"Dadka waxay ii kireystaan in aan waxbo qaban"

Shoji Morimoto

Xigashada Sawirka, SHŌJI MORIMOTO / TWITTER

Qoraalka sawirka, Shoji Morimoto

Haddii aad marar badan aad is waydiisay shaqada aad ku wanaagsan tahay in aad qaban karo, waxbo taa haka welwelin, waxay suurtagal ah inay kuu fiican tahay in gebi ahaanba aadan waxbo qaban nolosha.

Waana guusha uu gaaray nin u dhashay dalka Japan oo lagu magaacaabo Shoji Morimoto, wuxuu bilaabay ganacsi horseeday inay soo gaaraan kumanaan codsiyo ah tan iyo bishii June sanadkii 2018-kii.

Adeegyada aan qabto waxay kusoo koobmeen , "Cun, cab iyo bixinta jawaabta ah ,ma jiro wax kale in aan qabto".

Shaqadan uu ninka hayo ee ah in dadka ay u kireystaan in uusan waxbo qaban- waxaa jecleystay tobonaan kun oo taageerayaal ah ku xiran boggagiisa baraha bulshada, waxay xiiseenayaan ganacsigiisa dhifka ah.

Morimoto, oo 37 jir ah, lehna carruur , ayaa BBC Mundo uga warramay sida uu la yimid ganacisgan gaarka ah ee ku aadan in dadka ay u kireystaan in uusan waxbo u qaban iyo dhibaatooyinkii uu kala kulmay shaqooyinkiisii hore.

"Waxaa loo kireystaa in uusan dadka waxbo u qaban"

Shoji Morimoto wuxuu ka macaashay nolol ku aadan in "uusan wax shaqo ah qaban".

Kahor inta uusan bilaabin xirfadidan cusub sanadkii 2018, waxa uu cilmiga Fiisigiska ka bartay jaamacad ku taal dalka Japan, kadibna wuxuu ku takhasusay cilmiga ku aadan dhulgariirka.

Shaqooyin joogto ah ayuu soo qabtay, wuxuu sheegay in shaqooyinkaas midkoodna uusan ku qancin.

Dadka waxay u kireystaan in uu iska raaco oo kaliya ah sida in uu cunto cuno

Xigashada Sawirka, SHŌJI MORIMOTO / TWITTER

Qoraalka sawirka, Dadka waxay u kireystaan in uu iska raaco oo kaliya ah sida in uu cunto cuno

Waxa uu horey uga soo shaqeeyay madbacad oo uu ku tafatire ka ahaa taasoo lagu daabici jiray buugaagta waxbarashada, wuxuu inta badan ka jawaabi jiray su'aalaha ay soo weydin jireen madaxdiisa shaqada, markii dambe shaqada ayuu nacay, wuxuu doordibay in si madaxbanaan uu u shaqeysto, laakinse shaqooyinkaas kuma uusan qancin.

"Waxay markii dambe xaaladeyda kusoo uruursatay in aan wax shaqo ah qaban" ayuu u sheegay BBC Mundo.

"Shaqada ka sokoow, dadka ayaa igu dhiirigelinayay in aan waxbo qaban gaar ahaan marka la joogo xafladaha, waxaan dareemayay sida qof dambi galay, markii dambe waxaan u maleeyay in aan ka faa'ideysan karo arrintaas oo aan la yimid ganacsiga ah "in dadka ii kireystaan in aan waxbo u qaban".

"Mar kasta waan aqbali jiray"

Tan iyo markii uu bilaabay ganacsigiisa cusub bishii June sanadkii 2018, Morimoto waxaa bartiisa Twitter-ka kusoo xirmay ku dhawaad ​​​​270,000 taageerayaashiisa ah, waxay noqotay goobta ugu weyn ee uu ku xayeysiiyo adeegyadiisa.

Wuxuu sheegay in dadka ay kala socdaan baraha bulshada si ay u fahmaan waxa uu qabto ka hor inta aysan kireysan isaga.

