Ilmahaaga Ma ka joojin kartaa isticmaalka baraha bulshada?

Isobel waxay ku qanacsan tahay in mamnuucida baraha bulshada aysan joojin doonin carruurta iyada oo kale ah.

Xigashada Sawirka, BBC/Jessica Hromas

Qoraalka sawirka, Isobel waxay ku qanacsan tahay in mamnuucida baraha bulshada aysan joojin doonin carruurta iyada oo kale ah.

Xayiraadda warbaahinta Baraha bulshada ee ugu horreysa adduunka ee dadka ka yar 16 sano ayaa ka dhaqan gashay Australia

Malaayiin caruur ah iyo dhalinyaro da'doodu ka yar tahay 16 sano ayaa luminaya akoonadooda baraha bulshada ee Australia ka dib markii mamnuucidii ugu horeysay ee aduunka ay dhaqan gashay.

Instagram, Facebook, Threads, X, Snapchat, Kick, Twitch, TikTok, Reddit iyo YouTube ayaa ka mid ah aaladaha laga doonayo in ay dhaqan geliyaan sharciga cusub.

Haddaba qormadan hoose ayaan ku eegeynaa sida uu sharcigani ku dhaqan gelayo iyo su;aasha ku saabsan: Ilmahaaga ma ka joojin kartaa isticmaalka baraha bulshada?

Gabadh lagu magacaabo Isobel, oo 13 jir ah ayey ku qaadatay, wax ka yar shan daqiiqo in ay hareer marto xayiraad cusub oo Australia ay qorsheysay inay ku soo rogto isticmaalka carruurta ee baraha bulshada.

Gabadha ayaa taleefankeeda ogeysiis ka heshay Snapchat, oo ka mid ah aaladaha la mamnuucay, iyadoo looga digayo in akoonkeeda laga tirtiri doono adeegga marka uu si toos ah u dhaqan galo toddobaadkan, ilaa ay ka caddeyso in d'adeedu ay ka weyn tahay lix iyo toban sano.

Isobel waxay tiri: "Waxaan keenay sawirka hooyaday oo aan hor dhigay kaamarada, nidaamkuna waxa uu ii ogolaaday inaan sii wado howsheyda, isagoo leh: 'Waad ku mahadsan tahay inaad xaqiijisay da'daada."

Waxa ay intaas ku dartay: "Waxaan maqlay in qof uu isticmaalay wejiga Beyonce (heesaaga)."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isobel way sii hadashay ayadoo tiri: "Hooyaday, Mel, ayaan fariin qoraal ah u diray, oo aan ku iri: 'Hooyo, waan ka gudbay xayiraadii baraha bulshada', hooyadayna waxay ku jawaabtay: 'Waxa aad tahay qof xun.'

Mrs Mill ayaa tiri waad iga qoslisay iyada oo raacisay: "Dhab ahaantii tani waa wax aan filayey in ay dhacaan."

In kasta oo ay u ogolaatay Isobel in ay isticmaasho TikTok iyo Snapchat iyada oo si dhow loola socdo, haddana waxa ay door biday in gabadheeda ay si gaar ah u isticmaasho apps-ka, hooyadu waxay rajaynaysay in mamnuucida, sida waalidiinta loo sheegay, ay ka caawin doonto ka ilaalinta carruurta khatarta shabakadaha bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, rajadaas ayaa meesha ka baxday ka dib markii khubaro dhowr ah iyo sidoo kale caruurtu laftoodu ay bilaabeen inay su'aal galiyaan waxtarka iyo badbaadada sharcigan oo si dhow isha loogu hayo caalamka oo dhan, walaacna ku abuuray shirkadaha saamaynta ku leh qaarkood.

Waxa jira walaac laga qabo in la isku halleyn karo, tignoolajiyada la doonayo in loo isticmaali doono in lagu dhaqan geliyo mamnuucista, iyo sidoo kale welwelka laga qabo in ku fulinta sharciga laga saaro carruurta aadka u nugul kuwa kalena geliyo xaalado khatar ah iyo in uu yahay sharcigu mid aan nidaamsaneyn.

Su'aasha walaaca laga muujiyay baarlamaanka dhexdiisa, muwaadiniinta Australia oo dhan, iyo guddiga shirkadaha tignoolajiyada adduunka oo dhan aya ah:

Runtii sharcigani ma guulaysan doonaa?

