You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Urka jirka: Maxaa sababa urka jirka, sidee se looga hortagi karaa?
Urta ama shiirka jirka waa arrin si fiican loo yaqaan oo saamaysa tayada nolosha qofka. Waxayna khubaradu sheegeen in tani ay sabab u tahay heerar kala duwan oo ay bakteeriyada dhididka ku fidayso, balse aanay sabab u ahayn dhididka laftiisa.
Jirku wuxuu ur ka soo saaraa afka iyo qayba kale, xitaa dareeraha jidhka. Balse qormadan waxaynu sidoo kale diiradda ku saari doonaa urta ka soo baxda maqaarka jidhka bini'aadamka sida bakteeriyada ay dhididka bani'aadamka uga sameysmato.
Waxyaabaha keena urka jirka
Wargeyska The British Medical News Today ayaa qoray in urka jirka ay inta badan soo baxdo xilliga qaan-gaarnimada, halka hidde-sideyaasha iyo dhididku ay aad u soo shaac baxaan xilliga qaan-gaarnimada, iyadoo maadada hidde-sidaha aadanaha iyo kaydinta dhididka ay aad kor ugu qaadaan jidhka bini'aadamka.
Dadka buuran iyo shakhsiyaadka qaba dhibaatooyinka caafimaad qaarkood sida sonkorowga ayaa aad ugu dhow in jirkooda uu shiiro.
Urta jirku waxay sameysmataa marka bakteeriyadu ay habab kala duwan soo marto si ay u xakamayso una qaybiso borotiinka dhididka, halkaas oo ay cunto ka hesho - taasina waxay keentaa in ur sameysmo.
Sida laga soo xigtay Dr. Abubakar Mohammed oo ka tirsan cisbitaalka Maiduguri, gobolka Borno, waqooyi bari Nigeria, dhididka laftiisu maaha sababta urta, laakiin bakteeriyada ku dhexnool nool qoyaanka ayaa sababta. Jirka Bini'aadamka ayaa sonkorta u beddela asiidhyo keena urka.
Taasi waa sababta aan ugu malaynayo inta badan dadka dhididka badani ay u nugul yihiin urta jirka.
"Waxaa jira meelo badan oo jirka bini'aadamka uusan hawo badan neefsanin, gaar ahaan kuwa xasaasiga ah, halkaas oo dhididku ku sii jiro," ayuu yiri Dr. Abubakar.
Waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi: "Jirka bani'aadamku waxa uu soo daayaa qaar ka mid ah kiimikooyin ay ku jiraan ur oo afka qalaad lagu yirahdo odorants, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay muhiim u yihiin shaqada jirka, halka qaar yar oo ka mid ah kiimikooyinkaasi aysan ur keenin."
Laakin sida uu dhakhtarku sheegay, haddii kiimikooyinkani ay aad ugu badan yihiin jirka waxay sababi karaan neefta qofka oo shiirta.
Waxa kale oo uu intaa ku daray in noocyada cuntada uu qofka ay qeyb ka qaataan urka.
Wuxuu yiri waxaa ka mid ah: "Cunista toonta, basasha ama basbaaska iyo wixii la mid ah, waxay qofka ku keenaan dhidid badan, sidoo kale haddii qofka cuno borotiinka waxay saamaynaysaa ur jirkiisa."
Kahortagga iyo xakamaynta urta jirka
"Dadku waxay inta badan dareemaan ur ka soo baxa qaybo ka mid ah jidhkooda oo ay ku daboolan yihiin dhar - taas oo kordhisa qoyaanka iyo dhididka dharka ee keena faafidda bakteeriyada," ayuu yiri Dr Abubakar.
Waxaana uu sheegay in aanu shaki ku jirin, in tani ay tahay sababta ugu badan ee urta jirka keenta.
"Si taas looga hortago, waxaa loo baahan yahay daryeel gaar ah oo lagu sameeyo meelahan oo kale marka laa meeyro si loo hubiyo in ay aad u engegan yihiin ka hor inta aan la xidhin dhar nadiif ah," ayuu yiri.
Inkasta oo aanay khubaradu cayimin daawaynta ama ka-hortagga gaarka ah ee urta guud ee jidhka, waxay ku talinayaan qaar ka mid ah tallaabooyinka la qaadi karo si loo yareeyo ama loo baabi'iyo urta jirka sida soo socota.
- Qubaysiga: waa in qofku mar kasta uu qubystaa biyo nadiif ah iyo saabuun udgoon, waana in la hubiyo in jidhkiisu nadiif yahay. Qubaysiga laba ama saddex jeer maalintii waa habka ugu waxtarka badan - oo xoogga la saaro.
- Dhar nadiifka ah: marka laga soo tago qubayska iyo nadaafadda shakhsi ahaaneed, sidoo kale waxaa aad muhiim u ah in uu qofka xirto dhar nadiif ah.
- Timaha oo xiiro: Haddii timaha lagaga tago meelaha ay timaha ka soo baxaan waxa ay ka hortagtaa dhididka degdega ah, taas oo iyaduna keenta in bakteeriyadu soo dayso ur udgoon. Markaa xiiridu waxay kaa caawinaysaa inay yarayso urta meesha. Waxaa loo isticmaali karaa sidii mandiil, ama sida xiirashada, taas oo laga heli karo dukaamada yaryar iyo kuwa waaweyn.
