Madaxweynaha Mareykanka oo ku lugeeyay caasimadda Ukraine xilli ay socotay digniinta duqeymaha

Biden

Xigashada Sawirka, Reuters

Mareykanka ayaa garab taagnaan doona Ukraine "wax walba oo ay ku qaadato", sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay magaalada Kyiv.

"Waxaan caddeyn kasta u heynaa in aad guuleysan doontaan," ayuu yiri.

Booqashada Biden ee Ukraine ayaa timid maalmo ka hor xuska sanad guurada koowaad ee kasoo wareegtay duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalkaas.

Tallaabada uu madaxweyne Biden ku tagay Kyiv ayaa xoojineysa sida ay Mareykanka uga go’na tahay inuu taageero Ukraine.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu "aad ugu khaldanaa" inuu ku fikiro in uu ka adkaan karo Ukraine iyo xulafadeeda Reer Galbeedka.

Safarka Biden iyo digniinta duqeymaha

Biden ayaa safarka qarsoodiga ah markii hore ku tagay magaalada Warsaw ee dalka Poland, halkaas oo uu uga soo baxay safar dhulka ah oo uu ku galay Ukraine.

Tareen socday 10 saacadood ayuu madaxweynaha Mareyanka ku gaaray magaalada caasimadda u ah Ukraine ee Kyiv.

Zelensky iyo Biden

Xigashada Sawirka, EPA

Biden iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa booqday goob lagu xusayay askartii Ukraine uga dhimatay tallaabadii uu Ruushka ku goostay gobolka Crimea sagaal sano ka hor.

Xaaladda ayaa u muuqatay mid aad u cakiran ka dib markii uu magaalada oo dhan hal mar qabsaday dhawaaqa digniinta duqeymaha xilli uu Biden ku sugnaa bartamaha Kyiv.

Si joogto ah ayey qeylo dhaanta digniinta ah uga yeertaa magaalada, inkastoo ay markaas ku beegan tahay madaxweynaha Mareykanka oo dhex lugeynaya waddooyinka magaalo madaxda Ukraine.

Ruushka ayaa lagu wargeliyay in safarka uu Biden ku galayay Ukraine si aysan weerarro xagga circa ah u dhicin inta u uku sugan yahay dalkaas.

Booqashada Biden ka dib, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Washington bixineyso kharash cusub oo loogu talogalay caawinta militeri ee Ukraine, kaasoo gaaraya lacag dhan $450m (£373m).

Maxaa laga filayaa Putin?

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa isu diyaarinaya khudbad uu uga hadli doono arrimaha siyaasadda iyo militeriga ee ku saabsan dagaalka Ukrane oo ah iskudhicii ugu weynaa ee dhex maray Moscow iyo Reer Galbeedka tan iyo markii uu dhammaaday Dagaalkii Qaboobaa.

Putin ayaa maanta oo Talaado ah khudbad ka hor jeedin doona xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Ruushka.

Waxa uu falanqeyn doonaa xaaladda ka timid cunaqabateynta caalamiga ah ee lagu soo rogay ka dib markii uu weerarka ku qaaday Ukraine.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in ururkiisa uu ansixin doono cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogayo Moscow, ka hor inta aan la gaarin xuska sanad guurada koowaad ee kasoo wareegtay markii uu bilowday dagaalka Ukraine oo ku beegan 24-ka bishan February.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed oo ku saabsan dagaalkan aysan qaadi doonin ilaa inta ay ciidamada Ruushka ka baxayaan dalkeeda.