"Dadka waxay ii kireystaan in aan waxbo u qaban, waana aqbalaa codsiyadooda, waxa kaliya ah ee laga rabo inay bixiyaan ayaa ah 10,000 oo lacagta Japanese yen oo u dhiganta $100 doolar, waxay sidoo kale bixinayaan kharashka gaadiidka, cuntada iyo cabitaanka, Codsiyada iyo weydiimaha waxaa la iigu soo diraa fariin toos ah". waa sida ku qoran cinwaankiisa barta Twitter-ka.

.

Xigashada Sawirka, SHŌJI MORIMOTO / TWITTER

Wuxuu sidoo kale ku celceliyay in dadka kireysto uusan waxbo u qaban balse uu wax ka cuno ama ka cabbo oo kaliya ah.

"Ma sameeyo wax aan aheyn cabitaan , in aan wax cuno iyo in aan bixiyo jawaab fudud".

Maalin kasta waxaa soo gaaraa ugu yaraan saddex codsi.

Codsiyada kala duwan

Shaqadiisa iyo suuqiisa ugu weyn waa in uusan waxbo u qaban dadka kireysta balse iska raaco laakiin macaamisha waxay codsiyo kala duwan usoo gudbistaan Morimoto.

Codsiyada ugu badan wuxuu Morimoto ku sheegay "Waa in aan raaco dad aan rabin inay kaligood goob wax kasoo iibsadaan gaar ahaan dukumaada waaweyn, ama qof aan kaligii rabin in uu wax cuno ama qof doonaya in laga caawiyo fikrad ku saabsan mashruuca uu ku howlan yahay", Laakin waxa uu sidoo kale sheegay in mar la shaqaaleysiiyay inuu tago goob tareenada laga raaco.

.

Xigashada Sawirka, SHŌJI MORIMOTO / TWITTER

Macmiil kale ayaa codsaday adeeggiisa si uu is taago goobta ugu dambeysa uu gaaro qofka u tartamayo orodada Marathon-ka.

"Wuxuu ii sheegay inuusan u malaynayn inuu awood u leeyahay inuu tartanka dhammeeyo, wuxuuna go'aansaday inuu ii shaqaaleysiiyo si aan u dhiirri-geliyo, ugu dambayntii , wuxuu dhammeeyey Marathon-ka, waxaana la guddoonsiiyay billad," Morimoto ayaa u sheegay BBC Mundo.

Waan ku qanacsanahay shaqadan

Morimoto iyo macaamishiisa

Xigashada Sawirka, SHŌJI MORIMOTO / TWITTER

Qoraalka sawirka, Morimoto iyo macaamishiisa

Ku dhawaad ​​saddex sano ka dib markii uu bilaabay ganacsigiisan gaarka ah, Morimoto ganacsigiisa ma lahan wax xad ah, hadda wuxuu ku faraxsan yahay in waxa uu sameeyo, waxaana u muuqdaa macaamiisha kala duwan ee ku xiran ganacsigiisan la yaabka leh.

"Macaamiisha waxay ilaa hadda u muuqdaan inay la kulmaan isbeddel maskaxeed oo dadban ka dib markii ay ii kireysteen, waxay ii sheegeen inay xor u yihiin inay igala hadlaan waxyaabo aysan dad kale u sheegi karin, Waxay dareemayaan inay si fiican isugu dayayaan waxyaabaha iyaga culeyska saaraya laftooda. " ayuu yiri Morimoto.

Ninkan u dhashay Japan wuxuu ku faraxsan yahay codsiyada maalin kasta kasoo gaara macaamishiisa, kamana daalo codsigooda, wuxuu sheegay in dhaqaale ahaan ay ku filan tahay shaqadan gaarka ah ee uu hadda hayo.

"Waxa iga yaabiyay ayaa ah in dad badan ay ku qanacsan yihiin inay kireystaan qof aan waxbo qaban" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Morimoto.