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Ra'iisul Wasaaraha Australia wuxuu siiyay Wasiirka Isgaarsiinta mas'uuliyadda ilaalinta meelmarinta sharciga.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha Australia wuxuu siiyay Wasiirka Isgaarsiinta mas'uuliyadda ilaalinta meelmarinta sharciga.

Australia gudaheeda, in yar ayaa aaminsan in shirkadaha warbaahinta bulshadu ay ku filan yihiin ilaalinta isticmaalayaasha, gaar ahaan carruurta. Sheegashadooda is-difaaca ah ayaa u muuqata mid aanay waxba ka jirin.

Danny Elachi, oo ah aabaha shan carruur ah, isla markaana u ololeeya nidaamka taleefannada casriga ah, ayaa BBC u sheegay: "Ma aaminsanin in shirkadaha tignoolajiyada ay samaynayaan wax ka badan ilaalinta danahooda gaarka ah."

Waxa uu intaa ku daray in shirkadaha la siiyay fursado badan si ay u caddeeyaan in ay muujiyaan in ay daneynayaan badbaadada carruurta, laakiin "ay ku guuldareysteen isku day kasta."

Emma Mason, oo ah qareen iyo hooyo oo gabadheeda oo 15 jir ah ay is dishay sababo la xiriira cagajuglaynta internetka, ayaa arrintan su'aal ka keentay Qaramada Midoobay: "Immisa gabdhood oo kale sida Tilly ayaa nafta iska qaadi doona?"

Danny iyo Emma iyo waalidiinta kale waxay horseedeen olole qaran oo weyn oo lagu dejinayo da'da ugu yar ee isticmaalka baraha bulshada.

In kasta oo khubaro dhowr ah, oo uu ku jiro Sarkaalka Sare ee Badbaadada Internetka ee Australia, uu sheegay in mamnuuciddu aanay ahayn xalka ugu wanaagsan, cadaadiska waalidka iyo xaaladda siyaasadeed ayaa sharciga siinaya muhimad.

Bishii Nofembar 2024, Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa ku dhawaaqay sharciga cusub, isagoo sheegay in aan waalid ama ilmaha lagu ciqaabi doonin jebinta shuruudaha.

Sida sharciga qabo, shabakadaha warbaahinta bulshada ayaa looga baahan doonaa inay qaadaan "tallaabooyin macquul ah" si loo hubiyo in isticmaalayaashu ay yihiin ugu yaraan 16 jir, ama ay wajihi doonaan ganaaxyo culus oo gaaraya ilaa 49.5 milyan oo doolarka Australia ah.

Albanese wuxuu yiri: "Tallaabooyinka waxaa loogu talagalay hooyooyinka iyo aabayaasha, kuwaas oo aniga oo kale ah, aadna uga walaacsan badqabka carruurtayada internetka."

Taageerayaasha sharciga, oo qaar ka mid ah maamullada kale ee adduunka ay damceen in loo fuliyo si xaddidan oo aan waxtar lahayn, ayaa sheegaya in ay ka caawin doonto in carruurta uu ka ilaaliyo xeerarka ku riixaya inay arkaan waxyaabaha waxyeellada leh sida rabshadaha, filimada qaawan iyo macluumaadka khaldan.

Waxa kale oo uu ka shaqayn doonaa sidii loo dhimi lahaa cagajuglaynta internetka iyo xadgudubka carruurta ee internetka, waxayna ku dhiirigelin doontaa inay waqti ku qaataan meel ka baxsan guriga, iyo sidoo kale wanaajinta hurdadooda oo ay daryeelaan caafimaadkooda jireed iyo maskaxeed.

Laakiin waxa ka maqnaa ku dhawaaqista Albanese ayaa ahayd qorshe tifatiran oo qeexaya sida ay dawladdu u dhaqan gelinayso sharcigan, maadaama ay muddo sannad ah siisay in ay soo bandhigto tafaasiisha lagama maarmaanka ah.

Dowladda Australia ayaa si deg deg ah u meel marisay sharciga, iyadoo siisay dadweynaha wax ka yar 48 saacadood inay ku soo gudbiyaan aragtidooda sharciga ah.

Sidee dawladda Australia u dhaqan galin doontaa sharciga?

Sanad ka dib, maalmo yar ka hor inta uusan sharcigu si rasmi ah u dhaqan gelin, su'aalaha muhiimka ah ayaa weli ah mid aan jawaab loo helin.

Tijaabo ay dawladdu hogamisay oo hoos imanaysa dallada shirkadaha ayaa muujisay in hababka xaqiijinta da'da ay yihiin kuwo tignoolajiyad ahaan macquul ah, laakiin aan midna si buuxda la iskuguma halayn karo.

