Afar arrimood oo yaab leh oo uu Museveni ka sheegay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Uganda Yuweri Musevini waxaa dhacday inuu marar badan uu khudbadihiisa ku halqabsada arrimaha Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya oo oo ku dhawaad 30 sano burbursanaa waxaa isaga dambeeyey dowlado aan tabar badan laheyn laga soo billaabo dowladihii ku meel gaarka ah ee dibada lagu soo dhisay iyo ilaa kuwii gudaha lagu dhisay sanadihii dhawaa. Waxay dhammanatood ka sinnaayeen inay ammaan iyo dhaqaale ahaanba ay si weyn ugu tiirsanaayeen dalal shisheeye.
Waxyaabaha inta badan Soomaaliya laga sheego waxaa ka mid ah amni darrada dalkaasi ka jirto iyo Soomaaliya oo dhan oo aan gacanta ugu jirin dowladda dhexe ee dalkaasi.
Haddaba waxaan eegeynaa 4 qodob oo ka mid ah waxyaabaha uu Museveni ka sheegay Soomaaliya sanadihii dhawaa:
1. Soomaaliya mushaar kama caawin karno
Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, oo martigeliyey dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid tahay sida ay labada dowladood isaga kaashan karaan dhinaca amniga.
Museveni oo ka hadlayay kulan uu kala qayb galay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay istiraatiijiyaddeeda ahayd inay adeegsato ciidan isxilqaamay oo aan mushaar uga baahnayn.
Dadka qaar ayaa erayadiisa u fasirtay in uu dowladda Soomaaliya usoo jeedinayay inaysan culays iska saarin dhinaca mushaaraadka.
"Waxay istiraatiijiyaddeennu ahayd in dadka taageersan fikirkeenna ay isu xilqaamaan inay dagaallamaan si aan awood u yeelanno. Sidaas ayay noogu suurtagashay inaan dhisno ciidan xoog leh, mushaarna ma jiro," ayuu yiri Museveni.
Musevini oo hadalkiisa sii watana wuxuu sheegay dalka Soomaaliya inuu yahay dal seddex jibbaar ka weyn Uganda oo uu maareyn karin ciidmadiisa.
"Haddii aadan dowlad lahayn am aad leedahay dowlad daciif ah sideed u maarayn kartaa inaad lacag siiso tiro kugu filan? Sababtoo ah Soomaaliya waa waddan wayn, waa saddex jibaarka Uganda dhanka cabirka dhulka, sidaa darteed kuma maamuli kartid tirooyinka toban kun, labaatan kun, xitaa afartan kun. Waxay ila tahay in Soomaaliya ay u baahan tahay 80,000 [oo askari], balse sidee intaas mushaar ku siin kartaa haddii aadan dowlad lahayn?" ayuu yiri madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo la hadlayey dhiiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
2. Somaaliya nidaam dowladeed kama jiro
Madaxweyne Museveni 2019-kii wuxuu sheegay arrin ay xilligaa Soomaali badan dhibsatay kaasoo ahaa iney Soomaalya ka jirin dowlad nidaamsan.
"Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma haystaan hay'ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed," ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Museveni uu iskii u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay.
Inkastoo BBC-da aysan garaneynin ujeeddada dhabta ah ee uu madaxweyne Museveni ula jeeday hadalkaasi ayaa haddana dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu ahaa mid uu "ugu gefay" qaranimada Soomaaliya.
3. Soomaaliya ma laha siyaasiyiin waddani ah
Madaxweynaha Uganda oo 2017-kii ka qayb galay shir magaalada London lagu qabtay oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya haysta.
Wuxuuna sheegay iney qabyaaladdu dalkaasi la hartay uuna laheen siyaasiyiin waddaniyiin ah.
”Soomaaliya waa in ay heshaa dowladnimo dhameystiran, dhibka ugu weyn ee Soomaaliya heysta waxa weeye in aysan Soomaaliya lahayn Siyaasiyiin Waddaniyiin ah, waxaana ka awood badan qablaayadda waxaan soo jeedinayaa in Somaliya yeelato axsaab waddaniyiin ah, meelna iska dhigaan aragtida qabyaaladda,” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yuweri Musevini.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4. Weerarrada Soomaaliya ayaa laga soo maleegaa
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo lagu yaqaanno inuu waxyaaba badan uu Soomaaliya ku soo halqabsado ayaa wuxuu sheegay weerarrada ka dhaca gudaha Kenya iyo Ugnada in laga soo abaabulo Soomaaliya.
Museven oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu sheegay, “Qaraxya dhowr ah oo ka dhacay Kampala, waxaan haynaa caddeymo qaar oo muujinaya inay soo abaabuleen kooxo ku sugan gudaha Soomaaliya.”
Uganda oo ah dal saaxib dhow la ah dalka Soomaaliya ciidamadi ugu horreeyey oo dalkaasi ka socdo kana tirsan AMISOM waxay Soomaaliya u dirtay 6-dii March 2007-dii.












