 10 ilaa 15 sano.
Sida ay shegetay hay’adda Mayo Clinic, 100 ilaa 200 oo carruur ah ayaa sanad kasta Mareykanka ugu dhinta dawooyin ay u qaateen qaab neefsasho ah.