- Isticmaalka joogtada ah ee cadarka jidhka: aad bay muhiim u tahay in badsato isticmaalka cadarka jidhka.
Daryeel gaar ah oo loo loo xubnaha jirka qaarkood: Si taas looga hortago, waxaa loo baahan yahay daryeel gaar ah meelahan oo kale xilliga maydhashada si loo hubiyo in ay si fiican u engegan yihiin ka hor inta aan la xidhin dhar nadiif ah.
Maxaa sababa af urka qofka?
Af urka waxaa sababi kara haddii aan si wanaagsan ilkaha loo cadeynin.
Sidoo kale, waxaa jiro cunnooyinka qaar oo sababi kara af urka.
Arrimo kale oo badan ayaa sidoo kale horseedi kara af urka.
- Waa dhibaato saameysa afartii qofba midkood
- Sababta ugu weyn waa nadaafad darro afka ah
- In afka ay cunto ku harto ayaa sababi karta xaaladdan
- Ilkaha oo daxaleysta
- Af qalleylka
- Cabidda xashiiska ayaa sababi karta af urka
- Waxaa sidoo kale jiri kara daawooyin caafimaad oo sababi kara af urka balse keliya waa inta aad qaadaneyso daawooyinkaas
- Waxaa sidoo kale jira caabuq haleela sanqada, sanka iyo afka kaas oo sababi kara dhibaatadan
- Cunnooyinka sida basasha iyo toonta ayaa gacan ka geysan kara daaweynta af urka
Sidee u xallin kartaa dhibaatadan?
Sida ugu fiican ee aad ula tacaali karto af urka waa in aad afkaaga nadiifisaa adiga oo si joogto ah ilkahaaga u cadeynaya mar walba oo aad wax cunto iyo markaad seexaneyso.
Si joogto ah ula kulan dhaqtarkaaga ilkaha si aad u ogaato in ilkahaaga ay jirran yihiin sidaas darteedna ay keeneyso af urka. In aad dhaqtar aragto sannadkii labo jeer ayaa kugu filan.
Waxaa fiican in aad afkaaga ku meyrto biyo diirran iyo cusbo maaddaama ay dilayaan jeermiska afkaaga ku jira ee sababaya af urka.
Ku dadaal in aad afkaaga ka saarto cuntada ku hartay.
Marka ay cadeysiga tahay, sidoo kale caday carraabkaaga.
Kafogow in afkaagu qalleyl noqdo. In aad cabto biyo badan ayaa xaaladdan yareyn karta xitaa haddii aadan maalintaas oo dhan wax cunin.
Ka fogow cabidda sigaarka amaba aalkolada.
Cun cunnooyinka fudud ee aan sokorta ku jirin.
Haddii uu qofku isku dayo inuu sameeyo waxyaabahaas oo dhan welina ay dhibaatadu heysato waxaa fiican inuu u tago dhaqtar, waxaa laga yaabaa inay jiraan ilko daxalaystay oo u baahan in la bixiyo.
Shan waxyaabood oo aad sameyn karto si aad uga nabad gasho af urka
Dadka qaar ayaa ku taliya inaad ilkahaaga cadeyso maalintii labo jeer. Balse dhaqaatiirta caafimaadka ayaa ku talinaya arrimo kale oo muhiim ah oo loo baahan yahay inaad sameyso si aad uga badbaaddo af urka, ilkaha oo daxaleysta, iyo cirridka oo ku bukooda.
Talooyinka waxaa ka mid ah:
- Ha luqluqan isla markiiba kaddib markaad cadaysato
Waaxda Caafimaadka UK (NHS) ayaa ku talineysa in markaad cadaysiga dhammeyso, aad mar labada daawada ilkaha isticmaasho, oo aadan luqluqan hal mar oo aad cadeysatay.
- Ha isticmaalin qori si aad cuntada uga saarto ilkaha.
NHS ayaa dadka kula talineysa inaysan isticmaalin qori si ay cuntada uga saaraan ilkaha dhexdooda, maaddaama qoryaha ay saameynayaan cirridka ayna sababi karaan caabuq.
- Isticmaal dun si aad u yareyso af urka
Khubarrada waxay ku talinayaan inaad isticmaasho dun aad ilkaha dhexdooda gelineyso si aad uga soo saarto cuntada ku hartay ee sababeysa af urka. Si kastaba waxay soo jeedinayaan inaay joogto u isticmaasho dunta si aad uga shaqeyso caafimaadka iyo nadaafadda afkaaga.
- Isticmaal daawada ilkaha
NHS ayaa dadka kula talineysa inay isticmaalaan biyo daaweysan oo lagu luqluqdo. Cadeysiga kaddib markii aad biyo ku luqluqato, waa inaad isticmaashaa biyaha daweysan oo kaa caawinaya in maaddada fluoride ay ku sii jirto afkaaga si ay u nadiifiso.
- Waa inaad carururta ka caawisaa inay ilkahooda cadayaan ilaa ay ka gaarayaan 7 jir
NHS ayaa dadka kula talineysa inay ilmaha ka caawiyaan cadeysiga ilaa ay ka gaaraan toddoba sano. Sida talada ku xusan, haddii aadan caawin, ma awoodi doontid inaad la socoto amaba barto sidii ay u nadiifin lahaayeen ilkahooda mana xusuusan doonaan inay si joogto ah u cadeystaan.