Xaqiijinta iyadoo la adeegsanayo dukumentiyada rasmiga ah si loo ogaado da'da isticmaalaha internetka ayaa ah habka ugu saxsan, laakiin waxay u baahan tahay dadka isticmaala inay bixiyaan macluumaadka xasaasiga ah, kuwaas oo qaar badan aysan aqbalin kalsoonida shirkadaha internetka.

Tignoolajiyada aqoonsiga wejiga iyo falanqaynta habdhaqanka khadka intarneetka sidoo kale sax kuma ahayn, gaar ahaan dhalinyarada da'doodu ka yar tahay 16 jir.

Xitaa shirkadaha sida Meta iyo Snapchat, kuwaas oo horey u isticmaalay teknoolojiyaddan, ayaa qiray in ay jiraan caqabado waaweyn.

Isobel, oo ku faanaysa waayo-aragnimadeeda ku aaddan ka-hortagga mamnuucista internetka ee carruurta, ayaa sheegtay inay ku dhowdahay inay hubaal tahay in mamnuuciddu aanay guulaysanayn.

Waxa ay intaas ku dartay: "Shaashaddu balwad iima aha, laakiin waxa aan u maleynayaa in fikradda Anthony Albanese ee ku saabsan in carruurta dibadda loo saaro ay tahay mid aan wax tar lahayn," ayey tiri iyadoo tixraacaysa faallooyinka Ra'iisul Wasaaraha ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada dibadda ee carruurta.

Waxa ay intaas ku dartay: "Haddii la iga mamnuuco, waxa aan heli doonaa app kale oo aan isticmaalo."

Hooyadeed, Mel, ayaa sharraxday arrintan laga hadlayo, laakiin waxay taageertaa kuwa kale ee ka baqaya in sharciyeynta arnikani uu dhalin doono khilaaf joogto ah .

Khubarada ayaa sheegay in laga yaabo in shirkadaha internetka ay si bareer ah u wiiqaan awoodda sharciga si dalalka kale aysan ugu dayan.

Sharciga carruurta ka mamnuucaya isticmaalka internetka ma yarayn doonaa waxyeelada?

Marka laga ryimaado su'aasha ah in sharciga la fulinayo iyo in kale, dad badan ayaa weli la yaaban: Ma in la fulinayaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tignoolajiyada aqoonsiga wajiga waa mid ka mid ah hababka la isticmaalo.

Marka laga yimaado su'aasha ah in sharciga la fulinayo iyo in kale, dad badan ayaa is weeydiinya: Ma in tahay la fuliyo?

Marka hore, waxaa jira walaac laga qabo in sharcigan uu ku riixi karo carruurta inay raadsadaan goobo khatar badan oo internetka ah.

Tani ma waxay noqon doontaa qolalka lagu sheekeysto ee shabakadaha ciyaaraha, kuwaas oo Booliska Federaalka Australia ay ka digeen inay yihiin sababaha abuuraya fikradaha xagjirnimada, laakiin aan la oggolayn in la mamnuuco?

Mise waxa ay ka leexaan doontaa goobaha sida "Omegle," oo jiilkii hore u qaxeen markii loo sheegay inay dad;doodu aad u yartahay marka loo eego isticmaalka baraha bulshada ee qaddiimiga ah? Mareegta ayaa u ogolaatay dadka isticmaala inay fiidiyoow kula sheekaystaan dad aanay garanayn, ka dibna laba sano ka hor ayaa la xiray, ka dib markii ay ka gaabiyeen inay carruurta ka ilaaliyaan ugaarsiga, isla markaana goobaha la midka ah ayaa talaabooyin kuwaasi oo kale ah degdeg u u qaaday.

Qaar kale waxay ka digayaan in carruurtu ay sii wadi karaan isticmaalka aaladaha sida YouTube iyo TikTok iyaga oo aan samayn akoono, halkaas oo ay ka jirto xakameyn yar.

Tim Levy, oo madax ka ah shirkadda badqabka internetka ee Qoria, kana mid ahaa la-taliyayaashii maxkamadaynta ee iscasilay, ayaa yiri: "Ma joojinaysid hab-dhaqanka, waxa aad u wareejinaysaa meelo kale, isagoo u sheegay waalidiinta Australiyaanka ah eedareenka ka qaba in wax walba ay hadda fiican yihiin in ay tahay fariin khatar ah."